{"id":32653,"date":"2016-12-18T21:13:29","date_gmt":"2016-12-18T18:13:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32653"},"modified":"2016-12-18T21:16:50","modified_gmt":"2016-12-18T18:16:50","slug":"shirkii-madasha-qararan-oo-maalintii-3aad-soconaya-iyo-wararkii-ugu-danbeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/shirkii-madasha-qararan-oo-maalintii-3aad-soconaya-iyo-wararkii-ugu-danbeeyey\/","title":{"rendered":"SHirkii Madasha Qaran oo maalintii 3&#8217;aad soconaya iyo wararkii ugu danbeeyey."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maalintii 3aad ka soconaya magaalada Muqdisho shirka madasha wadatashiga\u00a0 oo looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo la xiriira arimaha doorashada, waxaana warar hor dhac ah oo soo baxaya sheegaya in ay jiraan qodobo leysku mari la\u2019yahay.<\/p>\n<p>Shirka oo maalintii shalay warbixin ka dhageystay guddiga\u00a0 madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka doorashada, ayaa siweyn ugu kala qeybsamay sida laga yeelayo 11 kursi oo natiijadooda ay baabi\u2019iyeen gudiga doorashada dadban ee heer \u00a0federaalka, taa oo ay ku gacanseyreen hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.<\/p>\n<p>Madaxda maamul gobolleeyada ayaa lagu waramayaa in ay dalbanayaan in kuraastan sidooda loo daayo gudigana dib uga laabto go\u2019aankii ay horay u soo saareen, halka dhinaca kale beesha caalamka arintaa ka biyo diidan yihiin.<\/p>\n<p>Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in si gaar ah gudiga doorashada madaxabanaan iyo beesha caalamka ugu dhagan yihiin xubno horay looga joojiyay in ay\u00a0 tartamaan oo ay sheegeen in ay si sharci daro ah ku soo baxeen, iyaga oo dalbanaya in dib loogu celiyo doorashadii xubnahan ay ku soo baxeen..<\/p>\n<p>Dhinaca kale, qodobada muhiimka ah ee leysku mari la\u2019yahay ayaa waxaa ka mid ah doorashada xubnaha aqalka sare iyo hoose ee gobolada W\/qooyi, xiliga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha, madaama ay muuqato in aan hadda laga gaarsiin karin waqtigii horay loogu qabtay oo ku eg 28bishan December.<\/p>\n<p>Beesha caalamka oo shirkan qeyb ka ah ayaa hogaamiyayaasha shirsan ku cadaadinaya in la qabto waqti rasmi ah oo ay doorashada ku dhici karto, waxaana muuqanaya in mar kale ku hishiin doonaan hogaamiyayaasha xili cusub oo doorasho, taa oo laga yaabo in ay gaarto ilaa horaanta sanadka 2017-da.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/gudiga-khillaafaadka-doorashada-dadban-oo-warbixin-siiyey-madaxda-madasha\/hormuud-logo-9\/\" rel=\"attachment wp-att-32600\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32600\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-3-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-3-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-3-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/gudiga-khillaafaadka-doorashada-dadban-oo-warbixin-siiyey-madaxda-madasha\/salaam-bank-34\/\" rel=\"attachment wp-att-32597\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32597\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/gudiga-khillaafaadka-doorashada-dadban-oo-warbixin-siiyey-madaxda-madasha\/becco-31\/\" rel=\"attachment wp-att-32598\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32598\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/gudiga-khillaafaadka-doorashada-dadban-oo-warbixin-siiyey-madaxda-madasha\/tabaarak-26\/\" rel=\"attachment wp-att-32599\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32599\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maalintii 3aad ka soconaya magaalada Muqdisho shirka madasha wadatashiga\u00a0 oo looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo la xiriira arimaha doorashada, waxaana warar hor dhac ah oo soo baxaya sheegaya in ay jiraan qodobo leysku mari la\u2019yahay. Shirka oo maalintii shalay warbixin ka dhageystay guddiga\u00a0 madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka doorashada, ayaa siweyn ugu kala qeybsamay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32655,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32653","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32653","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32653"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32653\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32656,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32653\/revisions\/32656"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32655"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32653"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32653"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32653"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}