{"id":29457,"date":"2016-08-16T19:56:50","date_gmt":"2016-08-16T16:56:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29457"},"modified":"2016-08-16T19:58:15","modified_gmt":"2016-08-16T16:58:15","slug":"booliska-newyork-oo-gacanta-kusoo-dhigey-nin-diley-imaam-masjid-iyo-kaaliyihiisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/booliska-newyork-oo-gacanta-kusoo-dhigey-nin-diley-imaam-masjid-iyo-kaaliyihiisa\/","title":{"rendered":"Booliska Newyork oo gacanta kusoo dhigey nin diley Imaam Masjid iyo kaaliyihiisa."},"content":{"rendered":"<div id=\"stcpDiv\">\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilay imaamka iyo kaaliyihiisa labo maalmood kahor.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Saacado kadib markii 1000 qof oo baroor diiqayay ay ka qeyb galeen aaska labadaa nin ee madaxa laga toogtay ayagoon waxba galabsan ayaa boolisku sheegay in Isniintii shalay habeynkii ay soo galaysay uu gacanta kusoo dhigay ninkaa ku eedeysan inuu dilka geystay kaasoo lagu magacaabo Oscar Morel<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ninkaa ayaa la sheegay inuu yahay 35 sano jir. Waxaa boolisku kusoo oogay ninkaa dacwad ah inuu dil geystay iyo inuu hub sharci darro ah heystay. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa la sheegay in biliisku mar habeykii Isniintu soo galaysay ay isku dayayeen inay soo xiraan ninkaa uu ninkaasi gaarigiisa ku dhuftay dhowr jeer gaari ay wateen biliisku asagoo isku dayayay inuu baxsado. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Qof marqaati ahaa oo goob joog u ahaa markii imaamka iyo kaaliyihiisa la dilaayay ayaa ninka oo rag kale lala safay ka dhex aqooday asaga sheegayna inuu asaga ahaa wixii ragga laayay. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Biliiska ayaa sidoo kale sheegay inay soo heleen dharkii uu xirnaa iyo qorigii uu sitay ninkaasi markii uu dilka geysanaayay maadaama ay arkeen oo muuqaalo kaamiro ay ka arkeen taasoo duubeysay falka markii uu ku kacaayay ninkaa eedeysanaha ah. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Jaaliyada reer Bangladesh ee qurbajoogga ku ah New York ayaa shacuurtoodu kacsan tahay dilkaa awgii loo geystay imaamka masaajidkooda iyo kaaliyihiisii mar ay kasoo baxeeen salaad kuna sii jeedeen guryahooda.\u00a0 <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Duqa magaalada New York ayaa ballan qaaday in caddaalada la marsiin doono ninkii imaamka iyo kaaliyihiisa dilay. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cWaxaan rabaa inaan si cad u sheego in caasimada New York ay tahay meel sidii hore ka wanaagsan kana xooggan sidii hore sababtuna waa bulshooyinkeena Muslimiinta ah,\u201d ayuu yiri duqa New York Bill Blasio.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu intaa raaciyay, \u201cmadoonayno inaanu maqalno codadka isku dayaaya inay nakala qeybshaan.\u201d <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Duqa magaaladu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in boolis dheeraad ah la geyn doono masaajida si ay u xoojiyaan ammaanka goobahaa maalmaha soo socda arinkaa oo dad uu u khudbeynaayay ay aad ugu riyaaqeen. <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xubno ka tirsan Jaaliyada reer Bangladesh ee qurbajoogga ah ee New York ayaa sitay boorar ay ku qoranaayeen hal ku dhagyo ay\u00a0 kamid ahaayeen \u201cJooji falal dambiyeedka; Nolosha Muslimiintu qiime ayay ku fadhidaa.\u201d <\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Imaamkii la dilay iyo kaaliyihiisii\u00a0 oo la kala oran jiray Akonjee, iyo Uddin oo jiray 55 sano iy 64 ayaa labaduba ifka uga tagay midkiiba saddex carruur ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Allaha u naxariisto labadoodaba.\u00a0 <\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/booliska-newyork-oo-gacanta-kusoo-dhigey-nin-diley-imaam-masjid-iyo-kaaliyihiisa\/becco-4\/\" rel=\"attachment wp-att-29458\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29458\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-2.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/booliska-newyork-oo-gacanta-kusoo-dhigey-nin-diley-imaam-masjid-iyo-kaaliyihiisa\/salaam-bank-12\/\" rel=\"attachment wp-att-29459\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29459\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-2-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/booliska-newyork-oo-gacanta-kusoo-dhigey-nin-diley-imaam-masjid-iyo-kaaliyihiisa\/tabaarak-4\/\" rel=\"attachment wp-att-29460\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29460\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilay imaamka iyo kaaliyihiisa labo maalmood kahor. Saacado kadib markii 1000 qof oo baroor diiqayay ay ka qeyb galeen aaska labadaa nin ee madaxa laga toogtay ayagoon waxba galabsan ayaa boolisku sheegay in Isniintii shalay habeynkii ay soo galaysay uu gacanta kusoo dhigay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29463,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29457","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29457","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29457"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29457\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29464,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29457\/revisions\/29464"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29463"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29457"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29457"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29457"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}