{"id":29839,"date":"2016-09-02T19:41:29","date_gmt":"2016-09-02T16:41:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29839"},"modified":"2016-09-02T19:42:35","modified_gmt":"2016-09-02T16:42:35","slug":"suuqa-soomaalida-nairobi-ee-islii-oo-maalintii-sadexaad-xiranmaxey-tahey-sababtu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/09\/suuqa-soomaalida-nairobi-ee-islii-oo-maalintii-sadexaad-xiranmaxey-tahey-sababtu\/","title":{"rendered":"Suuqa Soomaalida Nairobi ee ISLII oo maalintii sadexaad xiran\/maxey tahey sababtu?."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kadib markii guddiga ganacsatada xaafada Islii ee Nairobi ay ku dhawaaqeen shaqo joojin muddo 3 maalmood ah ayaa maanta ay tahay maalintii 3aad ee dukaamadu xiran yihiin.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Shabakada wararka ee Hiiraan Online oo arinkaa u kuur gashay lana xiriirtay masuuliyiin badan oo ka mid ah xoogsatada iyo muruqmaalka suuqa Islii ee Nairobi, caasimada Kenya ayaa ogaatay in weli xal waara aanan loo helin dhibaatooyinka ay dukaanleyda Islii ka cabanayaan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">31kii bishii Agoosto ee aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii cabasho ganacsi la xiriirta awgeed loo xiray qeybo badan oo ka tirsan suuqa weyn ee xaafada Islii gaar ahaan dukaamada bacadleyaasha ah ee Soomaalidu aadka uga ganacsato.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ganacsatada ayaa waxaa ay cabasho ka keeneen in dawlada hoose ee Nairobi aysan khadamaad badan siin xaafadaa oo wax sidaa u buuran aysan ka qaban halkaa oo hawlo ah gaar ahaan nadaafada.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale ayaa jidadku waxay noqdeen kuwo ciriir iyo zaxmad miiraan ah maadaama warato aad u badan ay jidadka ku ganacsadaan qaarna hareeraha jidadka.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Go&#8217;aan kasoo baxay guddiga ganacsiga ee xaafada Islii ayaa lagu go&#8217;aanshay in laga bilaabo 31ka Agoosto ganacsiyada waaweyn ay xirnaadaan 3 maalmood walow maanta ay ku ekeyd balse aysan u muuqan wax xal ah in arinka wali\u00a0laga gaaray.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Si kastaba ha ahaatee, waxaa arinkaan u sabab ah dhibaatooyinkaa iyo kuwo kale oo isbiirsaday sida tuugo dhac bareer ah geysta iyo gawaarida oo si aan munaasab ahayn jidadka loo dhigo.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"http:\/\/hiiraan.com\/images\/2016\/Sept\/201692636083749057966992d2d3.jpg\" \/><\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa arinka ka hadlay ganacsato waaweyn oo uu ka mid yahay Sheikh Maxamed Shakuul iyo guddoomiyaha guddiga ganacsiga, Ibraahim Xuseen ee Islii ayagoo ka dhawaajiyay in aysan munaasab ahayn in warato ay gooyaan jidadkii loo soo mari lahaa dukaamada ilaa macaamiishu aysan soo galin dukaamada maadaama wax walba oo ay hayaan waratadu ku gadeyso afaafka hore ee dukaamada!<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Islii ayaa sheegay in dhibaatadaa ay keentay in ganacsato badan ay ganacsiyadooda u wareejiyaan dalalka dariska ah sida Uganda, Tanzania iyo xataa qaarkood Itoobiya hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka ganacsiga xaafada soo wajahayna aan sidaa lagu shaqeyn karayn.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ganacsatada ayaa tan iyo markii gadoodku dhacay\u00a0 la kulmay madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto iyo duqa magaalada Nairobi Evans Kidero kuwaasi oo u ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan cabashadooda.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ganacsatadu waxey sheegeen in aanay\u00a0qorshahooda badeli doonin oo 3dii maalmood ee ay u qabsadeen shaqa joojinta ay sii wadi doonaan walow maanta ay ku eg tahay oo Jimco ah aana la ogeyn sida arinku ku dambeyn doono.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya inay haatan qorsheynayaan in asbuuciiba 3 maalmood la xiri doono dukaamada ilaa wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira suuqa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xalay ayaa askarta minishiibiyada oo ka dhiidhiyay dhibaatooyinka waratadu ku heyso dukaanleyda ay jajabiyeen miisas badan oo ay lahaayeen waratadu ayagoo miisaskii ay jajabiyeen la tagay oo gawaari ku qaaday.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waratada ayaa sida dukaanleyda\u00a0 oo kale waxay isugu jiraan Soomaali iyo ganacsato kale oo badan mid walibana uu doonayo inuu halkaa ka dhaliyo faaiido iyo nolol.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waratada ayaa u xaqiijisay barta wararka ee Hiiraan Online in miisaskii laga burburiyay oo minishiibiyada oo ah askarta ciidamada dawlada hoose ee Nairobi afka suuqiga ahna loo yaqaano <em>kanjo<\/em> ay jajabiyeen xalay saqdii dhexe kana qaadeen goobihii ay u yaaleen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhibaatooyinka haatan ka aloosan suuqa Islii ayaa saamayn ku keenay dhammaan gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika maadaama Islii oo suuq aad u weyn ah gobolkaa oo dhan looga soo dukaameysi tago.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Islii ayaa in badan lagu tilmaamaa in uu yahay suuqa ugu weyn ee canshuurtu kasoo xarooto caasimada Nairobi walow khadamaatka dawlada inay ku yar yihiin laga cabanaayo.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/becco-7\/\" rel=\"attachment wp-att-29742\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29742\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/salaam-bank-15\/\" rel=\"attachment wp-att-29743\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29743\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/tabaarak-7\/\" rel=\"attachment wp-att-29744\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29744\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kadib markii guddiga ganacsatada xaafada Islii ee Nairobi ay ku dhawaaqeen shaqo joojin muddo 3 maalmood ah ayaa maanta ay tahay maalintii 3aad ee dukaamadu xiran yihiin. Shabakada wararka ee Hiiraan Online oo arinkaa u kuur gashay lana xiriirtay masuuliyiin badan oo ka mid ah xoogsatada iyo muruqmaalka suuqa Islii ee Nairobi, caasimada Kenya ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29841,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29839","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29839","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29839"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29839\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29840,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29839\/revisions\/29840"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29841"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29839"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29839"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29839"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}