{"id":29408,"date":"2016-08-13T00:02:34","date_gmt":"2016-08-12T21:02:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29408"},"modified":"2016-08-13T00:04:10","modified_gmt":"2016-08-12T21:04:10","slug":"haweenka-oo-billaabey-in-ay-ka-qeyb-qaataan-shaqooyinka-ad-adag-sida-guryo-dhisidda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/haweenka-oo-billaabey-in-ay-ka-qeyb-qaataan-shaqooyinka-ad-adag-sida-guryo-dhisidda\/","title":{"rendered":"Haweenka oo billaabey in ay ka qeyb qaataan shaqooyinka ad adag sida guryo dhisidda."},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\">Dumarka magaalada Boorama ee waqooyi galbeed Soomaaliya waxay ku soo badanayaan qabashada hawlo adag oo raggu aad u qabto oo ay ka mid tahay hawsha dhismaha guryaha.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa lagu qiyaasaa in 90 haween\u00a0 ah tiro ahaan oo badankoodu carruurtooda kaligood korsada ay haatan ka shaqeeyaan goobaha wax laga dhisayo ee magaaladaa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhool Aw-Ibraahim Daheeye, oo ah 39 sano jir, waa hooyo leh todobo carruur ah. Waxay ka shaqo bilowday dhisme la dhisayo lix bilood ka hor kadib markii ninkeedii uu shaqo waayay uuna xeebta dalkaa u socdaalay asagoo ka tagay ayada iyo carruurta.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay Idaacada Ergo (Radio Ergo) oo aanu warbixintaan kasoo xiganay u sheegtay in inkastoo shaqadu ay adag tahay, ay saamayn wanaagsan ku leedahay nolosha qoyskeeda.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cMarkii aad shaqeyso, qof walba wuu ku xushmeynayaa, wuu ku aaminayaa waxna wuu ku deyminayaa,\u201d Dhool ayaa sidaa tiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa soo gala $210 bishii, lacagtaasoo ku filan kirada gurigeeda oo ah $30\u00a0 iyo raashinka qoyska iyo weliba waxyaabaha kale ee aasaasiga ah. Waxay sidoo kale usoo gadaa qalabka waxbarashada labo carruur ah oo ay dhashay oo dhigta dugsi hoose oo lacag la&#8217;aan lagu dhigto.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waa shaqo maalin oo adag, ayadoo shaqadu bilaabato lixda aroornimo waxayna qaadataa 10 saacadood. Dowrka haweenka waa inay soo uruurshaan dhagaxyo, marmar iyo bulukeetiyo ayna ukeenaan ragga dhismaha wada.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Haweenka ayaa sidoo kale dhisa iskafaale raggu isticmaalaan, waxayna sidoo kale nadiifiyaan baaldiyada iyo agabka kale ee goobta loo isticmaalo, waa shaqada markii la bogo galabkii.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cMarmar, waxaanu la shaqeynaa rag aan sabir lahayn kuwaasoo kula murmi kara. Way kugu qeylinayaan adigoo u hagar baxaya inaad sida ugu wanaagsan shaqada u qabato,\u201d Dhool ayaa sidaa tiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Khadar Maxamed Xasan waa mulkiilaha Shirkada Qaran ee Dhismaha iyo Qandaraas Bixinta. Wuxuu sheegay in dumarka ay ku qasabtay dantu inay shaqeeyaan daruufo adag oo jira aawadood.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Qaar ayaa raggoodii dhintay ama la furay; in badan oo kujira dumarkaa ayaa xoolohoodii uga le&#8217;deen abaarta; kuwo kale waxaa guursaday rag aan shaqeyn.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xaliimo Daahir Xuseen oo ah 53 sano jir kaligeed ayaa korsata carruurteeda oo sagaal ah. Waxay usheegtay Idaacada Ergo (Radio Ergo) oo ah meeshii aanu xogtaan kasoo xiganay inay shaqada la qabsatay laakiin dhalliilo badan ay soo gaareen markii ay bilowga ahayd.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cWay iyasi jireen oo icambaareyn jireen shaqada darteed, ayagoo i oran jiray waa shaqo nimeed. \u2018Ka fogoow, oo iska daa\u2019, waa waxa ay igu dhihi jireen,\u201d sidaa ayay tiri. Waxay ka fogaan jirtay inay ka shaqeyso halka ay joogaan dad garanaya ayada wayna isqarin jirtay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xaliimo\u00a0waa guddoomiye ku-xigeenka koox lagu magacaabo Faadumo oo isu keenta dumarka ka shaqeeya dhismeyaasha.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay sideed sano ka hor kasoo barakacday deegaanka Baaldheere oo qiyaastii 30 km u jira Boorama.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Xaliimo waxay sheegtay inaysan shaqadaa qabateen hadii ay heli lahayd shaqo ka dhib yar ama lacag ay ku bilaabato ganacsi yar.<br \/>\n<\/span><span style=\"font-size: large;\">________________________________________<br \/>\n<\/span><span style=\"font-size: large;\">Warbixintaan waxaan kasoo xiganay barta wararka ee Radio Ergo<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/salaam-bank-11\/\" rel=\"attachment wp-att-29350\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29350\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/becco-3\/\" rel=\"attachment wp-att-29351\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29351\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/tabaarak-3\/\" rel=\"attachment wp-att-29352\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29352\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dumarka magaalada Boorama ee waqooyi galbeed Soomaaliya waxay ku soo badanayaan qabashada hawlo adag oo raggu aad u qabto oo ay ka mid tahay hawsha dhismaha guryaha. Waxaa lagu qiyaasaa in 90 haween\u00a0 ah tiro ahaan oo badankoodu carruurtooda kaligood korsada ay haatan ka shaqeeyaan goobaha wax laga dhisayo ee magaaladaa. Dhool Aw-Ibraahim Daheeye, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29410,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29408","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29408","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29408"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29408\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29409,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29408\/revisions\/29409"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29410"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29408"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29408"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29408"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}