{"id":32247,"date":"2016-12-02T20:21:19","date_gmt":"2016-12-02T17:21:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32247"},"modified":"2016-12-02T20:27:08","modified_gmt":"2016-12-02T17:27:08","slug":"duleedka-degmada-waajid-ee-gobolka-bakool-oo-dagaal-khasaare-dhaliyey-ka-dhacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/duleedka-degmada-waajid-ee-gobolka-bakool-oo-dagaal-khasaare-dhaliyey-ka-dhacey\/","title":{"rendered":"Duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool oo dagaal khasaare dhaliyey ka dhacey."},"content":{"rendered":"<p>Iska-hor-imaad Khasaare dhaliyay, ayaa Maanta ka dhacay dulleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kaasoo labada dhinac ay Guulo ka kala sheegteen.<\/p>\n<p>Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ayaa qarxay markii Ciidanka Dowladdu Federaalka Somalia ay Weerareen Ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo dulleedka Degmada Waajid ah.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Maxamed Aadan Yariisow, ayaa u Sheegay Warbaahinta inuu hal Askari uag dhintay dagaalkaas, Halka mid kalena uu kaga dhaawacmay, sidoo kalena Al-shabaab Khasaare ka badan intaas ay u geysteen.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay Toddoba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia, ayna ka furteen hubkii ay wateen.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in dagaalka uu ka qarxay markii xoogag ka tirsan oo ku sugan duleedka degmada Waajid oo Raashin waday ay waddada u galeen, uuna halkaas ka dhacay dagaal culus.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in Xaaladda halkii lagu Dagaallamay ay haatan tahay mid deggen, waxaana la soo sheegayaa in Dhaqaaq ciidan ay jirto halkii lagu Dagaallamay, inkastoo aysan xabbad socon..<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa 300-km waqooyi-galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, halkaasoo ay dhawr jeer ku dagaalameen ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Al-shabaab.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/hormuud-logo-5\/\" rel=\"attachment wp-att-32206\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32206\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-3-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/salaam-bank-31\/\" rel=\"attachment wp-att-32207\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32207\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/becco-28\/\" rel=\"attachment wp-att-32208\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32208\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/32205\/tabaarak-23\/\" rel=\"attachment wp-att-32209\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32209\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iska-hor-imaad Khasaare dhaliyay, ayaa Maanta ka dhacay dulleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kaasoo labada dhinac ay Guulo ka kala sheegteen. Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ayaa qarxay markii Ciidanka Dowladdu Federaalka Somalia ay Weerareen Ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo dulleedka Degmada Waajid ah. Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Maxamed Aadan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32249,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32247","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32247","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32247"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32247\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32248,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32247\/revisions\/32248"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32247"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32247"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32247"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}