{"id":29240,"date":"2016-08-02T23:26:47","date_gmt":"2016-08-02T20:26:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29240"},"modified":"2016-08-02T23:30:20","modified_gmt":"2016-08-02T20:30:20","slug":"saraakiisha-sar-sare-ee-amisom-oo-kulan-ku-yeeshey-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/saraakiisha-sar-sare-ee-amisom-oo-kulan-ku-yeeshey-muqdisho\/","title":{"rendered":"Saraakiisha sar sare ee Amisom oo kulan ku yeeshey Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kulan ay yeesheen taliyeyaasha sare ee AMISOM ayaa lagu gorfeeyay waxqabadka hawlgalka iyo sidii loo sii horumarin lahaa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Sareeye Gaas, Cusmaan Nuur Subagle ayaa ka dalbaday saraakiisha sarsare ee militariga ee AMISOM inay dib u eegid ku sameeyaan istaraatiijiyadaha haatan jira ee lagu horumarin karo hawlgalada ammaanka iyo xoojinta iskaashiga ciidamadaasi la leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Waa fursad tani aan dib u eegid ugu samaynayno wixii naloo igmaday ilaa sanadka soo socda aana kujahaynayno fikirkeena&#8217;. Sidaa ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kulankaa ayaa waxaa si rasmi ah u furay ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Francisco Madeira ayaa ku nuuxnuuxsaday in ogolaanshaha AMISOM aan si waafi ah loogu guuleysan karin ayadoon la awood siin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya-SNA si dabadeed loo helo daganaanshiyaha iyo ammaanka Soomaaliya ee mustaqbalka dhow iyo kan fog.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Waa inaanu ku wareejino ayaga dhanka hoggaanka ee arimaha ammaanka. Markii aanu sidaa yeelo ayumbeynu ka tagi karnaa Soomaaliya&#8217;. Sidaa ayuu yiri Francisco Madeira.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa in badan laga dhawaajiyay baahida loo qabo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la tayeeyo isla markaana la qalabeeyo si ay AMISOM ugu dambeyn ugala wareegaan ammaanka dalka sugidiisa sida uu haatanba ta&#8217;kiidiyay Francisco Madeira.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Laakiin waxaad moodaa caga jiid iyo waqti lumin badani inay jiraan oo geedi socod sax ah uusan jirin oo waqti cayiman gudihii lagu tayaynayo ciidamada Soomaaliya ee SNA.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/eedeyn-culus-oo-xisbiga-waddani-u-jeediyey-xukuumada-sland-iyo-safiirka-turkiga-ee-soomaaliya\/salaam-bank-10\/\" rel=\"attachment wp-att-29234\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29234\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/eedeyn-culus-oo-xisbiga-waddani-u-jeediyey-xukuumada-sland-iyo-safiirka-turkiga-ee-soomaaliya\/becco-2\/\" rel=\"attachment wp-att-29235\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29235\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/08\/eedeyn-culus-oo-xisbiga-waddani-u-jeediyey-xukuumada-sland-iyo-safiirka-turkiga-ee-soomaaliya\/tabaarak-2\/\" rel=\"attachment wp-att-29236\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29236\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulan ay yeesheen taliyeyaasha sare ee AMISOM ayaa lagu gorfeeyay waxqabadka hawlgalka iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Sareeye Gaas, Cusmaan Nuur Subagle ayaa ka dalbaday saraakiisha sarsare ee militariga ee AMISOM inay dib u eegid ku sameeyaan istaraatiijiyadaha haatan jira ee lagu horumarin karo hawlgalada ammaanka iyo xoojinta iskaashiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29242,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29240","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29240","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29240"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29240\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29241,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29240\/revisions\/29241"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29242"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29240"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29240"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29240"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}