{"id":31869,"date":"2016-11-18T00:07:03","date_gmt":"2016-11-17T21:07:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31869"},"modified":"2016-11-18T00:08:02","modified_gmt":"2016-11-17T21:08:02","slug":"madaxweynaha-cusub-ee-dalka-mareykanka-oo-mushaarkiisu-noqonayo-hal-dollar-keliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/madaxweynaha-cusub-ee-dalka-mareykanka-oo-mushaarkiisu-noqonayo-hal-dollar-keliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka oo Mushaarkiisu noqonayo Hal dollar keliya."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha la Doortay ee Dalka Mareykanka, Mr. Donald Turmp, ayaa ku xaqiijyay qorshihiisa mushaarka yar, kaddib Wareysi uu siiyay barnaamijka 60-ka daqiiqo ee Telefishinka CBS.<\/p>\n<p>Donald Trump, ayaan ka warqabin inta uu le\u2019eg mushaarka madaxweynuhu uu qaato, balse wuxuu sheegay inuu u malaynayo inuu u baahan yahay inuu qaato Hal Doollar oo keliya.<\/p>\n<p>Laakiin markii wariyihii wareysanayey [Ms Stahl] ay u sheegtay in mushaarku yahay 400 kun oo doolar, wuxuu yiri : &#8220;Maya, ma doonayo inaan qaato mushaarkaas. Ma qaadanayo&#8221;.<\/p>\n<p>Madaxweynaha-la- doortay wuxuu ku joogaa ballan-qaadkii uu sameeyey intii uu ku jiray olallaha doorashada. Wuxuu u sheegay dad u soo baxay bishii September ee sannadkan in aanu mushaarku &#8220;muhiimad aad u wayn&#8221; u lahayn isagga.<\/p>\n<p><strong>Hogaamiyayaal kale miyay iska dhaafeen mushaarkooda?<br \/>\n<\/strong><br \/>\nTrump, ma ahan Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Mareykan ah oo mushaarkiisa diida inuu Qaato. Herbert Hoover oo Hantidiisa ka sameeyay Ganacsiga Macdanta, intii aannu qaban Xafiiska iyo John F. Kennedy, kaasoo dhaxal u helay Maalkiisa ayaa Labadooduba waxay diiddeen inay qaataan wax mushaar waxaynna ugu tabaruceen hay&#8217;addaha samafalka.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/madaxweynaha-cusub-ee-dalka-mareykanka-oo-mushaarkiisu-noqonayo-hal-dollar-keliya\/herbert-hoover\/\" rel=\"attachment wp-att-31871\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31871\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/herbert-hoover-150x150.jpg\" alt=\"herbert-hoover\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/herbert-hoover-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/herbert-hoover-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>Duqii hore Michael Bloomberg, gudoomiyihii hore ee California Arnold Schwarzenegger iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Massachusetts, Mitt Romney ayaa diiday mushaarkooda qaaliga ah, iyagoo ka dhigay mid yar.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Mark Zuckerberg oo ah Aasaasaha Facebook-ga waa qofka ugu mushaarka ugu yar shirkaddiisa, si la mid ah bilyineero iyo madax shirkado ayaa qaata mushaar hal Doolar ah. Sergey Brin &amp; Larry Page oo ah Aasaasayaasha Google ayaa sannado badan mushaarka ay qaataan wuxuu ahaa hal doollar oo keliya.<\/p>\n<p>Marka lagu daro Mushaarka Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ah 400,000 oo Doollar, waxaa kaloo uu leeyahay 50,000 oo Doollar &#8211; oo Canshuur ahaan loo siiyo sida uu Xeerku qabo.<\/p>\n<p>Marka la bar-badhigo Ra&#8217;iisul Wasaaraha Waddanka Canada, wuxuu qaataa mushaar dhan 340,800 oo doolarka Canada ah. Ra&#8217;iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel waxay iyadu qaadataa $242 kun sanadkii, halka madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande uu helo Sannadkii $198,700, sida uu BBC-du ka soo xigatay Telefishinka CNN.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Ra\u2019iisul Wasaaraha Britain, Theresa May &#8211; waxay mushaar ahaan u qaadataa earns $186,119 Sannadkii. RW hore ee Britain, David Cameron ayaa xilligii uu xilka hayay ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan, kaddib markii la kordhiyay mushaarkiisa 10% sanadkii hore ee 2015-kii.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/madaxweynaha-cusub-ee-dalka-mareykanka-oo-mushaarkiisu-noqonayo-hal-dollar-keliya\/tersa-may\/\" rel=\"attachment wp-att-31872\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31872\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tersa-may-150x150.jpg\" alt=\"tersa-may\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tersa-may-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tersa-may-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p><strong>Donald Trump ma leeyahay il kale oo dhaqaale?<\/strong><\/p>\n<p>Haa, oo kuwa badan ayaa mar horeba baaritaan lagu sameeyey. Isuduwidda maaliyadda Mr Trump, ayaa su&#8217;aalo hareeyeen kaddib, Markii uu ku dhawaaqay inuu saddex carruur ah oo uu dhalay, Donald Jr, Eric, iyo Ivanka &#8211; iyo Ivanka ninkeedii Jared Kushner, loo doortay in guddiga kala guurka.<\/p>\n<p>Mr Trump loogama baahna inuu iibiyo hanti, taas oo lagu Qiyaasay Balaayiin, waxaana uu sheegay in uu uga Tegi doonno Ganacsiga Boqortooyadiisa Aaminaad indho la&#8217;a &#8211; oo ay sii maamuli doonaan caruurtiisu maamuli doonaan.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Kalsoonidaan muran ayaa ku jira ama waxay ku jirtaa gacanta cid la aaminsan yahay, taasoo u siinaysa caruurtiisa inay xil-wareejita madaxweynennimo ku lug yeeshaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Illaa iyo hadda, Trump wuxuu diiddan yahay inuu shaaciyo cashuurta uu sii daayo, mana cadda in hantidiisa dibadda ay saamaynayso xiriirka Mareykanka.<\/p>\n<p><strong><em>XIGASHO: BBC<\/em><\/strong><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/hormuud-logo-3\/\" rel=\"attachment wp-att-31848\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31848\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/hormuud-logo-1-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/becco-26\/\" rel=\"attachment wp-att-31849\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31849\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/salaam-bank-29\/\" rel=\"attachment wp-att-31850\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31850\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/guri-nin-boolis-ah-muqdisho-ka-degenaa-oo-bambaano-lagu-weerarey\/tabaarak-21\/\" rel=\"attachment wp-att-31851\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31851\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha la Doortay ee Dalka Mareykanka, Mr. Donald Turmp, ayaa ku xaqiijyay qorshihiisa mushaarka yar, kaddib Wareysi uu siiyay barnaamijka 60-ka daqiiqo ee Telefishinka CBS. Donald Trump, ayaan ka warqabin inta uu le\u2019eg mushaarka madaxweynuhu uu qaato, balse wuxuu sheegay inuu u malaynayo inuu u baahan yahay inuu qaato Hal Doollar oo keliya. Laakiin markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31875,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31869","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31869","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31869"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31869\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31874,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31869\/revisions\/31874"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31875"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31869"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31869"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31869"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}