{"id":31971,"date":"2016-11-21T22:15:55","date_gmt":"2016-11-21T19:15:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31971"},"modified":"2016-11-21T22:21:42","modified_gmt":"2016-11-21T19:21:42","slug":"degmada-togwajaalle-ee-gobolka-awdal-oo-xanuunka-shuban-biyoodku-ka-dillaacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/degmada-togwajaalle-ee-gobolka-awdal-oo-xanuunka-shuban-biyoodku-ka-dillaacey\/","title":{"rendered":"Degmada Togwajaalle ee Gobolka Awdal oo xanuunka shuban biyoodku ka dillaacey."},"content":{"rendered":"<p>Magaalo xudeedeedka Tog-wajaale ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu ka Dillaacay Shuban aan wali noociisa la garan, isla markaana dad badan soo ritay.<\/p>\n<p>Dadka deegaanka ayaa sheegay in shubankani uu baryahan dambe ka jiray xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya iyo nawaaxigeedda, markii dambana uu ka soo gudbay xadka, maadaama oo ay tahay magaaladda Wajaale xuduud furan oo labadda shacab mar walba iskaga kala gudbaan.<\/p>\n<p>Agaasimaha isbitaalka Wajaale Cumar Cabdi Guuleed ayaa sheegay in cudurkan Shubanku ka jiro magaaladda, isla markaana ay dad badan la soo dhigay Cisbitaalka Tog-wajaale qaybteedda Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWuu jira shubankani laakiin wali baadhitaankiisa socda oo waad ogtihiin inuu Itoobiya ka jira, marka wali lama ogaan, laakiin dadka cisbitaalka noogu yimid ee uu ku dhacay waa illaa sideed iyo labaatan\u00a0 ilaa sodan qof inta aanu aragnay, laakiin way jiraan dad iyagu Hargeysa ama Gabiley u tagay xaaladan oo kale\u201dayuu yidhi Agaasimaha cisbitaalka Wajaale Cumar Cabdi.<\/p>\n<p>Xaaladdan shuban biyood ah ayaa wararka qaar sheegayaan inay jiraan dad u geeriyooday, inkastoo wali la cadeyn dhakhtarkuna uu cadayn kari waayey, maadaama oo aanu wali cisbitaalka dad shuban ku dhacay ku geeriyoon.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xaaladdan shubanka aan wali la garan nooca shuban ee uu yahay ayaa halis badan ku abuurtay dadka Wajaale, maadamaa oo magaaladda Jig jiga iyo nawaaxigeedda ay jiraan dad farobadan oo usoo ritay cudurkan Shubanka ahi.<\/p>\n<p>Dhakhaatiirta, ayaa faraya dadweynaha inaanay nadaafada ilaaliyaan, isla markaana marka xaaladan shubanka oo kale yimaado taxadar badan la sameeyo, haddii qof kamid ah qoyska uu ku dhacayana si dhakhso ah loola soo xidhiidho cisbitaalka ugu dhow.<\/p>\n<p>Dhanka kale, dawladda ayaa iyadana\u00a0 loo baahan yahay inay taxadar badan samayso, isla markaana wacyigelin ku samayso dadka si looga badbaadiyo cudurkan SHubanka ee aan wali la garan nooca shuban ee uu yahay, taas oo baadhitaan lagu hayo, iyadoo Itoobiyana wali soo saarin nooca shuban ee uu yahay, inkastoo wacyigelin badan loo sameeyey inay is ilaaliyaan, maadaama oo shubanku yahay cudur qofka halis galinkarta marka uu\u00a0 haleelo haddii aanu helin goobo caafimaad.<\/p>\n<p>WARSOM2011@GMAIL.COM<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/hormuud-logo-3\/\" rel=\"attachment wp-att-31848\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31848\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/salaam-bank-29\/\" rel=\"attachment wp-att-31850\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31850\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/becco-26\/\" rel=\"attachment wp-att-31849\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31849\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/tabaarak-21\/\" rel=\"attachment wp-att-31851\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31851\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalo xudeedeedka Tog-wajaale ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu ka Dillaacay Shuban aan wali noociisa la garan, isla markaana dad badan soo ritay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in shubankani uu baryahan dambe ka jiray xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya iyo nawaaxigeedda, markii dambana uu ka soo gudbay xadka, maadaama oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31973,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31971","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31971","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31971"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31971\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31972,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31971\/revisions\/31972"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31973"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31971"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31971"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31971"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}