{"id":30244,"date":"2016-09-22T21:12:48","date_gmt":"2016-09-22T18:12:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=30244"},"modified":"2016-09-22T21:17:47","modified_gmt":"2016-09-22T18:17:47","slug":"dadka-u-ololeeya-xuquuqul-insaanka-oo-cadaadis-ku-saaraya-dawlada-kenya-in-baaritaan-lagusameeyo-dilka-3-gabdhood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/dadka-u-ololeeya-xuquuqul-insaanka-oo-cadaadis-ku-saaraya-dawlada-kenya-in-baaritaan-lagusameeyo-dilka-3-gabdhood\/","title":{"rendered":"Dadka u ololeeya Xuquuqul insaanka oo cadaadis ku saaraya dawlada Kenya in baaritaan lagusameeyo dilka 3 gabdhood."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dadka u ololeeya xaquuqul insaanka ayaa cadaadis dawlada Kenya kusaaraya in baaritaan lagu sameeyo dilkii loo geystay 3 gabdhood oo Soomaali ahaa 11kii bishaan magaalada Mombasa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay dalbanayaan dadkaa u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka in baaritaan dhab ah oo madax bannaan lagu sameeyo dilkaa. Booliska ayaa toogasho ku dilay gabdhahaa kadib markii ay weerareen saldhig boolis, waa sida hadalka loo dhigaye.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Al-Amin Kimathi oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka gaar ahaan dad Muslimiinta ah xaquuqdooda ayaa sheegay in loo baahan yahay in runta la taabo galiyo ayadoo looga gol leeyahay in lasoo afjaro kiisaska dadka sida sharciga ka baxsan loo dilo.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Hadalkiisa ayaa imaanaya ayadoo mid ka mid ah muuqaalo fiidiyow ah oo dhacdadaa la xiriira uu soo baxay kaasoo muujinaya boolis tooganaya mid ka mid ahayd 3 gabdhood oo gacmaheeda sare u taageysa oo is dhiibeyso.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Markii aad eegto fiidiyowgaa, waa la yaab inaanu mushaar siino booliis dil geysta&#8217;, sidaa waxaa yiri Peter Kiama oo ah agaasimaha guud ee ururka madaxa bannaan ee sharciga ee IMLU.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ururada xaquuqul insaanka ee KNCHR, Haki Africa iyo MUHURI ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka dad la waayay iyo dilal.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">MUHURI ayaa sheegay in 3da gabdhood labo ay walaalo ahaayeen mida kalena ay saaxiib la ahayd ayaga ayna waxba galabsan fasalka afraad ee dugsiga sarena ay dhammeeyeen sanadkii la soo dhaafay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">MUHURI wuxuu ku eedeeyay booliska in si been abuur ah uu u sheegay in gabdhahaasi damacsanaayeen inay is qarxiyaan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiya MUHURI Khalef Khalifa ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday warbixin boolisku kiiskaa dhawaan kasoo saaray kaasoo boolisku ku sheegay in gabdhuhu damacsanaayeen inay isku qarxiyaan saldhigga booliska.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Khaliifa ayaa dalbaday in la tuso jaakad ay sheegeen in gabdhahaasi damacsanaayeen inay isku qarxiyaan oo walxaha qarxa lahayd, tooreey iyo naag la sheegay in biliiska ay ka tirsan tahay oo la sheegay tooreydaa inay ku dhufteen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Booliska ayaanan durba ka jawaabin waxyaabahaa guddoomiyuhu sheegay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Afhayeenka dawlada Kenya ayaa Talaadadii sheegay in gabdhaha la dilay ay bobm batrool ah ku tuureen saldhigga booliskuna ay rasaas ku fureen si ay isu difaacaan.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gabdho-sadex-soomaali-ah-muqdishona-lagu-diley-oo-dilkooda-lala-xiriiriyey-fal-argagixiso\/becco-11\/\" rel=\"attachment wp-att-30232\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30232\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-3.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gabdho-sadex-soomaali-ah-muqdishona-lagu-diley-oo-dilkooda-lala-xiriiriyey-fal-argagixiso\/salaam-bank-18\/\" rel=\"attachment wp-att-30233\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-30233\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gabdho-sadex-soomaali-ah-muqdishona-lagu-diley-oo-dilkooda-lala-xiriiriyey-fal-argagixiso\/tabaarak-10\/\" rel=\"attachment wp-att-30234\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-30234\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dadka u ololeeya xaquuqul insaanka ayaa cadaadis dawlada Kenya kusaaraya in baaritaan lagu sameeyo dilkii loo geystay 3 gabdhood oo Soomaali ahaa 11kii bishaan magaalada Mombasa. Waxay dalbanayaan dadkaa u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka in baaritaan dhab ah oo madax bannaan lagu sameeyo dilkaa. Booliska ayaa toogasho ku dilay gabdhahaa kadib markii ay weerareen saldhig boolis, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":30246,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-30244","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30244","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=30244"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30244\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":30245,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/30244\/revisions\/30245"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/30246"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=30244"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=30244"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=30244"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}