{"id":30807,"date":"2016-10-13T22:07:55","date_gmt":"2016-10-13T19:07:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30807"},"modified":"2016-10-13T22:08:55","modified_gmt":"2016-10-13T19:08:55","slug":"jadeeco-ka-dilaacdey-gobolka-saaxil-iyo-wasaarada-caafimaadka-sl-oo-ka-hadashey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/jadeeco-ka-dilaacdey-gobolka-saaxil-iyo-wasaarada-caafimaadka-sl-oo-ka-hadashey\/","title":{"rendered":"Jadeeco ka dilaacdey gobolka Saaxil iyo wasaarada caafimaadka SL oo ka hadashey."},"content":{"rendered":"<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Dirir iyo isku-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Cabdirixiim Ducaale, ayaa ka warbixiyey cudurka Jadeecadda oo ka bilaabmay\u00a0 deegaanka Bariga Saaxil ee Somaliland.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jamac Dirir ayaa sheegay in illaa afar qof u geeriyoodeen inta uu ogyahay cudurka Jadeecadda ee ka dilaacay bariga gobolka Saaxil.<\/p>\n<p>Sidoo kale Agaasimaha guud Saleebaan oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yiri. \u201cWay jirta inuu ka dilaacay Bariga Gobolka Saaxil, Laasciidle iyo Xagal iyo deegaanada ku dhow dhow cudurka Jadeecadda, waxa jira kooxo wasaarada caafimaadku leedahay oo ka hawlgalay iyo kuwo imika baxayey , illaa iyo toddobaadkii hore ee aanu arrintan ogaanay kooxaha u dirnay oo hawshaasi way socotaa, dawladda waxa uga meel yaala Saaxil meel maaha meel go\u2019doon ah\u00a0 maaha ee waxa jira kooxo ka hawlgala oo mar walba talaalka siiya oo ka shaqeeya ayaa jira, marna waa talaal marna waa ka hortaggeedda, si aanu u fidina talaalkii iyo daweyntiiba way is garab socdaan.\u201c<\/p>\n<p>Mar la waydiiyey in xildhibaanno golaha deegaanka Berberi oo sheegay in dayac badani ka muuqato oo ka hortag aan laga samayn cudurkan,w axa uu yidhi \u201canigu kuma raacsani erayga dayaca, xildhibaanadda iyo hawl-wadeenadda wasaarada ayaa meesha tagay, way ogyihiin inaanu ka qaybqaadanay imikana ku jirno, waxaan halkan ka qirayaa\u00a0 in hawl-wadeenadu ay marar badan kaga xog ogaalsan yihiin deegaanka, waa laga yaabaa in marka ay dadku xanuunsanayaan uun tageen, laakiin hawl-wadeenaddu mar walba way joogaan mana daadafaynayno cabashadda xildhibaanadda\u201d<\/p>\n<p>\u201cAfar baan ogahay inay xanuunkaasi u dhinteen, anigu wali warbixin rasmiya ka helin, laakiin xanuunka Jadeecadda xumad badan bay leedahay, waana loo dhiman kara, laakiin kooxo badan baanu u dirnay, laba kooxood H argeysa ayey ka baxeen, laba kale Berbera ayey ka baxeen laba kooxood oo kalana way sii joogeen\u201dayuu yidhi agaasimaha guud ee Caafimaadka oo la waydiiyey in tiradda dhimashaddu marayso lix caruurra, haseyeeshee isagu sheegay in uu ogyahay uun afar qof.<\/p>\n<p>Isku duwaha gobolka Saaxil Dr:Cabdirixiim Ducaale oo isna ka hadlay ayaa yidhi \u201c25 caruur oo shan jir ka yar uu ku dhacay xanuunkaasi, labaatan qof oo dadka waaweyna wuu ku dhacay, halka 111 caruur ay ka talaaleen kuwo ka yar shanta sanno, kooxaha caafimaadka ee xildhibaanadaasi la socday dadka dawaynayey\u201dayuu yidhi Dr:Cabdirixiim Ducaalle.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/gobolada-dalka-itoobiya-oo-dhamaantood-xukuumada-dalkaasi-sheegtey-in-amnigooda-la-adkeynayo\/becco-15\/\" rel=\"attachment wp-att-30689\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30689\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/gobolada-dalka-itoobiya-oo-dhamaantood-xukuumada-dalkaasi-sheegtey-in-amnigooda-la-adkeynayo\/salaam-bank-22\/\" rel=\"attachment wp-att-30690\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30690\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-1-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/salaam-bank-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/gobolada-dalka-itoobiya-oo-dhamaantood-xukuumada-dalkaasi-sheegtey-in-amnigooda-la-adkeynayo\/tabaarak-14\/\" rel=\"attachment wp-att-30691\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30691\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/10\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Dirir iyo isku-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Cabdirixiim Ducaale, ayaa ka warbixiyey cudurka Jadeecadda oo ka bilaabmay\u00a0 deegaanka Bariga Saaxil ee Somaliland. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jamac Dirir ayaa sheegay in illaa afar qof u geeriyoodeen inta uu ogyahay cudurka Jadeecadda ee ka dilaacay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30809,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30807","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30807","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30807"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30807\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30808,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30807\/revisions\/30808"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30809"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30807"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30807"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30807"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}