{"id":31230,"date":"2016-10-28T19:42:29","date_gmt":"2016-10-28T16:42:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31230"},"modified":"2016-10-28T19:45:30","modified_gmt":"2016-10-28T16:45:30","slug":"mandheera-oo-dawladda-kenya-kusoo-rogtey-bandawmaxey-tahey-sababtu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/mandheera-oo-dawladda-kenya-kusoo-rogtey-bandawmaxey-tahey-sababtu\/","title":{"rendered":"Mandheera oo dawladda Kenya kusoo rogtey Bandaw\/maxey tahey sababtu?."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kenya ayaa Khamiistii shalay bilowday inay bandow kusoo rogto degmada Mandheera.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Bandowga ayaa lagu adkeynayaa ammaanka degmadaa oo indhawaale dhibaatooyin ay soo food saareen. Bandowga ayaa soconaya min 6da galabnimo ilaa 6da aroornimo maalin walba.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Bandowga ayaa socon doona inta ka harsan sanadkaan sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Kenya.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhanka kale, dawlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeyso tillaabooyin lagu adkeynayo xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan gaar ahaan dhanka gobolka Waqooyi-bari.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dawlada Kenya ayaa go&#8217;aansatay arinkaa kadib weerar labo cisho ka hor ka dhacay magaalada xadka ku taala ee Mandheera.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Weerarkaa ayaa waxaa soo qaaday dabley loo maleeyay Al-Shabaab waxaana lagu dilay ugu yaraan 12 qof.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale ayaa horraantii bishaan waxaa isla magaaladaa lagu dilay 6 qof.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waziirka Kenya u qaabilsan arimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa Arbacadii sheegay in KDF ayadoo la adeegsanayo la dhisi doono cutub u xilsaaran xaqiijinta ammaanka xadka si Al-Shabaab aysan inta xadka ka soo tillaabto weeraro uga geysan gudaha Kenya.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8220;Waxaanu ka shaqeyneynaa saacad kasta inaan qaadno tillaabooyin muhiim ah oo lagu xaqiijinaayo in muwaadiniinta qeyb kasta oo dalka ah ay ammaan iyo badbaado helaan.&#8221; Nkaissery ayaa sidaa yiri.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Nkaissery ayaa intaa ku daray in haatan askar badan oo boolis ah la hawl galiyay si ay u ugaarsadaan dadkii fuliyay weerarkii habeynkii Salaasada ee aanu soo dhaafnay.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhawaan ayaa madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Samson Mwathethe uu sheegay in ciidamo militari ah oo dheeraad ah la geeyay xadka Kenya iyo Soomaaliya dhammaantii; waa min Mandera ilaa Lamu.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xarakada Al-Shabaab ayaa Kenya kusoo qaadeysay weeraro lagasoo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF ay galeen Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/minnesota-mareykanka-oo-lagu-qabtey-kulan-looga-hadlayey-islaam-naceybka\/becco-22\/\" rel=\"attachment wp-att-31175\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31175\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-9.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-9.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-9-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/minnesota-mareykanka-oo-lagu-qabtey-kulan-looga-hadlayey-islaam-naceybka\/salaam-bank-25\/\" rel=\"attachment wp-att-31176\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-31176\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-4-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-4-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/minnesota-mareykanka-oo-lagu-qabtey-kulan-looga-hadlayey-islaam-naceybka\/tabaarak-17\/\" rel=\"attachment wp-att-31177\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-31177\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kenya ayaa Khamiistii shalay bilowday inay bandow kusoo rogto degmada Mandheera. Bandowga ayaa lagu adkeynayaa ammaanka degmadaa oo indhawaale dhibaatooyin ay soo food saareen. Bandowga ayaa soconaya min 6da galabnimo ilaa 6da aroornimo maalin walba. Bandowga ayaa socon doona inta ka harsan sanadkaan sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Kenya. Dhanka kale, dawlada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31232,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31230","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31230","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31230"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31230\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31231,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31230\/revisions\/31231"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31232"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31230"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31230"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31230"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}