{"id":30608,"date":"2016-10-06T21:47:32","date_gmt":"2016-10-06T18:47:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30608"},"modified":"2016-10-06T21:53:19","modified_gmt":"2016-10-06T18:53:19","slug":"michael-keating-wqm-ee-soomaaliya-oo-garoowe-kula-kulmey-mweynaha-puntland-cweli-gaas","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/michael-keating-wqm-ee-soomaaliya-oo-garoowe-kula-kulmey-mweynaha-puntland-cweli-gaas\/","title":{"rendered":"Michael Keating W\/QM ee soomaaliya oo Garoowe kula kulmey m\/weynaha Puntland C\/weli Gaas."},"content":{"rendered":"<p>Wafdigan uu Hoggaaminayo Wakiilka Somalia ee QM, Danjire Michael Keating oo Maanta Magaalada Garoowe soo gaaray ayaa kulan gaar ah la qaatay, Madaxweynaha Puntland, Wasiir-ka Haweenka Puntland, Isimo iyo xubno ka mid musharraxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia.<\/p>\n<p>Wafdiga danjire Keating oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Ururka Midowga Afrika, Safiirrada dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya iyo deeq-bixiyaal caalami ah ayaa Arrimaha Doorashooyinka Somalia kala hadlay Madaxweynaha Puntladn, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taasoo Warbaahintu ay dibad-joog ka ahayd.<\/p>\n<p>Madaweynaha Puntland, C\/weli Gaas iyo Danjire Keating oo saxaafadda la hadlay markii ay kulankoodii gaarka ahaa soo gabo-gabeeyern ayaa sheegay\u00a0 inay diiradda isla saareen sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, una qabsoonta waqtigii lagu ballamay.<\/p>\n<p>Intaas kadib Wafidga Keating ayaa xarunta cilmi-baarista Puntland ee PDRC kulan kula qaatay xubno Haween oo ay hogaaminaysay wasiirka Haweenka Puntland, Anisa C\/qaadir Xaaji Muumin, kuwaasoo u baratamaya inay ka mid noqdaan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjire Keating ayaa Haweenka uu kalanka la qaatay u sheegay in sanadkan ay helayaan qoodadii horay Madashii Somalia loogu wada-heshiiyay, isagoo si gaar ugu mahad-celiyay Wasiirrada Haweenka Puntland oo sheegay inay Dadaallo ugu jirto sidii Beesha Caalamka iyo Siyaasinta Somalia ay uga dhaadhicin lahayd Qoonada Haweenka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale Wafdiga Keating, ayaa kulan ay warbaahinta dibad-joog ka ahayd la qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland, C\/raxmaan Faroole iyo Wasiirkii hore ee Warbarashada Puntland, kuwaasoo ka mid ah Musharaxiinta xilligan u tartamaya Madaxtimada Somalia.<\/p>\n<p>Kulankaasoo markuu soo dhaamaday ay C\/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji u sheegeen Warbaahinta in Keating u gudbiyeen cabasho la xiriirta ammaanka doorashada, dhaqaalaha iyo dib u dib dhacyada ku yimid Aqalka Sare.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Cali Xaaji Warsame iyo C\/raxmaan Faroole ayaa ku dhaliilay Beesha Caalamka inay qayb ka yihiin dib u dhacyada Doorashooyinka dalka ee dhawrka jeer soo laabtay, taasoo ugu dambeyn go\u2019aan lagu gaaray inay Muqdisho ka dhacdo 30&#8211;11-2016-ka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha-dhaqanka, isagoo uga warbxiyay doorka ay doorashada Somalia ku leeyihiin iyo sida looga doonayo inay uga soo dhalaalaan Shaqadooda. waxaana intaas kaddib ay odayaasha dhaqanka u sheegeen Keating inay Beesha Caalamka ay doorashada adkeysay, isla markaana ay Haweenka Soomaaliyeed marin-habaabiyeen.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/becco-13\/\" rel=\"attachment wp-att-30473\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30473\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/salaam-bank-20\/\" rel=\"attachment wp-att-30474\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30474\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/tabaarak-12\/\" rel=\"attachment wp-att-30475\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30475\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafdigan uu Hoggaaminayo Wakiilka Somalia ee QM, Danjire Michael Keating oo Maanta Magaalada Garoowe soo gaaray ayaa kulan gaar ah la qaatay, Madaxweynaha Puntland, Wasiir-ka Haweenka Puntland, Isimo iyo xubno ka mid musharraxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia. Wafdiga danjire Keating oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Ururka Midowga Afrika, Safiirrada dalalka Saaxiibka la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30611,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30608","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30608","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30608"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30609,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30608\/revisions\/30609"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30611"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}