{"id":29384,"date":"2016-08-11T20:15:15","date_gmt":"2016-08-11T17:15:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29384"},"modified":"2016-08-11T20:22:42","modified_gmt":"2016-08-11T17:22:42","slug":"xasan-sheekh-maxamuud-oo-booqasho-ku-maraya-deegaanka-soomaalida-magaalada-jig-jiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/xasan-sheekh-maxamuud-oo-booqasho-ku-maraya-deegaanka-soomaalida-magaalada-jig-jiga\/","title":{"rendered":"Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya deegaanka Soomaalida magaalada Jig-jiga."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Waa markii u horreysay ee Madaxweyne Somali ah uu booqdo Magaalada Jigjiga, taasoo booqashan ka dhigeysa mid Taariikhi ah, Qaybna ka ah xoojinta xiriirka labada dal ee dariska iyo Walaalahaba ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa kulamo la yeeshay Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, Cabdi Maxamuud Cumar.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu la kulmay Golaha Wasiirada ee Dowlad-deegaanka, isagoo khudbad u jeediyay kana warramay Muhimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hiiraan.com\/images\/gallery\/2016\/aug\/2016811636064827622300852Xasan_Sheekh_Jigjiga_Itoobiya%20(2).jpg\" width=\"660\" \/><\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday dhowr mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jigjiga. Wuxuuna intii uu goobtaas ku suganaa ka dhageystay warbixinno Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas\u2019uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaa aad ii soo jiitay mashaariicdan kala duwan ee houmarinta ee aad dalka ka waddaan, waana calaamad muujineysa guulaha aad ka gaarteen hirgelinta nidaamka federaaliga ee Ethiopia ka jira. Farxad ayay u tahay Soomaaliya iyo guud ahaan qof kasta oo Soomaaliyeed inaad noqoteen degaan ay ku daydaan guud ahaan degaannada kale ee Ethiopia ka jira\u2019\u2019, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn , ayaa isna khadka telefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo booqashada taariikhiga ah ee uu ku yimid Jigjiga.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hiiraan.com\/images\/gallery\/2016\/aug\/2016811636064827843421728Xasan_Sheekh_Jigjiga_Itoobiya%20(3).jpg\" width=\"660\" \/><\/p>\n<p>Waxaa Madaxweynuhu uu sidoo kale xalay magaalada Jigjiga kaga qeybgaley xaflad ballaaran oo soo dhoweyn ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda iyo dadweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha leh ee isaga iyo wafdigiisa loo fidiyey, wuxuuna xusay in Somalia iyo Itoobiyada cusub ay iska kaashanayaan dhinacyada sugidda amniga, horumarka , arrimaha bulshada iyo dhinacyo kale oo badan.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/becco-3\/\" rel=\"attachment wp-att-29351\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29351\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/salaam-bank-11\/\" rel=\"attachment wp-att-29350\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29350\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/mudada-mweyne-xasan-sheekh-oo-ku-eg-10ka-septen-iyo-isagoo-ku-baaqey-in-la-adkeeyo-amniga-mudada-doorashada\/tabaarak-3\/\" rel=\"attachment wp-att-29352\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29352\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Waa markii u horreysay ee Madaxweyne Somali ah uu booqdo Magaalada Jigjiga, taasoo booqashan ka dhigeysa mid Taariikhi ah, Qaybna ka ah xoojinta xiriirka labada dal ee dariska iyo Walaalahaba ah. Sidoo kale, Madaxweyne [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29386,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29384","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29384","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29384"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29384\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29385,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29384\/revisions\/29385"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29386"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29384"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29384"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29384"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}