{"id":28934,"date":"2016-06-27T05:56:42","date_gmt":"2016-06-27T02:56:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28934"},"modified":"2016-06-27T05:56:58","modified_gmt":"2016-06-27T02:56:58","slug":"axmed-siilaanyo-oo-dhaliiley-midawgii-koonfur-iyo-waqooyi-kuna-tilmaamey-madhaleys-aan-la-mahdin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/axmed-siilaanyo-oo-dhaliiley-midawgii-koonfur-iyo-waqooyi-kuna-tilmaamey-madhaleys-aan-la-mahdin\/","title":{"rendered":"Axmed Siilaanyo oo dhaliiley midawgii Koonfur iyo Waqooyi kuna tilmaamey Madhaleys aan la mahdin."},"content":{"rendered":"<p> Xaflada<br \/>\nbalaadhan oo loogu dabaal degayo sanad<br \/>\nguurada 56aad ee ka soo wareegtay<br \/>\nmarkii calankii ugu horeeyey la saaray<br \/>\ndhul soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay<br \/>\nqasriga Madaxtooyada.<\/p>\n<p>Munaasibad loogu dabaal degayey<br \/>\nsanad guuradda 56aad ee ka soo<br \/>\nwareegtay markii goboladda waqooyi<br \/>\nama Somaliland xornimadda ka qaateen<br \/>\ngumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu<br \/>\nqabtay xarunta madaxtooyadda ee<br \/>\nmagaaladda Hargeysa.<\/p>\n<p>Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay<br \/>\nmasuuliyiinta qaranka ugu saraysa, oo<br \/>\nka kala socda saddexda golle qaran,<br \/>\nxukuumadda, guurtida, wakiilada,<br \/>\nAsxaabta qaranka iyo marti sharaf ka<br \/>\nkala socotay dalalka ay Somaliland<br \/>\nsaaxiibka iyo kuwa deriskaba, kuwaas<br \/>\noo damaashaad iyo taariikhdii<br \/>\nSomaliland usoo martay halgankii la<br \/>\niskaga kicinayey gumaystaha Ingiriiska<br \/>\nah madasha lagu soobandhigay.<\/p>\n<p>Waxa halkaa khudbado ka soo jeediyey<br \/>\nxubno goobjoog u soo ahaa, isla<br \/>\nmarkaana masuuliyiinka soo ahaa<br \/>\ndawladii gumaysiga ee Ingiriiska, kana<br \/>\nmid ahaayeen mudane Cismaan Axmed<br \/>\nXasan (Cismaan Indhoole) iyo Mudane<br \/>\nMaxamuud Aadan Dheri.<\/p>\n<p>Waxa kale oo halkaa laga soo jeediyey<br \/>\nsuugaan tiro badan oo ku qotonta<br \/>\nmunaasibada iyo taariikhdeeda, kana<br \/>\nmid ahaayeen dadkii ka hadlay Abwaan<br \/>\nYuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) iyo<br \/>\nAbwaan da\u2019 yar oo la yidhaah Farxaan<br \/>\nIsmaaciil Maal. <\/p>\n<p>Waxa kale oo halkaa<br \/>\nlagu soo bandhigay barmaamij ka<br \/>\nwaramaya taariikhda Somaliland markii<br \/>\ngumaysta Ingiriisku soo galay<br \/>\n1987-1991kii markii lala soo noqday<br \/>\nmar kale madax-banaanida Somaliland.<\/p>\n<p>Intaas ka dibna madxweynaha calanka<br \/>\nSaaray ka dibna salaan ka qaatay<br \/>\ncutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland Mudane<br \/>\nAxmed Maxamed Silaanyo oo khudbad<br \/>\ndheer ka jeediyey ayaa kaga hadlay<br \/>\nmarxaladii gumaysiga iyo maxmiyada<br \/>\nSomaliland isagoo bogaadiyey axsaabtii<br \/>\nu soo halgantay xornimamada hore, lana<br \/>\ndagaalantay gumaystihii ingiriiska ee<br \/>\nSNL, NUF, USP iyo dhaqdhaqaaqii SNM<br \/>\nee ka dambeeyey, kuwaas oo uu duco u<br \/>\ndiray intoodii dhimatay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Siilaanyo ayaa<br \/>\nhambalyo u diray shacabka Somaliland<br \/>\nmeel kasta oo ay jogaan munaasibadda<br \/>\n26 june awgeed, waxaanu ka sheekeeyey<br \/>\ntaariikhdii uu