{"id":31118,"date":"2016-10-24T00:18:49","date_gmt":"2016-10-23T21:18:49","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31118"},"modified":"2016-10-24T00:19:42","modified_gmt":"2016-10-23T21:19:42","slug":"afmadaw-oo-dagaal-culisi-ku-dhex-marey-ciidamada-jland-iyo-kuwa-xarakada-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/afmadaw-oo-dagaal-culisi-ku-dhex-marey-ciidamada-jland-iyo-kuwa-xarakada-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Afmadaw oo dagaal culisi ku dhex marey Ciidamada J\/land iyo kuwa xarakada Al-shabaab."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay abaare 10:00 habeenimo ee xilliga geeska Afrika weerar culus ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka J\/hoose, ayadoo uu halkaasi iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmadaasi.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dagaalka intii uusan bilaaban kahor ayay Al-shabaab hawada ka saartay isgaarsiintii degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran, sidii ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ayadoo saacado yar kadib uu halkaasi ka qarxay dagaal.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cMaqribkiiba magaalada Isgaarsiinta ayay ka jareen, shacabku waxay bilaabeen in ay guryahooda kala galaan, jawiga magaaladuna wuxuu isu badalay mid kacsan, 10:00 habeenimo ayay xabaddu bilaabatay, waxayna socotay ilaa 12:00 saq dhexe,\u201d sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Afmadow oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Taliyaha ammaanka degmada Afmadow Aar Sheekh Cali oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay ka hortageen weerar culus oo ay Al-shabaab kusoo qaaday degmada, isagoo sheegay in ay qasaaro gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cXalay ayay nasoo weerareen, annagu waan ka warheeynay qorshahooda, inagoo u diyaarsan ayay magaalada kusoo duuleen, waan iska difaacnay, qasaarooyin xoogganna waan gaarsiinnay,\u201d ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhankooda waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen laba askari, sidoo kalena ay jiraan hooyo iyo laba carruur ah oo ku geeriyooday madaafiic ay Al-shabaab kusoo tuurtay degmada.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo ee gobolka J\/hoose.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/becco-21\/\" rel=\"attachment wp-att-30945\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30945\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/salaam-bank-24\/\" rel=\"attachment wp-att-30946\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30946\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/tabaarak-16\/\" rel=\"attachment wp-att-30947\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30947\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay abaare 10:00 habeenimo ee xilliga geeska Afrika weerar culus ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka J\/hoose, ayadoo uu halkaasi iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmadaasi. Dagaalka intii uusan bilaaban kahor ayay Al-shabaab hawada ka saartay isgaarsiintii degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran, sidii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31120,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31118","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31118"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31119,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31118\/revisions\/31119"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31120"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}