{"id":29757,"date":"2016-08-30T20:21:03","date_gmt":"2016-08-30T17:21:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29757"},"modified":"2016-08-30T20:35:45","modified_gmt":"2016-08-30T17:35:45","slug":"birmingham-uk-oo-kulan-looga-hadlayo-dib-u-hawlgelinta-jaamacadda-umadda-uu-ka-dhacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/birmingham-uk-oo-kulan-looga-hadlayo-dib-u-hawlgelinta-jaamacadda-umadda-uu-ka-dhacey\/","title":{"rendered":"Birmingham UK oo kulan looga hadlayo dib u hawlgelinta Jaamacadda umadda uu ka dhacey."},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\">Kulan ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanno wax ku soo bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS), ayna ka soo qayb galeen waxgaradka jaalliyada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay, waxaa warbixin dheer oo xiiso badan\u00a0 ka soo jeediyay G\/Ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Aadan Guuleed Shabeel\u00a0 oo kulanka marti ku ahaa.<\/span><\/p>\n<p>Mudane Shabeel ayaa warbixintiisa\u00a0 ku soo bandhigay qoraallo iyo\u00a0\u00a0 muuqaallo aad loogu qiirooday oo\u00a0 muujinayay heerarkii ay soo\u00a0 martay\u00a0 jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , burburkii gaaray iyo xaaladaha\u00a0 ay\u00a0 hadda ku sugantahay.<\/p>\n<p>G\/ Ku xigeenku\u00a0 wuxuu warbixintiisii\u00a0 ku soo gunaanaday codsi uu u soo jeediyay Soomaalida\u00a0 dibadaha ku\u00a0 nool, siiba reer Birmingham oo uu ka codsaday in ay jaamacaddooda garab istaagaan, xilligan ay hooyaadii tacliinta sare ee Soomaaliyeed (JUS) u baahantahay hiil buuxa ooh agar la\u2019 aan ah.<\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wax garadkii kulanka ka soo qaybgalay oo u badnaa ardadii wax ku soo baratay kulliyadihii\u00a0 JUS, qaarkoodna ayba macallimiin ka soo noqdeen ayaa halkaas ka soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo ku wajahan dib u howlgalinta jaamacadda iyo sidii looga gudbi lahaa duruufaha culus ee ku hareeraysan.<\/span><\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale si weyn loogu mahadceliyay hoggaanka JUS oo sameeyay dadaal naf-hurnimo ah, waxayna\u00a0 aqoonyahannadii halkaa isugu yimid ballanqaadeen in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan halganka loogu jiro dib u howgelinta\u00a0 Jaacaddii Umadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/becco-7\/\" rel=\"attachment wp-att-29742\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29742\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/salaam-bank-15\/\" rel=\"attachment wp-att-29743\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29743\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/midawga-yurub-oo-jarmalku-ku-eedeeyey-in-ay-dhaqmayaan-si-qaldan-xaga-arrimaha-qaxootiga\/tabaarak-7\/\" rel=\"attachment wp-att-29744\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29744\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulan ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanno wax ku soo bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed (JUS), ayna ka soo qayb galeen waxgaradka jaalliyada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska. Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay, waxaa warbixin dheer oo xiiso badan\u00a0 ka soo jeediyay G\/Ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Aadan Guuleed Shabeel\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29759,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29757","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29757","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29757"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29757\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29760,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29757\/revisions\/29760"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29759"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29757"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29757"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29757"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}