{"id":29084,"date":"2016-07-26T17:55:15","date_gmt":"2016-07-26T14:55:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=29084"},"modified":"2016-07-26T18:02:37","modified_gmt":"2016-07-26T15:02:37","slug":"ajendaha-shirweynaha-carabta-oo-looga-hadli-doono-arrimaha-liibiyasyriaciraq-iyo-yemen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/ajendaha-shirweynaha-carabta-oo-looga-hadli-doono-arrimaha-liibiyasyriaciraq-iyo-yemen\/","title":{"rendered":"Ajendaha shirweynaha Carabta oo looga hadli doono arrimaha Liibiya,Syria,Ciraq iyo Yemen."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka jaamacada Carabta ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha Carabta ee kasocda maanta caasimada dalka Mauritania ayaa ballan qaaday isla markaana wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan argagaxisonimada.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Shirka ayaa waxaa guddoominaaya madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Abdel Aziiz. Shirkaa ayaa furmay shalay asagoo lagu qabtay teendho weyn oo ku taala caasimada dalkaa ee Nouakchott.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ajendayaasha shirkaa ayaa waxaa ugu horeeya dhibaatooyinka ka taagan dunida Muslimka gaar ahaan dalalka Carabta weliba Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Liibiya.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Raisul wasaaraha Masar ayaa halkaa ka hadlay oo sheegay in faragalinta shisheeyuhu sababtay in gobolka ay kasoo baxdo fallaagada Daacish oo aad u dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.\u00a0<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8220;Waa inaanu ka hortagno faragalintaa,&#8221;\u00a0 ayuu yiri raisul wasaaraha Masar Sherif Ismaaciil.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhanka kale, madaxweynaha Yemen ayaa ugu baaqay fallaagada dalkaa ka dagaalanta ee Xuutiyiinta inay soo wareejiso hubka.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Haatan ayaa wali waxaa Yemen ka socda duqeynta ay wadaan Sacuudiga iyo xulufadiisu.\u00a0 Wuxuu intaa ku daray in duqeyntu rajo keeneyso.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ilaa 9,000 oo qof ayaa lagu dilay Yemen laga soo bilaabo markii duqeynta Sacuudigu bilaabay waqtigaa oo ahaa bishii Maarso ee sanadkaan.\u00a0\u00a0 Dadkaa badankoodu waxay ahaayeen rayid sida laga soo xigtay QM.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxaa sidoo kale dagaalkaa ku barakacay 2.8 m oo qof.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Waxyaabaha kale ee shirkaa lagu qaadaa dhigayo ayaa waxaa ka mid ah sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyay Falastiiniyiinta iyo Israaiil.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28542\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-150x150.jpg\" alt=\"tabarak234\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28543\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28544\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka jaamacada Carabta ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha Carabta ee kasocda maanta caasimada dalka Mauritania ayaa ballan qaaday isla markaana wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan argagaxisonimada. Shirka ayaa waxaa guddoominaaya madaxweynaha Mauritania, Maxamed Ould Abdel Aziiz. Shirkaa ayaa furmay shalay asagoo lagu qabtay teendho weyn oo ku taala caasimada dalkaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":29086,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-29084","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=29084"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29084\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":29085,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/29084\/revisions\/29085"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/29086"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=29084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=29084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=29084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}