{"id":32553,"date":"2016-12-15T21:39:06","date_gmt":"2016-12-15T18:39:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32553"},"modified":"2016-12-15T21:42:03","modified_gmt":"2016-12-15T18:42:03","slug":"xildhibaanada-labada-aqal-ee-lagu-soo-doortey-hirshabeelle-oo-casho-sharaf-loogu-sameeyey-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/xildhibaanada-labada-aqal-ee-lagu-soo-doortey-hirshabeelle-oo-casho-sharaf-loogu-sameeyey-muqdisho\/","title":{"rendered":"Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo doortey HIRSHABEELLE oo casho sharaf loogu sameeyey Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Mas&#8217;uuliyiinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda federaalka ee dhowaan lagu soo doortay magaalad Jowhar islamarkaana ku abtirsada deegaanada Hirshabeelle, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Munaasabadda ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas&#8217;uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeelle sida Madaxweynaha maamulkaasi, ku xigeenkiisa,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Xildhibaanada cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee ka yimid Hirshabeelle,<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa musharax Madaxweynaha dalka C\/llaahi Maxamed Nuur Gar-guurte.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Inta munaasabadda ay socotay ayaa waxaa suugaano ay ku muujinayaan doorka dowlad goboleedkani cusub ee Hirshabeelle iyo qoondada dumarka ay ka heleen maamulkaasi ku soo bandhigay hobolada fanaaniinta Waaberi iyo Kooxda Shamsudiin Band, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ay ku soo bandhigeen qoob ka ciyaar ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsanyihiin suugaanta lagu dhiira galinayay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in magaalada Muqdisho Xildhibaanada Hirshabeelle lagu guddoonsiiyo shahaadooyinka Xildhibaanimo, waxaana uu ka dalbaday in ay u guntadaan in ay ka dhiidhiyaan xaqdarada uu xusay in gobolka Banaadir lagu hayo ayna u soo dhiciyaan xaqa Gobolka Banaadir ka maqan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare oo isna hadlay ayaa xildhibaanada Hirshabeelle uga mid noqonaya dowladda dhexe kula dar daarmay in 4-sano soo socota ay la yimaadaan waxqabad muuqda oo beri bulshada ku qiimeyn doonto.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa dar daaran uu u jeediyay Xildhibaanada oo in ay u shaqeeyaan umad in ka badan 25 sano dhibaatooyin kale duwan ay soo daashadeen, waxaana inta badan uu xooga saaray ka hadalka dhibaatooyin caafimaad daro iyo abaaro ka jira deegaanada Hirshabeelle isagoo codsaday in laga jawaabo dhibaatooyinkaasi oo la caawiyo dadka ku dhibaateysan deegaanadaasi.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble\u00a0 ayaa sheegay doorashadii ka dhacday jowhar in sidii loogu talo galay ay ku soo gaba gabowday ayna goob joog ka ahaayeen gudiyada doorashada dalka, waxaana uu xusay in ay farxad u tahay in Xubnaha labada aqal ay guddoonsiiyaan shahaadooyinka xildhibaanimo, waxaana uu kula daar daarmay bulshada ay xilka u qaadeen in ay ugu shaqeeyaan daacadnimo<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xildhibaanada Xalay shahaadooyinka la guddoonsiiyay ayaa waxaa ka mid ah C\/casiis Saalax Carmaan Wasiir ku Xigeenka Beeraha iyo Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo gudiga xalinta khilaafaadka ay qaadaceen doorashadii ay ku soo baxeen labadan mas&#8217;uul waxaana Maamulka Hirshabeelle uu ku adkeysanayaa in ay saxyihiin doorashooyinkii ay ku soo baxeen Nuux Iyo Carmaan.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/dadka-dhirta-guba-oo-qaarkood-uu-xir-xirey-maamulka-gobolka-hiiraan\/hormuud-logo-7\/\" rel=\"attachment wp-att-32481\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32481\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-1-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-1-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-1-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/dadka-dhirta-guba-oo-qaarkood-uu-xir-xirey-maamulka-gobolka-hiiraan\/salaam-bank-33\/\" rel=\"attachment wp-att-32482\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32482\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-1-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/dadka-dhirta-guba-oo-qaarkood-uu-xir-xirey-maamulka-gobolka-hiiraan\/becco-30\/\" rel=\"attachment wp-att-32483\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32483\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-1.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/dadka-dhirta-guba-oo-qaarkood-uu-xir-xirey-maamulka-gobolka-hiiraan\/tabaarak-25\/\" rel=\"attachment wp-att-32484\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32484\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mas&#8217;uuliyiinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyay Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda federaalka ee dhowaan lagu soo doortay magaalad Jowhar islamarkaana ku abtirsada deegaanada Hirshabeelle, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goob joog ka ahaa mas&#8217;uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeelle [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32555,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32553","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32553","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32553"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32553\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32554,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32553\/revisions\/32554"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32555"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32553"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32553"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32553"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}