{"id":32289,"date":"2016-12-05T17:59:24","date_gmt":"2016-12-05T14:59:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32289"},"modified":"2016-12-05T22:51:13","modified_gmt":"2016-12-05T19:51:13","slug":"dawooyin-at-sameyso-shirkad-jarmal-ah-oo-ay-soo-bandhigtey-shirkadda-mubaarik","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/dawooyin-at-sameyso-shirkad-jarmal-ah-oo-ay-soo-bandhigtey-shirkadda-mubaarik\/","title":{"rendered":"Dawooyin ay sameyso Shirkad Jarmal ah oo ay soo bandhigtey Shirkadda Mubaarik."},"content":{"rendered":"<p>Shirkadda Dawooyinka ee Mubaarak Pharmaceutical, ayaa soo bandhigtay dawooyinka Vitaminadda ah ee ay samayso shirkadda Dawooyinka ee Vitane ee laga leeyahay shirkadda Germany oo wadanka la keeni doonto.<\/p>\n<p>Munaasibadan lagu soo bandhigayey dawooyinkan cusub ayaa lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay gudoomiyaah shirkadda Mubaarak Farmasi Dr:Yuusuf Ducaale Bare, Dr:Kamaal Cabdi ladiif oo ka socday shirkadda Vitan oo ay wakiil u noqonayso Mubaarak Company, ururka midowga dhakhaatiirta Carabta, xubno ka tirsan Dhakhaatiira Somaliland, Gudoomiyaha hay\u2019adda mihnad-layaasha caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday,shirkadaha Dawooyinka ka iibsada shirkadda\u00a0 Mubaarak iyo dadweyne kale.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha shirkadda Mubaarak Dr Yuusuuf Ducaale Barre ayaa sheegay inay xiriir dheer wada leeyihiin shirkadoodda iyo shirkadan Vitane, kuwaasoo muddo siddeed sano ah wax ka soo iibsan jireen.<\/p>\n<p>Ducaale Waxaa kaloo uu xusay inay Dawooyinkan shirkadda Vitane leeyihiin qaybo kala duwan sida Vitamiinada oo dhan iyo qaybo kale oo muhiim u daweynta iyo caafimaadka bulshada, waxaanu yidhi \u201csida aad ka arki doontaan warbixinta Dr Kamaal Cabadi Ladiif Dawooyinkani waxay leeyihiin qaybo kala duwan oo aad muhiim ugu ah caafimaadka iyo nolosha bulshada waana Dawooyin tayo leh oo lagu soo sameeyey warshada dalka Germany\u201d<\/p>\n<p>Dr Ducaale waxa uu tilmaamay inay Dawooyinkani qofka cuna ka caawinayaan la dagaallanka dhiigg-la\u2019aanta,lafo-xanuunka,dhiigg-yaraanta,caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo guud ahaanba caafimaadka bulshada,waxaanu caddeeyey inay ka Mubaarak ahaan had iyo jeerba isku taxallo-jiraan\u00a0 inay ka duwanaadaan inta badan shirkadaha kale ee ka ganacsada Dawooyinka, waxaanu sheega inay xidhiidh la yeeshaan shirkadaha sameeya Dawooyinka ugu tayada wanaasgan sida shirkaddan Vitane oo Germany laga leeyahay iyo kuwo kale oo laga leeyahay dalka Turkiga oo wax badan la mahadiyey Dawooyinkiida si ay bulshada ugu keenaan Adeegg-caafimaad oo la soo hubiyey tayadiisa iyo Dawooyin laysku hubo waxtarkooda.<\/p>\n<p>Shirkadda Mubaarak wakiil uga noqonaysa shirkadan Jarmalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu wadanka yimid ninkii shirkada Vitane u qaabilsan suuq geynta iyo iibka Afrika iyo bariga dhexe.<\/p>\n<p>\u201cRuntii dadkeennu waxay soo mareen xilliyo aanay waxbaba ku waydiinjirin \u201ctayo iyo tayo la\u2019aan toona\u201d oo ay iska qaadan jireen Dawada balse hadda ilaahay mahadiisa waan ka soo kabanay marxaladdii noocaa ahayd oo dadkii waxay kala garanayaan Dawadii tayada lahayd iyo tii aan lahayn oo iyagaa kuwaydiina taydoonaan laakiin waxaan farayaa dhakhaatiirtiina halkaa fadhida iyo kuwa inaga maqanba inaynaan eegin uun qiimaha Dawada u qiimaha jaban uun ee waa inaynu dadka u keenna wax tayo leh oo ay bulshaduna awoodi karayaan inay iibsadaan oo aan ku dhib ahayn innaguna aynu habayaraadee wax uun ka macaashi karayno\u201dayuu yidhi gudoomiyaha shirkada Mubaarak.<\/p>\n<p>Dr. Kamaal Cabdi Ladiif oo shirkadda Vitane u qaabilsan suuqgeynta iyo iibka Afrika iyo bariga dhexe ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin muuqaal ah oo uu kaga\u00a0 hadlayo tayadda ay shirkadooddu soo bandhigaan.<\/p>\n<p>\u201cHadda waxaan idin tusayaa qaar kamida Dawooyinka aannu soo saarro sharoobooyinka oo kale oo haddii ay caruurta ka dhacaan xiitaa aan waxba noqonayn\u201dayuu yidhi Kamaal.