{"id":29164,"date":"2016-07-30T23:46:16","date_gmt":"2016-07-30T20:46:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29164"},"modified":"2016-07-30T23:48:52","modified_gmt":"2016-07-30T20:48:52","slug":"ciidamada-kdf-ee-dalka-kenya-oo-ay-isaga-tageen-askar-u-badan-muslimiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/ciidamada-kdf-ee-dalka-kenya-oo-ay-isaga-tageen-askar-u-badan-muslimiin\/","title":{"rendered":"Ciidamada KDF ee dalka Kenya oo ay isaga tageen askar u badan Muslimiin."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Warar qaar ka tirsan warbaahinta gudaha Kenya ay qoreyso ayaa sheegaya in boqolaal askari oo Muslimiin ah ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee KDF shantii sano ee lasoo dhaafay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wararkaa ayaa sheegaya in ama ay waraaqo iscasilaad ah soo gudbiyeen amaba aysan soo gudbine ay isga baxeen ayagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen in xaaladaha shaqo ama daruufaha shaqo ee KDF ay ku adkaadeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Qaar ayaa sheegay in walbahaar badan ay kala kulmeen shaqadii ciidamda iyo in marmar si been abuur ah loogu eedeeyo in Al-Shabaabka ay dagaalka kula jireen ayba taabacsan yihiin.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">In badan oo ka mid ah ayaa warbaahintu sheegtay in laamaha sirdoonka ee dawlada Kenya ay aad dhaqdhaqaaqooda ula socdeen-waa saraakiil u badan Muslimiin lagu eedeeyay inay xarumaha ammaanka xagjirnimo ka wadeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wargeyska &#8216;The Star&#8217; oo aan warkaan kasoo xiganay maanta ayaa sheegay inuu aad u ogaanaayo caro qotto dheer iyo kala shaki soo kala dhex galay saraakiisha darajooyinka hoose iyo kuwa sarsare.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dadka arimaha ammaanka qaadaa dhiga ayaa ugu yeeray arinkaa sidii inuu yahay \u201cbambo sugeysa waqti waqtigaas oo kadib ay qarxi karto\u201d.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u2018Ayagu naguma kalsoona\u2019. Sidaa ayuu u sheegay mid ka mid ah saraakiisha iscasilay. &#8216;Waad ogtahay saaxiiboow in dalkaan dhiranaan aanu ugu adeegno. Laakiin waa arin qalbi jab leh hadii lagugu dhajiyo astaan ah inaad tahay qof ujanjeera argagixisonimo iyo cadaw daakhili ah&#8217;. Intaa ayuu raaciyay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cTaliyeyaasha militarigu naguma kalsoonaan karaan intaan wixii ka badan. Mar waxaa dhacday in naloo diray\u00a0 magaalo xadka kutaala si aan u baacsano Al-Shabaab. Laakiin afar kale iyo aniga ayaa Nairobi nalookugu yeeray ayadoon wax sharraxaad ah laga bixin,\u201d intaana wuu raaciyay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kadib ayay ogaadeen in loosoo celiyay \u201cinaysan shaqada u qaban karayn si habboon\u201d darteed.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wargeyska The Star wuxuu warbixintiisa uu saaka qoray ku sheegay in markii lala xiriiray afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Njoka Mwenda uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku soo jawaabo.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cKani waa arin culus. Waa inaan la xiriiro cutubyo kala duwan oo la carrabaabay,\u201d ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaqdhaqaaqa booliska xabsiyada ugu waaweyn Kenya aad loola socdo-waa xabsiyada Shimo la Tewa iyo Kamiti.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa booliska xabsiyadaa ilaaliya qaar lagu eedeeyay inay xagjirnimo baraan askarta kale ee biliiska ah ee ay isku jaalka yihiin iyo maxaabiista waa sida hadalka loo dhigaye!<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Talaadadii, nin biliiska ka tirsanaa ayaa waxaa qabtay booliska argagixisonimada la dagaalama kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xiriir la leeyahay argagixiso.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Mgaciisa ayaa waxaa askarigaa la qabtay lagu sheegay Jeele ilaa hadana meel loo dhigay lama oga.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sheekada KDF markii dib loogu laabto, qaar ka tirsan KDF ayaa lagu soo eedeeyay inay bixiyeen xog qarsoodi ciidamada u ahayd oo la xiriirta ammaanka iyo inay walciyeen dadaalada dawladu kula dagaalamayso argagixisonimada.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cTeeda kale, markii aan isku dayayno inaan shaqada isaga baxno\u00a0 maadaama aan dareemeyno inaan\u00a0 naloo arkin askar la halmaala kuwa kale oo diyaar u ah inay dalkooda difaacaan, ayaga [taliyeyaasha ah] waxay dhahaan waxaan shaqada uga tageynaa inaan ku biirno Al-Shabaab,\u201d sidaa ayuu Talaadadii u sheegay wargeyska The Star askarigaa oo murugo ka muuqatay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ciidamada militariga looma ogola inay iscasilaan ayagoon ciidamada kujirin 10 sano. Hadii aad goosato ciqaabo dhowr ah ayaa lagu marin karaa sida in maxkamada ciidamada lagugu qaado.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Saraakiil ayaa sheegay in weerarkii Janaayo 15 ee Ceel Cadde kadib askari KDF ahaa oo Soomaali ah &#8216;si caddaalada ka baxsan&#8217; loogu eedeeyay inuu shirqoolay askartii ay KDF ka wada tirsanaayeen ee xerada AMISOM, arintaasoo keentay geerida qiyaastii 200 oo askari waa sida The Star saaka lagu daabacaye.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cIn badan oo anaga ah ayaa furinta hore jooga oo difaacaya ummadaan. Hawlgaladii ugu khatarta badnaa ayaanu ka qeyb qaadanay gudaha Soomaaliya hadii aan tusaale soo qaato. Laakiin waxaa nalooka shakinayaa inaan xiriir la leenahay argagixiso. Arintani uma fiicna ciidamada,\u201d ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Masaajid ku dhex yaala xero weyn oo militari oo caasimada dhexdeeda ah waa lala socdaa oo kormeer ayaa lagu hayaa khudbadaha laga jeediyana aad ayaa loo dhageystaa&#8217;, ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cHab dhaqanka noocaa ah ma horumarinaayo danaha dalkaan. Wuxuu un dhalaa ammaan darro wuxuuna abuuraa daldaloolo liddi ku ah dagaalka lagula jiro cadawga,\u201d ayuu yiri.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/becco\/\" rel=\"attachment wp-att-29094\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/tabaarak\/\" rel=\"attachment wp-att-29095\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29095\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/salaam-bank-9\/\" rel=\"attachment wp-att-29096\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29096\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/degmada-lamu-ee-dalka-kenya-oo-askar-qarax-lagula-eegtey-iyadoo-qaarkood-ku-dhaawacmeen\/salaam-bank-9\/\" rel=\"attachment wp-att-29096\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29096\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar qaar ka tirsan warbaahinta gudaha Kenya ay qoreyso ayaa sheegaya in boqolaal askari oo Muslimiin ah ay isaga baxeen ciidamada Kenya ee KDF shantii sano ee lasoo dhaafay. Wararkaa ayaa sheegaya in ama ay waraaqo iscasilaad ah soo gudbiyeen amaba aysan soo gudbine ay isga baxeen ayagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen in xaaladaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29164","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29164","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29164"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29164\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29165,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29164\/revisions\/29165"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29164"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29164"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29164"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}