{"id":31458,"date":"2016-11-03T19:23:01","date_gmt":"2016-11-03T16:23:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31458"},"modified":"2016-11-03T19:27:29","modified_gmt":"2016-11-03T16:27:29","slug":"ururada-bulshada-rayidka-ah-oo-ka-digey-in-musuq-maasuq-dhaqaale-iyo-siyaasadeed-loo-adeegsado-doorashada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/11\/ururada-bulshada-rayidka-ah-oo-ka-digey-in-musuq-maasuq-dhaqaale-iyo-siyaasadeed-loo-adeegsado-doorashada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ururada Bulshada Rayidka ah oo ka digey in musuq maasuq dhaqaale iyo siyaasadeed loo adeegsado doorashada Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiyaha mashruuca ARAGTO-IFISO ee isbaheysiga ururada bulshada rayidka ah Xassan Shire Sheekh ayaa\u00a0 walaac xoog leh ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada musuq-maasuqa ee la xiriira ololaha doorashooyinka madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka iyo weliba si qaldan u maamulida hantida daweynaha.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu sheegay in maamlmihii ugu dambeeyay ay ARAGTO-IFISO soo gaaray cabashooyin la xiriira doorashooyinka kuwaas oo laga cabsi qabo in loo adeegsado dariiqyo aan habbooneyn, sida gadashada kuraasta iyo codadka inta.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cXilliyada doorashooyinka waxaa soo bannaaka yimaada musuq-maasuq iyo wax is daba marin xoog leh, waxaana codsaneynaa in doorashooyinku si nadiif ah oo dimoqraadiyad leh ay u dhacaan, musuq-maasuqa iyo tuuganimadu waa caqabad mar kasta hortaagan horumarka iyo wanaagga\u201d ayuu yiri guddoomiyaha ARAGTO-IFISO Xasan Shire Sheekh.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Mudane Xasan Shire ayaa sheegay in musuq-maasuqu uu dhaawacoyo dowladnimada, dimoqraadiyada, xaquuqada aadanaha, ammaanka, iyo nolosha qof kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa ugu weynyahay waxyaabaha ragaadiyay horumarka dalka Soomaaliya, waxaana dadka Soomaaliye ay wal-wal ka qabaan inuu heerkiisu gaaro mid aan wax laga qaban Karin, iyagoo ka xanaaqsan dhaqanka nuucan ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Mudane Xasan Shire ayaa sheegay in marka la gaaro codeynta madaxweynaha in xildhibaanadda laga doonayo damiir waddaniyadeed iyo mas\u2019uuliyad ay uga fikiraan mustaqbalka dalka Soomaaliya oo muddo 26-sanadood ah dhibaatooyin iyo colaado ku soo jiray.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"http:\/\/hiiraan.com\/images\/2016\/Nov\/2016113636137486380507989hASSAN-mn.jpg\" \/><\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cMarkii uu xildhibaanku isla helo qalinka iyo warqadda codeynta ha ogaado inuu go\u2019aan ka gaarayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed oo u baahan madaxweyne noloshooda wax ka badali kara, kartina u leh unuu u furo dariiq ay ku helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah sida; caafimaad, nabadgaliyo, waxbarasho, shaqo abuuris, iyo koboc dhaqaale isla markaana dhowri kara xorriyadooda, xuquuqdooda iyo hantidooda\u201d ayuu yiri mudane Xasan Shire.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu shirkiisa jaraa\u2019id mudane Xasan shire ku sheegay inay muhiim tahay in xildhibaanaddu ay qiimeeyaan musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimada dalka. \u201cShacabku waxay ku qanacsanyihiin in musharraxiinta lagu qiimeeyo shaqooyinkii ay soo qabteen, sumcadooda, kartidooda iyo diiwaankooda nololeed, si loo kala ogaado qofka wax qabadka leh iyo kan soo fashilmay\u201d<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cWaxaan ugu baaqeynaa in laga digtoonaado musuq-maasuq iyo si xun wax u raadinta\u201d ayuu sii raaciyay Xasan Shire oo intaas ku daray \u201cWaa inay ciqaab mutaan dadka ka qeyb gala ceebahaas oo kale, waana in dib loo howl galiyaa guddigii la dagaallanka musuq-maasuqa ee la sameeyay sanadkii 2011\u201d<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0\u201cWaa dhibaato in caalamku uu noo arko umad wada tuugo ah oo aan la aamini karin, waana\u00a0 masuuliyad saaran qof kasta ka damqado, isla markaana uu la dagallamo musuq-maasuqa\u201d ayuu sheegay Xasan Shire.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyaha ARAGTO-IFISO Xassan Shire uu ka codsaday madaxda maamul goboleedyada, hoggaamiyaasha dhaqanka, iyo madaxda madasha wadatashiga qaranka ee NLF inay hannaanka doorashooyinka Xildhibaanada ay noqdaan kuwa aan is qab-qabsi laheyn oo lagu dhammeeyo is afgarad, talo wadaag, iyo dimoqraadiyad.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/xukunkii-dilka-ahaa-ee-dalka-turkiga-oo-uu-dalbanayo-in-dib-loo-soo-celiyo-mweyne-erdogan\/becco-23\/\" rel=\"attachment wp-att-31288\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31288\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-10.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-10.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-10-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/xukunkii-dilka-ahaa-ee-dalka-turkiga-oo-uu-dalbanayo-in-dib-loo-soo-celiyo-mweyne-erdogan\/salaam-bank-26\/\" rel=\"attachment wp-att-31289\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31289\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-5-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-5-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/xukunkii-dilka-ahaa-ee-dalka-turkiga-oo-uu-dalbanayo-in-dib-loo-soo-celiyo-mweyne-erdogan\/tabaarak-18\/\" rel=\"attachment wp-att-31290\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31290\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-5.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha mashruuca ARAGTO-IFISO ee isbaheysiga ururada bulshada rayidka ah Xassan Shire Sheekh ayaa\u00a0 walaac xoog leh ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada musuq-maasuqa ee la xiriira ololaha doorashooyinka madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka iyo weliba si qaldan u maamulida hantida daweynaha. Wuxuu sheegay in maamlmihii ugu dambeeyay ay ARAGTO-IFISO soo gaaray cabashooyin la xiriira doorashooyinka kuwaas oo laga cabsi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31460,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31458","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31458","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31458"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31458\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31459,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31458\/revisions\/31459"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31460"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31458"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31458"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31458"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}