{"id":29993,"date":"2016-09-10T19:21:21","date_gmt":"2016-09-10T16:21:21","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29993"},"modified":"2016-09-10T19:25:00","modified_gmt":"2016-09-10T16:25:00","slug":"dahabshiil-oo-bankiga-dhexe-ee-kenya-sheegey-in-aan-liiska-xawaaladaha-laga-saarin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/dahabshiil-oo-bankiga-dhexe-ee-kenya-sheegey-in-aan-liiska-xawaaladaha-laga-saarin\/","title":{"rendered":"Dahabshiil oo bankiga dhexe ee Kenya sheegey in aan liiska xawaaladaha laga saarin."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Baanka Dhexe ee Kenya (CBK)\u00a0 ayaa gaashaanka u daruuray warar laisugu gudbinaayo baraha bulshadu ku wada xiriirto ee (social media) kuwaasoo sheegaya in xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka laga saaray oo dawlada Kenya ay ka saartay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Baanka Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa bartiisa twitterka ku qeexay in Faafinta Rasmiga ah ee Kenya ama (Kenya Gazette notice) lagu sheegay Jimcihii shalay in liiska diiwaanka laga saaray Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International Kenya Ltd balse aanan diiwaangalinta laga saarin xawaalada Dahabshiil.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cBaanka caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International Kenya Ltd waa baan ka duwan xawaalada oo soo codsaday leysin baan balse ka noqday codsigii,\u201d sidaa waxaa shaaca ka qaaday maamulka baanka dhexe ee Kenya oo asagu kala xadeeya sharuucna u dajiya shirkadaha lacagaha ama maaliyada ee gudaha dalka Kenya daggan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ogeysiiska kusaabsan in xawaalada Dahabshiil diiwaan galinta laga saaray ayaa waxaa lagu daabacay sidoo kale baraha bulshada ee shirkadaha warbaahinta ee maxaliga ah ee Kenya qaarkood kadibna waxaa uu sababay jahwareer gudaha Kenya iyo caalamka meelo kale oo ka tirsan intaba.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa arintaa ku jah wareeray macaamisha xawaalada Dahabshiil iyo dadweynaha in badan oo ka tirsan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale ayaa arintaasi fikir dhalisay ama afkaar kala duwan gudaha baraha bulshadu ku wada xiriirto ee internetka ayadoo dadka qaarkii ay la xiriirsheen arinta \u201caar goosasho\u201d dawlada Kenya ay ka aargoosanayso dawlada Soomaaliya maadaama ay dhawaan hakisay duulimaadyadii diyaaradaha Kenya ee qaadku ay qaadka ku geyn jireen Soomaaliya sidaas oo beeraleyda jaadka iyo ganacsatada jaadku ku waayaan\u00a0 malaayiin shilkinka Kenya ah maalin walba.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Barta wararka ee warsom ayaa ogaatay in xawaalada Dahabshiil ay wali ka diiwaan gashan tahay kana shaqeyneyso Kenya.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/becco-8\/\" rel=\"attachment wp-att-29897\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29897\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/salaam-bank-16\/\" rel=\"attachment wp-att-29898\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29898\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/tabaarak-8\/\" rel=\"attachment wp-att-29899\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29899\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baanka Dhexe ee Kenya (CBK)\u00a0 ayaa gaashaanka u daruuray warar laisugu gudbinaayo baraha bulshadu ku wada xiriirto ee (social media) kuwaasoo sheegaya in xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka laga saaray oo dawlada Kenya ay ka saartay. Baanka Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa bartiisa twitterka ku qeexay in Faafinta Rasmiga ah ee Kenya ama (Kenya Gazette notice) [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29995,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29993","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29993","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29993"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29993\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29994,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29993\/revisions\/29994"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29995"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29993"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29993"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29993"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}