{"id":31997,"date":"2016-11-22T18:48:44","date_gmt":"2016-11-22T15:48:44","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31997"},"modified":"2016-11-22T18:50:07","modified_gmt":"2016-11-22T15:50:07","slug":"dalka-suuriya-magaalada-xalab-oo-xaalad-xumi-ka-taagantahey-iyo-dagaalo-ku-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/dalka-suuriya-magaalada-xalab-oo-xaalad-xumi-ka-taagantahey-iyo-dagaalo-ku-socda\/","title":{"rendered":"Dalka Suuriya Magaalada Xalab oo xaalad xumi ka taagantahey iyo dagaalo ku socda."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada dowladda Suuriya iyo xulufadooda ayaa goobo horleh kala wareegay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda maalinimadii Isniinta, ayadoo dagaallada iyo duqeeymaha ka socda magaaladaasi ay kasii daraan islamarkaana shacabka ku harsan magaalada ay lasoo darastay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.<\/p>\n<p>\u201cUgu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay duqeeymo Isniintii ka dhacay magaalada Xalab,\u201d sidaa waxaa yiri mid kamid ah shaqaalaha caafimaad ee magaaladaasi oo lagu magacaabo Ibraahim Abuu Leys oo la hadlay Al-jazeera.<\/p>\n<p>Dib u qabsashada goobihii ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka ee bariga magaaladaasi oo gacanta ciidamada dowladda Suuriya ka baxday sanadkii 2012 ayaa noqoneeysa guushii ugu weynayd ee ay ciidamada Bashar Al-assad ka gaaraan kooxaha mucaaradka mudadii shanta sano ee ay dagaallada ka socdeen dalkaasi.<\/p>\n<p>Masuul ka tirsan Hay\u2019adda Unicef oo lagu magacaabo Geert Cappelaere ayaa sheegay in carruur ka badan 100,000 ay ku go\u2019doonsanyihiin magaaladaasi. Isagoo yiri \u201d Ma ahan in caruurta lagu duqeeyo isbitallada iyo goobaha waxbarasho.\u201d<\/p>\n<p>Magaalada Xalab oo ay ku socdaan duqeeymo cir iyo dhul ah ayaa gashay marxalad adag, ayadoo magaaladu ay gabi ahaanba burbursantahay, waxaa sidoo kale duqeeymaha ku burburay goobihii caafimaadka, ayadoo laga deeyrinayo xaaladda dadka ku harsan magaaladaasi oo aan heli karin waxyaaha aasaasiga u ah nolosha.<\/p>\n<p>Xaaladda Xalab ayaa ah mid argagax leh, waxaana dhicisoobay qorsheyaal la doonayay in gargaar bini\u2019aadanimo lagu gaarsiiyo magaaladaasi, ayadoo magaaladu noqotay mid laga maqlo oo qura dhawaqa rasaasta iyo madaafiic ay labada dhinac is weeydaarsanayaan.<\/p>\n<p>Ciidamada Suuriya oo garab ka helaya dalal kale oo ay xulufo yihiin ayaa isku dayaya in ay awood u sheegtaan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda oo iyagu qudhooda taageero ka hela dowlado kale, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu yahay mid adag oo aysan suurogal ahayn in si fudud lagu kala adkaado, maadaama quwado waaweyn ay kala taageerayaan dhinacyada ishaya.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/hormuud-logo-3\/\" rel=\"attachment wp-att-31848\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31848\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/salaam-bank-29\/\" rel=\"attachment wp-att-31850\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31850\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/becco-26\/\" rel=\"attachment wp-att-31849\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31849\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/tabaarak-21\/\" rel=\"attachment wp-att-31851\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31851\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada dowladda Suuriya iyo xulufadooda ayaa goobo horleh kala wareegay kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda maalinimadii Isniinta, ayadoo dagaallada iyo duqeeymaha ka socda magaaladaasi ay kasii daraan islamarkaana shacabka ku harsan magaalada ay lasoo darastay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. \u201cUgu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay duqeeymo Isniintii ka dhacay magaalada Xalab,\u201d sidaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31999,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31997","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31997","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31997"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31997\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31998,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31997\/revisions\/31998"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31999"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31997"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31997"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31997"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}