{"id":29100,"date":"2016-07-26T19:30:59","date_gmt":"2016-07-26T16:30:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29100"},"modified":"2016-07-26T19:32:27","modified_gmt":"2016-07-26T16:32:27","slug":"wasiirka-amniga-crisaaq-oo-sheegey-in-qaraxyadii-maanta-ay-ku-dhinteen-13-qof","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/wasiirka-amniga-crisaaq-oo-sheegey-in-qaraxyadii-maanta-ay-ku-dhinteen-13-qof\/","title":{"rendered":"Wasiirka Amniga C\/risaaq oo sheegey in Qaraxyadii maanta ay ku dhinteen 13 qof."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C\/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13-ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale.<\/p>\n<p>Wasiirka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Qaraxyadaan uusan garanayn halka lala doonayay in lala beegsado, balse ay ku qarxeen dibadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.<\/p>\n<p>&#8220;Gaadiidka qaraxyada lagu fuliyay waxay ahaayeen laba gaari oo midkood uu ahaa gaari weyn, halka midka kalena uu ahaa gaari yar. Gaariga weyn waxaa lagu joojiyay kootarool ay ciidamada Nabad-sugidu ku sugnaayeen, laakiinse wuu soo jiiray ciidamaduna way xabadeeyeen,&#8221; ayuu Wasiir C\/risaaq yiri.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa Wuxuu yiri. &#8220;Baabuurku wuxuu ku qarxay inta aanu gaarin albaabka weyn ee laga galo Xerada Xalane, Waxaana ku geeriyooday 11-qof oo ahaa ciidammo shirkadaha amniga suga hoos-taga oo ku sugnaa meel ku dhaw halka uu Qaraxu ka dhacay.&#8221;<\/p>\n<p>Qaraxa kale ayuu xusay inuu ka dhacay inta u Dhexeysa Albaabka Garoonka Muqdisho laga galo iyo kan laga galo xerada Xalane, isagoo xusay in lagu geystay gaari kale oo yar.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa kaloo la weydiiyay tira guud ee labadan qarax ku dhintay, wuxuuna ku jawaabay inay ku geeriyoodeen 13-qof oo ay ku jireen laba qof oo rasaasi ay ku dhacday, ayna ku dhaawacmeen shan qof oo kale.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wararka madaxa-bannaan ayaa sheegaya in 15-qof ay ku dhinteen Weerarradan, kuwaas oo ay ku jiraan, ciidammo, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 20-qof oo kale, kuwaasoo 18-qof oo ka mid ah la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Afhayeenka AMISOM ayaa beeniyay inay Qaraxyadii maanta ciidammo uga dhinteen ama uga dhaawacmeen, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-29096\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29095\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-29094\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C\/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13-ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale. Wasiirka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Qaraxyadaan uusan garanayn halka lala doonayay in lala beegsado, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29102,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29100","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29100"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29101,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29100\/revisions\/29101"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29102"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}