<\/p>\n<p>Dr. Maxamed Cabdi \u201cXergeeye\u201d oo ah madaxa qaybta TB da ee Hargeysa Hospital ayaa shirkadda Mubaarak ku amaanay in aanay raadin oo kaliya macaash ee ay awoodda saaraan inay dalka keenaan dawooyin tayo leh.<\/p>\n<p>Dr. Maxamed Sheekh Cabdillaahi \u201cwalaaleeye\u201d oo ka mid ah dhakhaatiirta caanka ah ee ka hawlgala gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay sheegay in dawooyinka shirkadan keento yihiin kuwo tayo leh oo aad dadku ugu reeyeen.<\/p>\n<p>Dr. Mustafe Axmed Saadaq oo ah la taliyaha arrimaha caafimaadka ee ururka midawga dhakhaatiirta Carabta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin xidhiidhka ganacsiga ee ay la leeyihiin shirkadda Mubaarak iyo inay ku qanacsanyihiin ilaa hadda tayada Dawooyinka ay soo dajiyaan ee kala duwan.<\/p>\n<p>Agaasimihii hore ee Dhakhtarka Hargeysa Dr Yaasiin Carab ayaa isna soo dhoweeyey dawooyin cusub ee shirkaddu keeni doonta iyo wakiilka ay u noqotay shirkadda Vitanne.<\/p>\n<p>\u201cShirkadda Mubaarak iyo Dr Kamaal oo ka socda Shirkadda Vitane waxaan idinka codsanayaa inaand ku tabobartaan dhakhaatiirta Somaliland sida loo shaybaadho Dawooyinka oo loo kala saaro midda aan tayada lahayn iyo midda fiican ee waxtarka u leh bulshada\u201dayuu yidhi Dr:Yaasiin.<\/p>\n<p>Dr. Axmed Xaashi Nuur \u201cOday\u201d oo ah Gudoomiyaha Hay\u2019adda Mihnad-layaasha xirfadaha caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay inuu Shirkadda Mubaarak tan iyo xili-dheer xidhiidh la lahaa markii uu ahaa Agaasimihii hore ee wasaaradda Caafimaadka \u201canigu shirkadda Mubaarak waxaanu\u00a0 is barannay xili hore markii aan ahaa agaasimihiihore ee wasaaradda caafimaadka waxanan ogaaday inay Dawada ka keeni jireen dalka Joordan oo kamid ah waddamada soo saara Dawooyinka ugu tayada wanaagsan ilaa\u00a0 hadana sidiibaan macmiil ugu ahay Dawooyinkoda oo waa ka iibsadaa\u201d ayuu yidhi Dr Oday.<\/p>\n<p>\u201cAnigu waxaan ogahay oo aanu soo taagnaa nin aanu baadhnay aqoontiisa dhakhtarnimada iyo Dawooyinka oo keenayo kaasoo markii dambe Dawooyinkii uu keenayey aannu ka daadinay oo aanu nidhi isku ururi oo qashinka ku darr base aanu gadaal ka ogaanay inuu dib u soo gurtay Dawooyinkii aanu ka daadinay oo uu markale u samaystay labels \u201cwaraaqaha lagu qoro macluumaadka Dawada iyo taariikhda goorta ay dhacayso\u201d ayuu yidhi Dr:Oday.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/hormuud-logo-5\/\" rel=\"attachment wp-att-32206\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32206\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/salaam-bank-31\/\" rel=\"attachment wp-att-32207\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32207\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/becco-28\/\" rel=\"attachment wp-att-32208\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32208\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/tabaarak-23\/\" rel=\"attachment wp-att-32209\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32209\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkadda Dawooyinka ee Mubaarak Pharmaceutical, ayaa soo bandhigtay dawooyinka Vitaminadda ah ee ay samayso shirkadda Dawooyinka ee Vitane ee laga leeyahay shirkadda Germany oo wadanka la keeni doonto. Munaasibadan lagu soo bandhigayey dawooyinkan cusub ayaa lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay gudoomiyaah shirkadda Mubaarak Farmasi Dr:Yuusuf Ducaale Bare, Dr:Kamaal Cabdi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32291,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32289","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32289","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32289"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32289\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32317,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32289\/revisions\/32317"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32291"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32289"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32289"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32289"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}