{"id":29187,"date":"2016-07-31T20:43:10","date_gmt":"2016-07-31T17:43:10","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29187"},"modified":"2016-07-31T21:00:02","modified_gmt":"2016-07-31T18:00:02","slug":"muhaajiriinta-caalamka-oo-sanadkan-2016-noqdey-sanadkii-ay-ugu-dhimashada-badnaayeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/muhaajiriinta-caalamka-oo-sanadkan-2016-noqdey-sanadkii-ay-ugu-dhimashada-badnaayeen\/","title":{"rendered":"Muhaajiriinta caalamka oo sanadkan 2016 noqdey sanadkii ay ugu dhimashada badnaayeen."},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\">-Sanadkaan 2016 ayaa waxaa badaha ku dhintay muhaajiriin badan oo isku dayaayay inay gaaraan Yurub.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sida uu qoray wargeyska &#8216;The Independent&#8217; ee kasoo baxa dalka Ingiriiska wali waxaa sare usii kaceysa tirada muhaajiriinta badaha ku harqanaya. Sanadkaan waxaa baduhu liqeen in ka badan 3000.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Muhaajiriinta ayaa isku dayaya inay ka baxsadaan colaado iyo gaajo ka jirta dalalkooda. Dalal badan oo caalamka ah ayaa waxaa ka jira colaado sida Suuriya, Liibiya iyo Ciraaq.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sanadkii tagay ee 2015 ayaa la qoray dhimashadii ugu badnayd laakiin sanadkaan 2016 ayaa la filayaa tiradu inay intaa kasii badan doonto oo kani uu noqon doono sanadka muhaajiriintu ugu dhimasho badan yihiin hadii ay kusii socdaan sida hada ay wadaan ee ququlka aan joogsiga lahayn ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sanadkii lasoo dhaafay noqotay tan ugu halista badnayd ayadoo halkaa ay ku geeriyoodeen qaxooti badan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Haatan ayaa laga soo bilaabo Jimcihii ilaa maanta oo Axad ah ayaa waxaa gaaray jasiirada Sicily oo Talyaaniga kutaal qaxooti kumanaan ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dr Ema Rijnierse oo arimaha samata bixinta badda Mediterranean-ka ka shaqeysa ayaa sheegtay in xaaladu kasii dareyso.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kasokow dadka badaha ku dhimanaya Dr Ema ayaa sheegtay in ay daaweyso dad badan oo muhaajiriin ah oo loo geysto dhaawacyo, jirdil, garaacid, kufsi iyo faraxumeyn.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Doomuhu ma ahan kuwo in lagu safro ku habboon, waa la buux dhaafiyaa dadka wadana aqoon uma laha. Waxaan malaynayaa inay qof un ka mid ah wad yiraahdaan&#8217;.\u00a0 Dr Ema ayaa sidaa tiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Marmar waxaa dhacda in mukhalasiin ay badda ku daadiyaan si ula kac ah kadib markii ay lacagaha ka qaataan.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dalal badan oo Yurub kuyaala ayaa xaduudaha iminka ka xirtay maato qaxooti ah oo dhooban xaduudaha.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Qaxootiga Suuriyaanka ah ayaa ah kala bar qaxootiga gaara dalka Giriiga.\u00a0 Waxaa kusoo xiga Ciraaqiyiin, dadka Afghanistan, dadka Pakistan iyo dad reer Iiran ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Laakiin muuqaal kaa ka duwan ayaa ka jira Talyaaniga halkaa oo badi dadka usoo doonta magan galyada ay ka yimaadaan dalalka Nigeria, Eritrea, Gambia, Suudaan, Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">In badan oo dadkaa ah ayaa waxay soo maraan saxaraha Afrika oo waxaa soo wada mukhalasiin kheyr daran kuwaasoo u geysta kufsi, jirdil iyo falal kale oo arxan darro ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Raashinka ayay u diidaan iyo biyaha hadii ay dhintaana gawaarida ayay meydadkooda ka tuuraan halkaa oo ay ku qurmaan saxaraha!<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Carruurta kaligood tahriiba ayaa aad u badan ayadoo Yurub ay galeen in ka badan 100 kun oo carruur ah oo aan lala socon sanadihii lasoo dhaafay kuwaasoo kasokow in lagula kaco kufsi iyo faraxumeyn u nugul sidoo kale in shaqooyin adag lagu qabto, in la dilo oo xubnaha jirkooda laga ganacsado ama in waxa ugu xun lagu qasbo oo ah in la gaaleysiiyo-taas oo intaa kadib aysan waligood liibaaneyn!<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Gabdhaha qaar ayaa wacalo rima! Dhibaatooyin badan ayay jidadka kusoo maraan iyo badaha xataa hadii ay nolol ku gaaraan Yurubna weli badbaado ma helaan ama wixii ay ku hamminayeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kumanaan doolar ama tobanaan kun oo doolar ayaa midkiiba kusoo tahriibaa muhaajiriinta. Mukhalasiinta ayaa badda intay kujiraan ka qaata marmar dhammaan alaabadooda, raashinka iyo biyaha.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxay sidoo kale ka qaataan wixii qalab ah oo badbaadada loogu tala galay hadii doonto qallibanto. Sanadkaan wixii la badbaadiyay hal ka mid ah ayumbaa boorsadiisa watay sida dadka samatabixinta ka shaqeeya ay sheegeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Hawlaha samatabixinta ayaa iyana gabaabsi ah maadaama aanan si habboon loo qarash gareyn oo Midowga Yurub uu haatan qaati ka taagan yahay samatabixinta iyo qarashaadka uga baxa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa la yaab leh in ayadoo in badan oo reer Yurub ah aysan rabin in qaxootiyadaas ay yimaadaan Yurub hadana fadqalalo ay ka wadaan ama ka aloosaan dalalkooda oo ay hub dadka isugu dhiibaan ama ay si toos ah u duqeeyaan ayagoo wax un ugusoo marmarsiinyoonaya.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhibaatooyinka ay dalalka dadkaa ka abuuraan ayaysan hadana waxba ka qaban oo gacmaha ka laabtaan-waa qabooy ur u gubo!<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Hada oo ay soo badanayaan weerarada aan la garanayn cidda ka dambeysa iyo ujeedka guud ee laga leeyahay ee ka dhaca Yurub ee meelo kale oo dalalka reer galbeedka ah ayaa waxaa dad badani u arkaan qaxootiga soo yaacaya in argagixiso in badan ay yihiin sidaa darteedna aysanba mudnayn in la badbaadiyo.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/becco\/\" rel=\"attachment wp-att-29094\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/salaam-bank-9\/\" rel=\"attachment wp-att-29096\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29096\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/tabaarak\/\" rel=\"attachment wp-att-29095\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29095\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>-Sanadkaan 2016 ayaa waxaa badaha ku dhintay muhaajiriin badan oo isku dayaayay inay gaaraan Yurub. Sida uu qoray wargeyska &#8216;The Independent&#8217; ee kasoo baxa dalka Ingiriiska wali waxaa sare usii kaceysa tirada muhaajiriinta badaha ku harqanaya. Sanadkaan waxaa baduhu liqeen in ka badan 3000. Muhaajiriinta ayaa isku dayaya inay ka baxsadaan colaado iyo gaajo ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29189,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29187","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29187","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29187"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29187\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29188,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29187\/revisions\/29188"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29189"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29187"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29187"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29187"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}