Ingiriisku gumaystay<br \/>\nSomaliland, waxaanu yidhi \u201cDawladda<br \/>\nIngiriisku waxay soo caga-dhigatay<br \/>\nCarriga Somaliland 1887-kii, iyadoo aan<br \/>\nxoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay<br \/>\nla galeen beel-daajiyaashii iyo<br \/>\nbirmageydadii hormuudka u ahayd<br \/>\nBulshada Somaliland xiligaa.Somaliland<br \/>\nma ahayn dal toos loo guumaystay sida<br \/>\ndalalka Africa badankooda, hase<br \/>\nyeeshee, waxay ahayd maxmiyad ay<br \/>\nilaaliso ama maamusho ciiddeeda,<br \/>\nboqortooyadii aan calankeeda cadceedu<br \/>\nka dhici jirin. In ka badan qarni badhkii<br \/>\nayaa laga joogaa maalintii Somaliland<br \/>\nnoqotay Jamhuuriyad Madax-bannaan<br \/>\noo leh Dawlad iyo Dal, la aqoonsan<br \/>\nyahay.<\/p>\n<p>Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo<br \/>\nloo soo galay xaqiijinta himilladii<br \/>\ngobonnimo doonka, waxay Somaliland<br \/>\nnasiib u yeelatay in ay ku guulaysato<br \/>\nqarannimo buuxda, isla markaana<br \/>\nnoqoto dalkii 15aad ee Qaaradda Africa<br \/>\nqaatay madax-bannaani, taasoo<br \/>\ncadaynaysa in aynu ka hana-qaad<br \/>\nhorreynay badiba waddamada bariga<br \/>\niyo badhtamaha Africa, sida; Kenya,<br \/>\nUganda, Tanzania, Djibouti, Somalia,<br \/>\nEretria, Rwanda, Burundi, Central<br \/>\nAfrican Republic, Mozambique, Zambia<br \/>\niyo Malawi.<\/p>\n<p>Waxa hambalyo mudan halyeyadii<br \/>\nxasiliyey gobonnimadaa, waxaan si gaar<br \/>\nah u xusayaa Xisbiyadii Siyaasiga ahaa<br \/>\nee SNL, NUF, iyo USP oo door weyn ka<br \/>\nqaatay.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynuhu isagoo hadalka sii wata<br \/>\nwaxa uu yidhi \u201c Sidoo kale, waxaan ugu<br \/>\nducaynayaa intii dhimatay, hal-doorkii<br \/>\ntaariikhda halgankaa ku suntanaa iyo<br \/>\nmujaahidiintii ku shahiiday halgankii<br \/>\ndib ula soo noqoshada madax-<br \/>\nbannaanida Somaliland in Eebbe<br \/>\nnaxariistii janno ka waraabiyo, fadliga<br \/>\nbisha Ramadaanna ugu dambi dhaafo.<br \/>\nKa Sokow in aynu noqon-nay Ummadda<br \/>\nSoomaaliyeed dalkii iyo dadkii ugu<br \/>\nhorreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa<br \/>\nxaqiiq ah in Bulshada Somaliland ay<br \/>\nhormuud ka ahayd hammigii lixdankii<br \/>\nee salka ku hayey in la abuuro qaran<br \/>\nweyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku<br \/>\ndhan tahay.\u201d<\/p>\n<p>Mar kale isagoo ka hadlay midowgii<br \/>\ndhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya,<br \/>\nwaxa uu yidhi \u201c Jibbadii iyo Soomaali<br \/>\njacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu<br \/>\nkeenay in shan cisho ka dib aynu deg-<br \/>\ndeg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee<br \/>\nTalyaanigu gumaysan jiray shuruud<br \/>\nla&#8217;aan, isla maalintii uu gobonnimada<br \/>\nqaatay 1-dii July, 1960.<\/p>\n<p>Inkasta oo uu ahaa il-duuf siyaasadeed<br \/>\noo ina dhaxal-siiyey dhibaato badan,<br \/>\nhaddana dhinaca kale, waxaan la dafiri<br \/>\nkarin inuu ahaa go&#8217;aan geesinimo leh oo<br \/>\nay qaadan karto oo keliya ummad gob<br \/>\nah oo garasho dheer lihi.<\/p>\n<p>Midowgii dhex-maray labadii dal ee<br \/>\nSomaliland iyo Soomaaliya wuxuu<br \/>\nnoqday madhalays aan la mahadin.