{"id":31084,"date":"2016-10-23T00:19:16","date_gmt":"2016-10-22T21:19:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=31084"},"modified":"2016-10-23T00:22:23","modified_gmt":"2016-10-22T21:22:23","slug":"shir-weynaha-xisbiga-mucaaradka-ee-waddani-oo-lagu-doortey-xubnaha-xisbiga-uga-qeyb-galaya-madaxtinimada-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/shir-weynaha-xisbiga-mucaaradka-ee-waddani-oo-lagu-doortey-xubnaha-xisbiga-uga-qeyb-galaya-madaxtinimada-dalka\/","title":{"rendered":"SHir weynaha g\/dhexe ee Xisbiga Waddani oo lagu doortey xubnaha xisbiga uga qeyb galaya madaxtinimada Dalka."},"content":{"rendered":"<p>Shir-weynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDAN, ayaa maalmihii u dambeeyay Xaraaradda Shirkoodu kor u kacay, Waxaana loolan adag ku dhexmaray labada musharax ee madaxweyne ku xigeenka xisbiga loo dooranayo.<\/p>\n<p>Shirkan golaha dhexe oo markii hore u socday hoteelka Maansoor ayaa maanta loo bedelay hoteelka Ambasodaro, waxaana la xadiday wariyeyaashii ka qaybgali lahaa, isla markaana gabi ahaanba la joojiyey wararkii tooska looga sii deyn lahaa shirka si aan loo ogaan hawlaha shirka ka socda iyo ololaha ka dhex muuqda shirka dhexdiisa.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa lagu doortay Musharaxa xisbiga uga qaybgali doonna madaxweynaha xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed C\/laahi Cirro oo kaliggii u sharaxnaa xilkaasi, halka musharaxa madaxweyne ku xigeenka oo laba musharax ku xigeen u sharaxnaayeen ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenkii xisbigaasi Maxamed Cali Cabdi, halka musharaxii kale Axmed Mumin Seed shirkii iskaga baxay, isagoo maqana loo codeeyey.<\/p>\n<p>Golaha dhexe ee WADANI oo ka koobnaa\u00a0 622 xubnood, waxa musharaxa madaxweynaha xisbiga C\/raxmaan Maxamed C\/laahi Cirro loogu codeeyey si aqlabiyad ah oo dhamaan xubnihii Golaha Dhexe ee 622 xubnood ka koobnaa, ayaa u wada codeeyey, Musharraxa Maxamed Cali Cabdi ay u codeeyeen 544 xubnood, halka gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee xisbiga oo ahaa musharaxa labaad ee ku tartamayey madaxweyne ku xigeenka waxa u codeeyey\u00a0 44 xubnood.<\/p>\n<p>Balse, waxa shirkii ka baxay musharax Axmed Mumin Seed oo sheegay in lagaga shubtay, isla markaana maalmihii u dambeeyey dareensanaa in gudoomiyaha xisbiga uu la safnaa musharaxa kale Maxamed Cali Cabdi ee hadda ku guulaystay tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga, taasina waxay keentay in Axmed mumin Seed isagoo maqan loo codeeyo oo uu hello 44 cod oo kaliya.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku xigeenkii xisbiga WADANI ahaana musharaxa xisbiga madaxweyne ku xigeenka oo markii uu shirka ka soo baxay warbaahintiii dibadda joogtay la hadlay waxa uu sheegay in cadaalad daraddii u weynayd ka dhacday shirka, isla markaana musharaxa kale ee uu gudoomiye Cirro hoosta ka watay taas oo uu ku tilmaamay in dimuqraadiyaddii la burburiyey, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi\u00a0 \u201cShirka waxaan uga soo baxay sida wada ogtihiin anigu waxaan ahaa gudoomiye ku xigeenkii, waxaan ka mid ahaa aasaayaashii xisbiga wadani, waxaan ka mid ahaa labddii nin ee ugu horeeyey aniga iyo Cirro ee xisbiga wadani aasaasay, waxaan ku dadaalayey in doorasho xor oo xalaal ah galno, hoolkii markii aanu galnay\u00a0 Cabdiraxmaan Cirro loo codeeyey in aniga oo ku xigeenkiisa ah la ii codeeyo ayey ahayd laakiin ninkii kale ee uu hoosta ku haystay ayuu iga horaysiiyey, waxaanu C\/raxmaaan Cirro sameeyey cadaalad daraddii ugu weynayd Somaliland, waxaana loo diiday taageerayaashayad oo boqol iyo sideetan ahaa in kaadhadhkii xisbiga la siiyo, waa la is hortaagay, Cirrana waxa uu sameeyey cadaalad daro weyn,\u00a0 shan sanno ayaa mucaarad ahaa oo usoo halgamay xisbiga waxaana maanta la igu bedelay nin aan taageero iyo cod toona u soo hoynayn gobolka Awdal, waxaana ballanqaadaya waa inoo Boorama iyo Waddani \u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, Waxaa Gudoomiye KMG ah loo doortay Xildhibaan C\/qaadir Ismaaciil JIrde oo la sheegay in\u00a0haddii uu\u00a0C\/raxmaan Cirro Doorashada Madaxweyne ku Guulaysto 45 casho kaddib uu si rasmi ah ugu wareejin doono xisbiga, halka xil cusub oo la yidhaahdo Hogaamiaha Xisbiga loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, taasoo ku cusub qaab dhismeedka xisbiyada Somaliland, balse Xisbigu ku raalli-galinayay garabkii is-beddel doonka xisbiga KULMIYE eek u soo biiray xisbiga Waddani.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga WADANI, ayaa maanta la soo gunaanaday, isla markaana u diyaaar-garoobi doona doorashooyinka soo socda ee la filayo in bisha March,2017 ee sanadka soo socdo la filayo inay ka dhacdo Somaliland.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/becco-21\/\" rel=\"attachment wp-att-30945\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30945\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-8-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/salaam-bank-24\/\" rel=\"attachment wp-att-30946\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30946\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/war-deg-deg-ah-dagaallo-iyo-qaraxyo-goor-dhaw-ka-billawdey-degmada-afgooye-ee-gobolka-shhoose\/tabaarak-16\/\" rel=\"attachment wp-att-30947\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30947\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shir-weynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDAN, ayaa maalmihii u dambeeyay Xaraaradda Shirkoodu kor u kacay, Waxaana loolan adag ku dhexmaray labada musharax ee madaxweyne ku xigeenka xisbiga loo dooranayo. Shirkan golaha dhexe oo markii hore u socday hoteelka Maansoor ayaa maanta loo bedelay hoteelka Ambasodaro, waxaana la xadiday wariyeyaashii ka qaybgali lahaa, isla markaana gabi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":31086,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-31084","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=31084"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31084\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":31088,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/31084\/revisions\/31088"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/31086"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=31084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=31084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=31084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}