{"id":29651,"date":"2016-08-24T21:56:49","date_gmt":"2016-08-24T18:56:49","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29651"},"modified":"2016-08-24T21:58:26","modified_gmt":"2016-08-24T18:58:26","slug":"ciidamada-kenya-oo-wasiir-ka-tirsan-jubaland-ku-eedeeyey-in-ay-qaraxyo-ka-geysteen-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/ciidamada-kenya-oo-wasiir-ka-tirsan-jubaland-ku-eedeeyey-in-ay-qaraxyo-ka-geysteen-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ciidamada Kenya oo wasiir ka tirsan Jubaland ku eedeeyey in ay Qaraxyo ka geysteen Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Xukuumada kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa sheegtay inay Kenya ka saacideyso xogta kusaabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wafdi kasocday Jubaland oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan C\/Nuur ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia. Waxay ka wada hadleen arimaha ammaanka xadka.<\/p>\n<p>Shir ay wada qaateen ayaa wasiirku sheegay in dad Kenyan ah ay dhawaan ka dambeeyeen weeraro waaweyn oo ka dhacay Muqdisho.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jira in Kenyan ay kujireen Yuusuf Cabdi iyo Isaaq Gola\u00a0ay weeraro ka geysteen Soomaaliya lana dareemi karo saameyntooda labada dalba.\u201d Wasiirka ayaa sidaa yiri.<\/p>\n<p>Wuxuu kaloo sheegay weerar hoteel lagu qarxiyay Muqdisho dhawaan in uu ka dambeeyay ninka Kenyanka ah\u00a0ee lagu magacaabo Issack Ibraahim Dyati.<\/p>\n<p>\u201cArgagixisadu Soomaaliya kaliya kama timaado ee meel walba waa tuuran tahay,\u201d intaa ayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa intaa raaciyay in Kenya iyo Soomaaliya ay leeyihiin cadaw isku mid ah.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa ku baaqay in iskaashi ay Kenya iyo Soomaaliya ka yeeshaan la dagaalanka Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Dawlada Kenya hada waxay isku dayaysaa inay u ogolaato dawlada Soomaaliya hayadaheeda dawlig ah inay isticmaalaan jidadkeeda markay usocdaan Ceelwaaq Soomaaliya si ay uga fogaadaan Ceel Cadde oo xarakada Shabaab ku badan yihiin maleeshiyaadkeedu.<\/p>\n<p>\u201cMidkeenba midka kale wuu aaminsan yahay waxyaabo badan oo wanaagsan ayaana soo socda hada oo dawlada Jubaland ay xoojinayso nidaamyadeeda ,\u201d sidaa ayuu yiri Fredric Shisia.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa raaciyay in daris xasilloon uu amniga guud ee dalalka dariska ah u roon yahay.<\/p>\n<p>Maamulka Buula Xaawo oo ah magaalada ku dhaggan Mandheera ayaa kala shaqeeya Kenya ammaanka xadka.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee deegaanada Lafey iyo Ceelwaaq ayaa Al-Shabaab ay weeraro ka geysatay dhawaan.<\/p>\n<p>Mr Shisia ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada kale ee saamaynta weeraradu gaareen ay yihiin Mlima Fisi, Omar Jillo, Fino, Damasa, Elrhamu\u00a0iyo Elwak.<\/p>\n<p>Wuxuu ugu baaqay in hoggaamiyeyaasha cusub ee Jubaland ay aslaaxiyaan xadka min Mandheera ilaa Lamu.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/bandhigga-buugaagta-oo-muddo-sadex-cisho-ah-muqdisho-ka-socon-doona\/becco-5\/\" rel=\"attachment wp-att-29487\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29487\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-3.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/bandhigga-buugaagta-oo-muddo-sadex-cisho-ah-muqdisho-ka-socon-doona\/salaam-bank-13\/\" rel=\"attachment wp-att-29488\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29488\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/bandhigga-buugaagta-oo-muddo-sadex-cisho-ah-muqdisho-ka-socon-doona\/tabaarak-5\/\" rel=\"attachment wp-att-29489\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29489\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumada kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa sheegtay inay Kenya ka saacideyso xogta kusaabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wafdi kasocday Jubaland oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan C\/Nuur ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia. Waxay ka wada hadleen arimaha ammaanka xadka. Shir ay wada qaateen ayaa wasiirku sheegay in dad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29653,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29651","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29651","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29651"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29651\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29652,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29651\/revisions\/29652"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29653"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29651"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29651"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29651"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}