{"id":29940,"date":"2016-09-08T01:18:50","date_gmt":"2016-09-07T22:18:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29940"},"modified":"2016-09-08T01:21:02","modified_gmt":"2016-09-07T22:21:02","slug":"warbixin-la-xiriirta-xildhildhibaanada-ugu-maqnaanhaha-badnaa-iyo-kuwa-ugu-imaantiga-badnaa-barlamaanka-waqtigiisu-dhamaadey-oo-lasoo-bandhigey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/warbixin-la-xiriirta-xildhildhibaanada-ugu-maqnaanhaha-badnaa-iyo-kuwa-ugu-imaantiga-badnaa-barlamaanka-waqtigiisu-dhamaadey-oo-lasoo-bandhigey\/","title":{"rendered":"Warbixin la xiriirta xildhildhibaanada ugu maqnaanhaha badnaa iyo kuwa ugu imaantiga badnaa barlamaanka waqtigiisu dhamaadey oo lasoo bandhigey."},"content":{"rendered":"<p>Kasoo qeyb galka kalfadhiyada baarlamaanka si loo guto matalaadda shacabka iyo kormeerka dawlada waa arrin caqabad ku ah dal walba.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Dalka Soomaaliya oo ay 25 sanno hannaan dowladeed uusan ka jirin, ka soo qayb-gal buuxa ee fadhiyada baarlamaanka waa arrin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Falanqeyn shabakadda warsom ay ku samaysay soo xaadiritaanka baarlamaanka 9aad ayaa lagu ogaaday in xildhibaano badan ay dhaga ka fureysteen ka soo qayb-galka fadhiyadaas<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xaashida soo xaadiritaanka lagu qoro ama diiwaanka , oo lagu soo daabacay barta internetka ee baarlamaanka ayaa muujisay in soo xaadirid la&#8217;aantu u dhexeyso 3% &#8211; 94% ilaa iyo markii la aasaasay barlmaanka 9aad ee sannadkii 2012.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maadaama uusan jirin sharci ogolaanaya shaqo ka eryidda xildhibaanada sida joogtada ah uga maqnaada kalfadhiyada, hoggaanka Soomaaliya waxaa uu siiyaa digniino aan wax kasoo qaad lahayn oo ka dhan ah maqnaanshaha \u00a0\u2018aan cudur daarka lahayn\u2019 ; dhammaan xildhibaanadii ka maqanaa kulmada baarlamaanka wax tillaabo ah lagama qaadin.<br \/>\nShaxdan kale waxay muujineysaa 10ka xildhibaan ee ka qay-galkoodu ugu yaraa kulanda Baarlmaankii 9aad (2012 -2016):<\/p>\n<table>\n<tbody>\n<tr>\n<td width=\"367\"><strong>MAGACYADA XILDHIBAANADA<\/strong><\/td>\n<td width=\"174\"><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 JOOGE \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 %<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dr. Maxamed Adan Waaberi<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>6%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cabdiraxmaan Maxamuud Xuseen<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>8%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cabdinaasir Maxamed Cabdulle<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>11%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Abshir \u00a0Xasan Abshir<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>14%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Zakariye \u00a0Xuseeen Caare<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>20%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Caasha Xaaji Climi<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>24%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Saciid Cabdullahi Maxamed<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>27%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">8.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cabdulqaadir Xasan Sh. Aadan<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>28%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">9.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Faarax Sheekh Cabdulqaadir<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>31%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"367\">10.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Fowsiya Maxamed Sheekh<\/td>\n<td width=\"174\"><strong>33%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed &#8211; Xafiiska Habdhowraha<br \/>\n<em>F.G: Wasiirada ka tirsan xildhibaanada qasab kuma ah in ay ka soo qayb-galaan kulmada baarlmaanka<\/em><\/p>\n<p>Shaxdan hoose waxay muujineysaa toban (10) Xildhibaan ee ugu badnaa ka soo qayb-galka fadhiyada Baarlamaankii 9aad (2012 &#8211; 2016)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<table>\n<tbody>\n<tr>\n<td width=\"361\"><strong>MAGACYADA XILDHIBAANADA<\/strong><\/td>\n<td width=\"180\"><strong>JOOGE \u00a0\u00a0%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cali Xasan Guyow<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>97%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cabdullahi Axmed Xuseen<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>96%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Bishaar Cabdi Diiriye<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>95%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Saciid Xasan Geedi<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>95%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Maxamed Cabdulle Faarax<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>94%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Aadan Maxamed Cali<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>94%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Axmed Mayow Cabdulle<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>93%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">8.