{"id":30439,"date":"2016-09-29T00:24:52","date_gmt":"2016-09-28T21:24:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30439"},"modified":"2016-09-29T00:26:48","modified_gmt":"2016-09-28T21:26:48","slug":"degmada-bxaawo-oo-lagu-soo-bandhigey-gaadiid-qaraxyo-lagu-diyaariyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/degmada-bxaawo-oo-lagu-soo-bandhigey-gaadiid-qaraxyo-lagu-diyaariyey\/","title":{"rendered":"Degmada B\/xaawo oo lagu soo bandhigey Gaadiid Qaraxyo lagu diyaariyey."},"content":{"rendered":"<p>Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay gaari nooca Suzuki-ga loo yaqaano oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo, gaariga oo la sheegay in ay saarnaayeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay wateen hub iyo walxaha qarxa.<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland mudane C\/raxmaan Max\u2019ed Xuseen oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay gaariga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaarigan xalay fiidkii, isagoo sheegay in ay gaariga wateen Maleeyshiyaad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cGaariga waxaa saarnaa dhowr nin oo hubeeysan, ciidamada ilaalada degmada ayaa amar ku siiyay in uu istaago oo leerka dhexe daarto, haseyeeshee xabad ayay bilaabeen maleeyshiyadii saarnayd, ciidamaduna waa ay iska difaaceen, nasiib darro iyagii\u00a0 way\u00a0 baxsadeen balse gaariga ayay goobta uga carareen,\u201d Ayuu Wasiirku hadalkiisii raaciyay.<\/p>\n<p>Waxa uu goobta kusoo bandhigay Baastoolado, Qoryo nooca Ak47-ka ah, Bambaanooyin iyo walxo kale oo uu sheegay in ay qaraxyada u isticmaalaan.<\/p>\n<p>Waxa uu yiri \u201cUjeedadoodu waxay ahayd in ay bulshada dhibaateeyaan, balse ciidamada geesiyaasha ayaa ka hortagay, waxyaabaha kale ee gaariga saarnaa waxaa kamid ah Xargo iyo Mindiyo aan filayo in ay u isticmaalaan xasuuqa shacabka.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir kuxigeenka ayaa goobta abaalmarinno lacageed ku gudoonsiiyay ciidamadii fuliyay howlgalkii lagu soo qabtay gaariga, isagoo kubooriyay ciidamada kale ee ku sugan degmooyinka gobolka Gedo in ay foojignaadaan, islarmarkaana ay abaalmarinno qaali ah heli doonaan hadii ay ka hortagaan falal noocan oo kale ah.<\/p>\n<p>Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Jubaland ee ku sugan degmada Baladxaawo ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa oo la doonayay in loo gudbiyo dhanka Kenya.<br \/>\nwarsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/becco-12\/\" rel=\"attachment wp-att-30398\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30398\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/salaam-bank-19\/\" rel=\"attachment wp-att-30399\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30399\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/tabaarak-11\/\" rel=\"attachment wp-att-30400\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30400\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay gaari nooca Suzuki-ga loo yaqaano oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka degmada Baladxaawo, gaariga oo la sheegay in ay saarnaayeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay wateen hub iyo walxaha qarxa. Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland mudane C\/raxmaan Max\u2019ed Xuseen oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30441,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30439","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30439","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30439"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30439\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30440,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30439\/revisions\/30440"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30441"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30439"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30439"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30439"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}