{"id":31752,"date":"2016-11-13T22:14:49","date_gmt":"2016-11-13T19:14:49","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31752"},"modified":"2016-11-13T22:17:17","modified_gmt":"2016-11-13T19:17:17","slug":"gudiga-khilaafaadka-doorashooyinka-dadban-oo-war-soo-saarey-maanta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/gudiga-khilaafaadka-doorashooyinka-dadban-oo-war-soo-saarey-maanta\/","title":{"rendered":"Gudiga khilaafaadka Doorashooyinka dadban oo war soo saarey maanta."},"content":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxa-bannaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan, ayaa maanta waxay soo saareen Warbixin ay kaga hadlayaan xaaladda doorashooyinka Guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Haddaba, AKHRISO; Warbixinta uu Guddiga Xallinta Khilaafaadku Soo Saaray:<\/strong><\/p>\n<p>Guddiga MXKHDD ee dalka, Waxaa sharaf u ah inuu Shacabka Soomaaliyeed la wadaago xaaladaha guud ee doorashooyinka dalka.<\/p>\n<p>Guddigu wuxuu soo dhaweynayaa, isla markaana Bogaainayaa Doorashadii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ee ka bilowday Dowlad-Gobaleedyada dalka, Taasoo horumar fiican laga gaaray inta badan. sidoo kale wuxuu bogaadinayaa doorshada Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka HIR-SHABEELE.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, GMXKHDD wuxuu dareen ka muujinayaa socodsiinta Hawlaha Doorahada kuraasta qaarkood oo cabashooyin badan ay ka jiraan.<\/p>\n<ol>\n<li>Si loo yareeyo saameynta ay dacwadaha ku yeelanayaan waqtiga gaaban ee doorashada, GMXKHDD, Wuxuu ku baaqayaa in Guddiyada Heer Maamul-Goboleed ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ay gacan ku siiyaan GMXKHDD, isla markaana la Wadaagaan macluumaadka la xiriira kuraasta loo tartamaayo ee uu Gal-dacwadeed ka furan yahay si loo marsiiyo hanaanka xallinta cabashooyinka isla markaana go\u2019aan deg-deg ah laga gaaro.<\/li>\n<li>GMXKHDD, Wuxuu ku adkeynayaa GFHDD iyo GDGHDD inay hirgeliyaan go\u2019aankii ay soo saareen madasha hoggaanka Qaran ee ku xusnaa warmurityeedkii ku taariikheysnaa 14ka September ee la xiriiray qoondada haweenka. \u201cBeeshii iska leh Saddex Kursi inay u qoondeyso Hal kursi oo ay ku Tartamaan Musharraxiinta Haweenka ah oo oo kaliya.\u201d<\/li>\n<li>Waxaa Helaynaa Xog sheegeysa in Doorashada ka billaabatay Xarumaha gaarkood aan laga tix-gelin kuraasta Qoondada Haweenka. Sidaa Awgeed, Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban waxa uu xasuusinayaa in Masuuliyadda hubinta qoondada haweenka uu leeyahay Guddiga Heer Federaal. Ha yeeshee, GMXKHDD waxa uu dib u eegis ku sameynayaa hir-gelinta qoondada dumarka, haddii ay cadaato in Beelaha leh Saddex Kursi, oo Saddexdoodiiba Rag kusoo baxeen, in Natiijooyinkaas soo baxay ee kuraasta loo codeeyay ku imaan karaan is-beddel kaddib baaritaanada iyo Go&#8217;aan Gaarista Guddiga xallinta khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo leh Awooda iyo go&#8217;aanka kama danbeysta ah.<\/li>\n<li>GMXKHDD, Wuxuu Walaac ka muujinayaa Xogta sheegeysa in Musharraxiin qaarkood ay ergada Doorasho ay si Toos ah u maamushaan oo ay mas&#8217;uul ka noqdeen Dejintooda iyo bixinta Ttas-hiilaadkooda degaan, sidaa awgeed ay is hor taageen in musharraxiinta la Tar-tameysa aysan helin fursad ay kula kulmaan ergada doorsho si ay ugu bandhigaan Barnaa-mijkooda wax qabad.<\/li>\n<li>Arrintaan, kor ku xusan waa musuq-maasuq heerkii u sareeyay, dacwadaha la xiriirana, Waxaa laga gaarayaa go\u2019aan noqon kara in Dib loogu Tartamo Kursigaas, isla markaana Musharraxii lasoo eedeeyayna laga reebaayo tartanka.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Dhanka kale, Guddigu wuxuu ka dalbanayaa guddiyada doorashooyin ee Heer Federaal iyo kuwa heer Maamul-goboleed inay ku dadaalaan sidii loo Xaqiijin lahaa in Doorashooyinku u dhacaan si hufnaan iyo daah furnaan ku jirto.<\/p>\n<p>Guddigu waxuu ku boorinayaa dhamaan Guddiyadan inay maanka ku hayaa waajibnimada Dastuuriga ah ee ilaalinta Xuquuqda Mursharraxa Cod-bixyaasha iyo guud ahaan bulshada muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Guddiga MXKHDD wuuxu xaqiijinayaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan Gaar ahaan intii Cabashoododu soo gaartay in la Xallinayo, iyadoo la marinayo Hannaanka iyo Hab-raacyada Xallinta Khilaafdka ee guddigan uu ku dhisan yahay, waxaana la xaqiijin doonaa inaan gaarno go&#8217;aan cadaaladeed.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/gobolka-galguduud-degaan-ka-tirsan-oo-dagaal-labo-beelood-ku-dhexmarey-maanta\/becco-25\/\" rel=\"attachment wp-att-31699\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31699\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-1.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/becco-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/gobolka-galguduud-degaan-ka-tirsan-oo-dagaal-labo-beelood-ku-dhexmarey-maanta\/salaam-bank-28\/\" rel=\"attachment wp-att-31700\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31700\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-1-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/salaam-bank-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/gobolka-galguduud-degaan-ka-tirsan-oo-dagaal-labo-beelood-ku-dhexmarey-maanta\/tabaarak-20\/\" rel=\"attachment wp-att-31701\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31701\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/11\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxa-bannaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan, ayaa maanta waxay soo saareen Warbixin ay kaga hadlayaan xaaladda doorashooyinka Guud ee Soomaaliya. Haddaba, AKHRISO; Warbixinta uu Guddiga Xallinta Khilaafaadku Soo Saaray: Guddiga MXKHDD ee dalka, Waxaa sharaf u ah inuu Shacabka Soomaaliyeed la wadaago xaaladaha guud ee doorashooyinka dalka. Guddigu wuxuu soo dhaweynayaa, isla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31754,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31752","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31752","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31752"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31752\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31753,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31752\/revisions\/31753"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31754"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31752"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31752"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31752"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}