{"id":30588,"date":"2016-10-05T18:06:35","date_gmt":"2016-10-05T15:06:35","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30588"},"modified":"2016-10-05T18:19:30","modified_gmt":"2016-10-05T15:19:30","slug":"ururka-u-dooda-xuquuqda-haweenka-sgem-oo-warqad-furan-u-direy-maamul-goboleedyada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/10\/ururka-u-dooda-xuquuqda-haweenka-sgem-oo-warqad-furan-u-direy-maamul-goboleedyada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ururka u dooda xuquuqda haweenka SGEM oo warqad furan u direy maamul goboleedyada soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\">Ururka u dooda xaquuqda haweenka ee SGEM (KSJS) ayaa warqad furan u diray dawlad goboleedyada Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Warqadaa ayaa ku socotay Mudane C\/Weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland, <\/span><span style=\"font-size: large;\"><span lang=\"NL\">\u00a0<\/span><span lang=\"NL\">Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, <\/span><span lang=\"DE\">Mudane C\/Kariim Guuleed<\/span><span lang=\"NL\">, Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug iyo\u00a0mas\u2019uuliyiinta u xulaya xubnaha Aqalka Sare Gobolada Hiiraan &amp; Shabeelaha Dhexe.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><span lang=\"NL\">&#8220;Annaga oo ku hadleyna magaca xubnaha Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (KSJS), fadlan naga gudooma mahadcelin ballaaaran oo ku socota hor u socodsiinta Madasha Hogaamiyayaasha Qaran ee nidaamka doorashooyinka dadban ee 2016&#8221;. Sidaa ayaa warqada lagu xusay. \u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><span lang=\"NL\">Madasha Hogaamiyayaasha Qaran waxay isku waafaqeen in Haweenka qoondadoodu noqoto ugu yaraan <\/span><span lang=\"PT\">30%-<\/span><span lang=\"NL\">kuraasta aqal walba ee Baarlamaanka Federaalka ah (Aqalka Sare iyo kan Hoose.)<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa sidaa si la mid ah loo qoondeeyay ugu yaraan 30% in ay haween noqdaan ergada doorashada.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Annaga oo tixgalinayna awooddaada hogaamin,KSJS iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed waxay filanayaan in aad xaqiijineysid in ugu yaraan 3 haween ah ay u matalaan dawlad goboleedkaaga Aqalka Sare. Waxaan kale oo ku baaqaynaa in ugu yaraan ay kahelaan 30% matalaadda Aqalka Hoose iyo ergada doorashooyinka dadban ee lagu qaban doono dawlad goboleedkaaga&#8217;. Intaana waa lagu xusay warqadaasi furan.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">Sanooyinkii tagay, haweenka Soomaaliyeed waxay kaalin mug leh ka galeen halgankii madaxbannaanida, badbaadinta qoysaska iyo dib u dhiska dalka wixii ka danbeeyay bilowgiii dagaalkii sokeeye.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><span lang=\"NL\">&#8216;Inkasta oo doorkoodu lama huraan yahay,haddana codka haweenka iyo ka qayb qaadashadooda inta badan waa la qiimo tiray, laga tagay oo la iska indho tiray.Waxaan rajaynaynaa doorashada dadban ee 2016ka in uu hadalku is badelo. Sida xaqiiqda ah innagoo tixraacayna in haweenku yihiin boqokiiba konton, waxay noqon doontaa mid ku wanaagsan maamulkaaga xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ka ah&#8217;. Sidaa ayay yiraahdeen xubnaha ururka SGEM.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><span lang=\"NL\">Xubnaha KSJS waxay si gaar ah u falanqeeyeen, jawaabna ka bixiyeen qoraalka hiigsiga 2016 ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka Qabyada ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo dastuurada iyo qorshaha siyaasadeed ee dowlad goboleedyada si loo galiyo jaangooyada jinsiga, iyada oo ujeedadu tahay in la jideeyo ugu yaraan 40% in ay noqoto qoondada haweenka ee jagooyinka la magacaabo ama la soo xulo.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">KSJS waa kacdoon caalami ah oo aan dhinac raacsanayn oo ka kooban 9,000 oo ah haween Soomaaliyeed oo kala duwan, joogana dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaas oo u midoobay si ay ugu ololeeyaan sinnaanta jinsiga Soomaaliyeed.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">Hadafka KSJS waa in la joogteeyo dhaqdhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa jooga ee ay ka go\u2019an tahay in ay sare u qaadaan sinnaanta jinsiga iyo tan bulsho ee golaha go&#8217;aan gaarista arrimaha dadweynaha ee 2016 iyo wixii ka dambeeya.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">Waqtigan xaadirka ah, KSJS wuxuu ku howlanyahay wacyigelinta iyo u ololaynta haweenka Soomaaliyeed kaqabyqalkooda doorashada dadban ee 2016 ka iyo sida ay ku heli lahaayeen matalaad u qalanta.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">KSJS wuxuu ku baaqayaa oo hoosta ka xariiqayaa in dawlad goboleedyadu ay tixgeliyaan dejinta siyaasadaha lagu hormarinayo sinnaanta jinsiga.<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"BodyA\" align=\"justify\"><span lang=\"NL\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu KSJS rajaynaynaa in dawlad goboleedyadu hirgalin doonaan heshiisyada Golaha Hogaamiyayaasha Qaran ee la xiriira kootada ah ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo loo qoondeeyay haweenka iyo 30% ka midnoqoshadooda ergooyinka doorashada.<\/span><\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/becco-13\/\" rel=\"attachment wp-att-30473\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30473\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/salaam-bank-20\/\" rel=\"attachment wp-att-30474\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30474\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/abaar-iyo-biyo-laaan-baahsan-oo-laga-dareemayo-deegaano-ka-tirsan-gtogdheer\/tabaarak-12\/\" rel=\"attachment wp-att-30475\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30475\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ururka u dooda xaquuqda haweenka ee SGEM (KSJS) ayaa warqad furan u diray dawlad goboleedyada Soomaaliya. Warqadaa ayaa ku socotay Mudane C\/Weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland, \u00a0Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane C\/Kariim Guuleed, Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Galmudug [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30590,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30588","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30588","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30588"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30588\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30589,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30588\/revisions\/30589"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30590"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30588"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30588"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30588"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}