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Aweeys Cabdullahi Ibraahim<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>93%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">9.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xabiiba Maxamed Khayre<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>93%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td width=\"361\">10.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Mayow Mustafa Xasan<\/td>\n<td width=\"180\"><strong>93%<\/strong><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed &#8211; Xafiiska Habdhowraha\u00a0Maqnaanshaha joogtada ah ee qaar xildhibaanada ka tirsan ma keeneyso in dadka ay matalaan oo qura ay arinkaa ka murugoodaan balse sidoo kale waxay arintaasi ka careysiisaa xildhibaanada had iyo jeer soo xaadira. \u201cWaxaanu ka hadleynaa bilo maqnaansho ah, xataa mararka \u00a0qaar sanad ama ku dhawaad.\u201d Sidaa waxaa yiri hal xildhibaan oo Soomaaliyeed \u00a0kaasoo in magaciisa aan la sheegin codsaday.<\/p>\n<p>Baaritaank lagu sameeyey diiwaanada lagu muujiyo Joogitaanka\/Maqnaashaha \u00a0xildhibaanada ayaa muujinyay in qaar ka tirsan xildhibaanada ay yimaadan fadhiyada aan caadiga ahyn oo kaliyah sida moshinada xasaasiga ah ee kalsoonida loogu qaadayo dowladda iyo wixii la mid ah.<\/p>\n<p>Qof siyaasada qaadaa dhiga oo aanu la xiriirnay ayaa yiri, \u00a0\u201csoo xaadirida kalfadhiyada aan caadiga ahayn \u00a0waxaa ay muujin kartaa ahmiyada ay siiyaan xildhibaanadu arimaha qaranka muhiimka u ah ama jaceylka ay u qabaan inay mooshinada lacag ka dhaliyaan\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ammaan darrada ayaa waxaa loo arkay inay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ugu wacan maqnaanshaha dabeecada ay ka dhigteen xildhibaanadu. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa si joogto ah u bartilmaansada xildhibaanada \u00a0markii ay ku kulmaan gudaha Muqdisho. 1dii Juun, labo xildhibaan ayaa kujiray 16 qof oo lagu dilay weerarkii \u00a0hoteel Ambassador ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Dabayaaqadii Abriil, labo xildhibaan oo kale oo Soomaaliyeed ayaa dirqi uga badbaaday \u00a0isku day lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo weeraro kala gaar gaar ahaa oo ilaaladoodii lagu dhaawacay. Waxaa murugo leh in dhacdooyinkaas oo kale ay ku badan yihiin Soomaaliya maadaama xildhibaanadu qabtaan mid ka mid ah shaqooyinka ugu khatarta badan ee laga qabto gudaha Soomaaliya. Lagasoo bilaabo sanadkii \u00a02012, \u00a0seeded iyo toban (18) \u00a0xildhibaan ayaa la dilay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10naad , ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo doorto inta u dhexeysa bishan Sitembar 24keeda \u00a0ilaa Oktoobar \u00a010keeda, halka doorashada madaxweynahana ay dhici doonto 30ka Oktoobar.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.sfp.so\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/Dhamaadka-Kalfadhiyada-2012-2016-ee-Baarlamaanka-Sagaalaad-9aad-Final.pdf\">Buugga Warbixinta Baarlamaanka Sagaalaad (9)aad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya (2012-2016)<\/a><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/becco-8\/\" rel=\"attachment wp-att-29897\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29897\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/salaam-bank-16\/\" rel=\"attachment wp-att-29898\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29898\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/gacsatada-yar-yar-ee-suuqa-islii-oo-laga-cawdey-iyo-suuqoo-dib-u-furmey\/tabaarak-8\/\" rel=\"attachment wp-att-29899\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29899\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kasoo qeyb galka kalfadhiyada baarlamaanka si loo guto matalaadda shacabka iyo kormeerka dawlada waa arrin caqabad ku ah dal walba. &nbsp; Dalka Soomaaliya oo ay 25 sanno hannaan dowladeed uusan ka jirin, ka soo qayb-gal buuxa ee fadhiyada baarlamaanka waa arrin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. &nbsp; Falanqeyn shabakadda warsom ay ku samaysay soo xaadiritaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29942,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29940","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29940","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29940"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29940\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29943,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29940\/revisions\/29943"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29942"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29940"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29940"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29940"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}