{"id":28940,"date":"2016-06-27T06:32:19","date_gmt":"2016-06-27T03:32:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28940"},"modified":"2016-06-27T06:32:34","modified_gmt":"2016-06-27T03:32:34","slug":"mweyne-xasan-sheekh-oo-qirey-in-gobolada-wgalbeed-qalad-weyn-laga-galeywaa-maxey-qaladlaasi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/mweyne-xasan-sheekh-oo-qirey-in-gobolada-wgalbeed-qalad-weyn-laga-galeywaa-maxey-qaladlaasi\/","title":{"rendered":"M\/weyne Xasan Sheekh oo qirey in gobolada W\/galbeed qalad weyn laga galey\/waa maxey qaladlaasi?."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh<br \/>\nMaxamuud oo xalay ka Qayb-galay<br \/>\nMunaasabad lagu xusayay 56-sano<br \/>\nguuradii kasoo wareegtay xorriyadda<br \/>\nGobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee 26-<br \/>\nka Juun, ayaa ka hadlay xaaladda uu<br \/>\ndalku ku sugan yahay.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xafladda<br \/>\n26-ka Juune oo ka dhacday xalay<br \/>\nMuqdisho ayuu sheegay in<br \/>\nHalgameyaashii Xorriyadda ay<br \/>\nWaddanka Taariikh wanaagsan iyo<br \/>\nmidnimaba u horseedeen, balse<br \/>\nkhaladaad dhinaca maamulka dowliga<br \/>\noo dhacay ay dhaawaceen midnimadii<br \/>\niyo wadajirkii ummadda.<\/p>\n<p>&#8221; Somalia Waddan ahaan ma fashilmin,<br \/>\nummad ahaana ma fashilmin, laakiinse<br \/>\nSiyaasadda ayaa naga yara xumaatay,<br \/>\ntaasina waxay dhashay waxaanu ku<br \/>\nsuganahay maanta. Balse weli waanu<br \/>\nnool nahay, Waxaana Waajib nagu ah<br \/>\ninaan saxno khaladaadkii dhacay si aan<br \/>\nu soo celino haybaddii iyo sharaftii ay<br \/>\nSoomaaliya lahayd, \u2019\u2019 ayuu yiri<br \/>\nMadaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa intaas<br \/>\nku daray in shacabka ku nool gobolada<br \/>\nwaqooyi ay horay u muujiyeen Soomaali<br \/>\njaceyl iyo midnimo jaceyl, iyagoo wax<br \/>\nwalba ka hormariyey midnimada dalka.<\/p>\n<p>&#8221; Walaalaheen ku nool Gobollada<br \/>\nWaqooyi, Waxay kaalin weyn ka<br \/>\nqaateen in Midnimadda ay dhalato,<br \/>\niyagoo weliba aan wax Shuruud ah ku<br \/>\nxirin. Waxay Taasi muujineysaa heerka<br \/>\nay ka taagnaayeen inay arkaan Soomaali<br \/>\noo mid ah. Waan qiraynaa in qaladaad<br \/>\nay dhaceen, dhibaatana loo gaystay<br \/>\nxornimada kaddib. Khaladaadkaasna<br \/>\nwaxaa saldhig u ahaa Siyaasadda iyo<br \/>\nNidaamka dowliga oo naga xumaaday.<\/p>\n<p>Waxaan mar kale diyaar u nahay inaan<br \/>\nmuujino garowshiyo, daweynta<br \/>\nNabarada soo gaaray iyo inaan ka<br \/>\nfogaanno wax allaale iyo wixii khatar<br \/>\ngelin kara Wadajirkeenna iyo Wada-<br \/>\nnoolaanshaheena, \u2019\u2019 ayuu hadalkiisa ku<br \/>\ndaray Madaxweynaha Somalia.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa<br \/>\nsheegay in Somalia ay ku jirto marxalad<br \/>\ndib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda,<br \/>\niyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah<br \/>\noo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey<br \/>\nmid xal u noqon karta mashaakilka<br \/>\nsiyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>&#8221; Waa inaan dhisnaa Tiirar adag oo Wax<br \/>\nka tari kara Mustaqbalka Siyaasadda ee<br \/>\nWaddankeenna. Waa inaan iska<br \/>\nilaalinaa in mar kale aan ku dhacno<br \/>\nqaladaadka aan horay u sameynay ee<br \/>\ndalkeena burburka u horseeday.<\/p>\n<p>Midnimadii Waqooyi iyo Koonfuur<br \/>\ndhaawac Siyaasadeed ayaa soo gaarey,<br \/>\nBalse Dadka Soomaaliyeed oo Dhan ayaa<br \/>\nMaanta u baahan in Dib loo mideeyo<br \/>\nMaadaama Dagaalladii Sokeeye ay<br \/>\ndhaliyeen is-aaminaad darro iyo<br \/>\nkalsooni xumo.&#8221;<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia<br \/>\nayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey<br \/>\ninay ka shaqeeyaan Horumarka,<br \/>\nNabadda iyo Midnimada dalka.<\/p>\n<p>Munaasabadda 26-ka Juun awgeed, ayuu<br \/>\nMadaxweynaha Soomaaliya wuxuu<br \/>\nSaakay ubax dhigay Taalada Falkirk&#8217;s<br \/>\nDaahsoon ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka Qayb-galay Munaasabad lagu xusayay 56-sano guuradii kasoo wareegtay xorriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee 26- ka Juun, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay. Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xafladda 26-ka Juune oo ka dhacday xalay Muqdisho ayuu sheegay in Halgameyaashii Xorriyadda ay Waddanka Taariikh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28940","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28940","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28940"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28940\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28941,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28940\/revisions\/28941"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28940"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28940"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28940"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}