{"id":30423,"date":"2016-09-28T21:54:58","date_gmt":"2016-09-28T18:54:58","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30423"},"modified":"2016-09-28T21:57:00","modified_gmt":"2016-09-28T18:57:00","slug":"wakiilka-qm-ee-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujiyey-dib-u-dhaca-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/wakiilka-qm-ee-soomaaliya-oo-walaac-ka-muujiyey-dib-u-dhaca-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Wakiilka QM ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey dib u dhaca doorashooyinka."},"content":{"rendered":"<p>Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa golaha ammaanka uga Warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhacii doorashooyinkii la filayay in bishan iyo tan soo socota ka dhacaan Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjire Keating ayaa si gaar ah uga hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii dalka ee la filayay inay sannadkan dhacaan, isagoo xusay inay jiraan caqabado wali hor-taagan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadkan 2016-ka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa\u00a0 dib u dhaca doorashooyinka keenay dhowr arrimood, kuwaasoo aan ka magacaabi karo ; In la doonayo in hannaanka doorashooyinka lagu afduubo qaab siyaasadeed iyo Dib u dhacyo horay u dhacay iyo kuwa waddada kusoo jira, suuro-galnimada in hannaanka doorashooyinka la afduubo waa mid aad u sarreysa,\u201d ayuu yiri Danjire Keating.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in dib u dhacan cusub aanu keenin fursad lagu marin habaabiyo hannaanka doorashooyinka ama siyaasiyiinta Qas-wadayaasha ay ku carqaladeynayaan doorashooyinka.<\/p>\n<p>Ergayga ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in doorashooyinka 2016-ka ee Somalia si cadaalad oo hufan loo qabto, isla markaana laga dhigo mid uu qof walba kasoo qayb-galo. Isagoo qiray\u00a0 inay jiraan Caqabado Sharciga ah, maadaama Dowladda Somalia ee hadda jirta waqtigeedii uu dhamaaday, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh oo sida Dastuurka dhigayo xilligiisii uu ku ekaa 10-kii bishan September.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Keating ayaa xusay in diyaar-garowga doorashooyinka intooda badan la dhameystiray, daowaanna ay billaaban doonaan Diiwaan-gelinta 14-kun oo ergo iyo murashaxiinta u taagan xildhibaanimada oo boqolaal qofood gaaraya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa dhici doonta 30-ka November, sida ay maalin ka hor shaaciyeen gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal, kaddib markii dib looga dhigay 30-ka Oktoobar oo ahayd in ay doorashada madaxweynuhu dhacdo.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/becco-12\/\" rel=\"attachment wp-att-30398\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30398\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/salaam-bank-19\/\" rel=\"attachment wp-att-30399\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30399\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/xasan-sheekh-oo-ka-hadley-xukunka-ay-dawlada-india-ku-ridey-dhalinyaro-soomaali-ah\/tabaarak-11\/\" rel=\"attachment wp-att-30400\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30400\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa golaha ammaanka uga Warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhacii doorashooyinkii la filayay in bishan iyo tan soo socota ka dhacaan Soomaaliya. Danjire Keating ayaa si gaar ah uga hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii dalka ee la filayay inay sannadkan dhacaan, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30425,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30423","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30423","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30423"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30423\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30424,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30423\/revisions\/30424"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30425"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30423"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30423"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30423"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}