{"id":28954,"date":"2016-07-01T00:28:51","date_gmt":"2016-06-30T21:28:51","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28954"},"modified":"2016-07-01T00:29:51","modified_gmt":"2016-06-30T21:29:51","slug":"dad-ka-badan-labaatan-qof-oo-ku-dhintey-dagaal-ka-dhacey-deegaan-hoos-taga-gobolka-galguduud-ee-bartamaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/07\/dad-ka-badan-labaatan-qof-oo-ku-dhintey-dagaal-ka-dhacey-deegaan-hoos-taga-gobolka-galguduud-ee-bartamaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dad Ka badan labaatan qof oo ku dhintey dagaal ka dhacey deegaan hoos taga Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 24-ruux oo isugu jiray xoogag ka tirsan Al-shabaab, Ciidammo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo shacab, ayaa ku dhintay Dagaallo culus oo ciidammada dowladda Soomaaliy iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Ceel-Hareeri lagu Magacaabo oo ka tirsan Gobolka Galguduud.<\/p>\n<p>Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii Xoogag taabacsan Al-shabaab ay si lama filaan ah u weerareen saldhig ay ciidamada Dowladda Somalia halkaa ku lahaayeen.<\/p>\n<p>Taliyaha saldhigga la weeraray, Col. Axmed Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 18 dagaal-yahan oo Al-shabaab ah, shan askari iyo qof shacab ah.<\/p>\n<p>\u201cAl-shabaab waxay soo Weerareen saldhig, Waxaana Qarxay Dagaal la isku Adeegsaday hub kala duwan. Al-shabaab Waxay isku dayday in ay Saldhigga la wareegto, Balse waan iska caabinnay,\u201d ayuu ku yiri Col. Axmed Maxamed hadalkiisa.<\/p>\n<p>Goob-jooge ku sugan deegaanka oo lagu magacaabo, Cabdulle Iidoow oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in Dagaalkii cuslaa kaddib ay arkeen ugu yaraan 20-maydad ah oo dagaalka ku dhintay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen tobaneeyo ka tirsana xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Somalia ee Dagaalladu ay dhexmareen, inkastoo aan tirade saxda ah ee dhaawacyada la hayn.<\/p>\n<p>Idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andalus, ayaa baahisay in Xoogaggoodu ay la wareegeen saldhigga, ayna dagaalkaas ku dileen tiro ka tirsan ciidanka Dowladda Somalia.<\/p>\n<p>Balse, Col. Axmed Maxamed ayaa diiday hadalka Al-shabaab, wuxuuna sheegay inaysan jirin saldhig ay qabsadeen, balse ay isku dayeen ayna iska difaaceen. wuxuuna yiri. \u201cTiro badan &#8211; ayay nagu soo Weerareen, Waanan iska difaacnay, Saldhiggana ma qabsan, balse khasaare culus ayaa dagaalka ka gaary,\u201d ayuu hadalkiis ku daray Col. Maxamed.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, ma jiraan ilo ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu le\u2019g yahay, iyadoo aysan ahayn markii u horreysay oo dagaallo ay gobolkaas ku dhexmaraan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia.<\/p>\n<p>Warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 24-ruux oo isugu jiray xoogag ka tirsan Al-shabaab, Ciidammo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo shacab, ayaa ku dhintay Dagaallo culus oo ciidammada dowladda Soomaaliy iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Ceel-Hareeri lagu Magacaabo oo ka tirsan Gobolka Galguduud. Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii Xoogag taabacsan Al-shabaab ay si lama filaan ah u weerareen saldhig [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28956,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28954","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28954","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28954"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28954\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28955,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28954\/revisions\/28955"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28956"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28954"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28954"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28954"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}