{"id":28944,"date":"2016-06-27T06:58:36","date_gmt":"2016-06-27T03:58:36","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28944"},"modified":"2016-06-27T07:02:30","modified_gmt":"2016-06-27T04:02:30","slug":"boqol-iyo-ko-to-kun-qaxooti-soomaali-ah-oo-la-filayo-in-ay-ku-laabtaan-gudaha-soomaaliya-dabayaaqada-sanadkan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/boqol-iyo-ko-to-kun-qaxooti-soomaali-ah-oo-la-filayo-in-ay-ku-laabtaan-gudaha-soomaaliya-dabayaaqada-sanadkan\/","title":{"rendered":"Boqol iyo konton kun qaxooti ah oo la filayo in ay ku laabtaan gudaha Soomaaliya dabayaaqada sanadkan."},"content":{"rendered":"<p>bka ku<br \/>\nadkeysay mawqifka ay ka taagan tahay<br \/>\nsida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab.<br \/>\nShalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada<br \/>\nee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay<br \/>\nin durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo<br \/>\nqaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla<br \/>\nmarkaana inta hadhay la celin doono-<br \/>\nhadba in.<\/p>\n<p>Waxay intaasi ku dartay in hannaanka<br \/>\ncelinta qaxootiga ay taageerayaan<br \/>\ndawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo<br \/>\nweliba beesha caalamka. \u201cHannaanku<br \/>\nwuu bilowday wuuna socdaa&#8217;. Sidaa<br \/>\nayay tiri.<\/p>\n<p>Arin murugsan ayay noqoneysaa laakiin<br \/>\nwaxaan diyaar u nahay inaan hawshaa<br \/>\ngalno ayay tiri.<\/p>\n<p>Wasiirada ayaa shalay sidaa ka sheegtay<br \/>\nkulan ay yeesheen guddi saddex geesood<br \/>\nah oo ay wasiiro kujireen wasiiradaa oo<br \/>\nka socday labada dal ee Kenya iyo<br \/>\nSoomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale shirkaa oo ka dhacay Nairobi<br \/>\nayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka<br \/>\nsocday hayada UNHCR ee ayadu QM u<br \/>\nqaabilsan amuuraha qaxootiga.<br \/>\nWaxaa kujiray shirkaa kasoo qeyb<br \/>\ngaleyaashiisa Wasiirka Amuuraha<br \/>\nDibada ee Soomaaliya, C\/Samad Cumar<br \/>\nHadliye iyo madaxa UNHCR, Filippo<br \/>\nGrandi.<\/p>\n<p>Waxay Aamina sheegtay in guddigaasi<br \/>\nka dalbay guddiga farsamo ee saddex<br \/>\ngeesoodka ah (waa gudiga kale ee u<br \/>\nxilsaaran hawsha dib u celinta qaxootiga<br \/>\nDhadhaabe) inuu soo gabagabeeyo<br \/>\ndejinta habab muhiim ah kuwaasoo<br \/>\nloogu tala galay dib u celinta qaxootigaa<br \/>\nDhadhaab.<\/p>\n<p>Waxay kaloo xustay in la doonayo in<br \/>\nilaa 150,000 oo qaxootiga Dhadhaab ah<br \/>\ndib Soomaaliya loogu celiyo<br \/>\ndabayaaqada sanadkaan 2016.<\/p>\n<p>Guddiga shalay kulmay wuxuu sidoo kale<br \/>\nku baaqay in la adkeeyo u adkeysiga<br \/>\ndadyowga Soomaaliyeed ee kunool<br \/>\ngudaha Soomaaliya ay u adkeysi badan<br \/>\nyihiin ama kasoo kabashadooda<br \/>\ndhibaatooyinka (dabiiciga ah sida<br \/>\nabaaraha iyo daadadka) gaar ahaan<br \/>\nmeelaha la dajin doono qaxootiga<br \/>\nDhadhaab laga qaadayo oo Soomaaliya<br \/>\nla geynaayo.<\/p>\n<p>Xubnaha guddigaa ayaa isku waafaqay<br \/>\ninay mar kale kulmaan bisha Oktoobar<br \/>\nsi ay dib ugu eegaan horumarka arinka<br \/>\nlaga gaaray ilaa waqtigaa gaar ahaan<br \/>\ndib u noqoshada qaxootiga ee aan qoor<br \/>\nqabadka ahayn ee qaxootigu dib iskood<br \/>\ndalkoodii Soomaaliya ay ugu<br \/>\nlaabanayaan.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>bka ku adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab. Shalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay in durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla markaana inta hadhay la celin doono- hadba in. Waxay intaasi ku dartay in hannaanka celinta qaxootiga ay taageerayaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28944","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28944","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28944"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28944\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28946,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28944\/revisions\/28946"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28944"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28944"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28944"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}