<br \/>\nNasiib darro, waxa laga dheefay oo<br \/>\nqudha nacayb, Niyad jab iyo naxli la<br \/>\ndhex dhigo Ummaddii Soomaaliyeed ee<br \/>\nisu haysay hilowga iyo kalgacalka.<br \/>\nMurti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda<br \/>\n&#8220;Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu<br \/>\nyidhi, Tunkayga iyo Tagoogayga ka eeg&#8221;.<\/p>\n<p>Sidaa darteed, waxaan leeyahay<br \/>\nShacbiga Somaliland soddonkii sanno ee<br \/>\nay ka mid ahaayeen dal weynihii<br \/>\nSoomaaliya ma jiro wax faa&#8217;iido ah oo<br \/>\nay ka dhaxleen haba-yaraatee.<\/p>\n<p>Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee<br \/>\naynu la soo noqonnay madax<br \/>\nbannaanideenna, waxa inoo kordhay<br \/>\nayaa ka badan boqolkiiba sagaashan,<br \/>\niyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo<br \/>\naqoonsi caalami ah toona.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo beesha caalamka iyo<br \/>\nSoomaaliyaba la hadlaya waxa uu yidhi<br \/>\n\u201cWaxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu<br \/>\nka go\u2019nay ee Soomaaliya, Dalalka<br \/>\nMidowga Afrika, Midowga Yurub,<br \/>\nMaraykanka, Jaamacadda Carabta,<br \/>\nUrurka Islaamka iyo dhammaan Dalalka<br \/>\nku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka<br \/>\ndhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-<\/p>\n<p>1)       Somaliland waxay ahayd dal gaar<br \/>\nah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June,<br \/>\n1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu<br \/>\nku biirnay lana midawnay 1-dii July,<br \/>\ndalkii Soomaaliya oo Talyaanigu<br \/>\ngumaysan jiray.<\/p>\n<p>2)       Shacbiga Somaliland waxay si cad<br \/>\nu diideen June, 1961-kii, aftidii loo<br \/>\nqaaday dastuurkii cusbaa ee loo<br \/>\nsameeyey dalkii lagu midoobay ee la<br \/>\nmagac baxay Jamhuuriyaddii<br \/>\nSoomaaliya, oo haatan meesha ka<br \/>\nbaxday.<\/p>\n<p>3) Muddo yar ka dib, markii<br \/>\nShacbiga Somaliland garwaaqsadeen<br \/>\ninay ku hungoobeen midnimadii, waxay<br \/>\nSaraakiishii ka soo jeeday Gobollada<br \/>\nWaqooyi sameeyeen December, 1961-kii<br \/>\ninqilaab dhicisoobay, kaas oo<br \/>\nujeeddadiisu ahayd inay dib u soo<br \/>\nceliyaan Xornimadii Somaliland ee<br \/>\nluntay.<\/p>\n<p> 4) Somaliland rubuc qarnigii u<br \/>\ndanbeeyey kama qayb qaadan shirarkii<br \/>\nkala duwanaa ee dib u heshiisiinta<br \/>\nSoomaaliya marnaba.<br \/>\nSidoo kale, kama mid aha Nidaamka<br \/>\nFederaalka yegleesha ah ee ay ku<br \/>\nmidoobeen maamul goboleedyada ka jira<br \/>\nSoomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla<br \/>\nmarkaana ogolaaday heshiisyada iyo<br \/>\nAxdiga (Road map-ka) ay ku dhisan<br \/>\ntahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>5)       Somaliland waxay xornimadeedii<br \/>\nla soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka<br \/>\ndib markii ay Salaadiinta, Garaadada<br \/>\niyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir<br \/>\nisugu yimaadeen Magaalada Burco<br \/>\ngo\u2019aan midaysanna ay ku gaadheen in<br \/>\nmadax bannaanidoodii ay dib ula soo<br \/>\nnoqdaan.<\/p>\n<p>6)       Shacbiga Somaliland waxay bishii<br \/>\nMay, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97<br \/>\nku taageereen aftidii loo qaaday<br \/>\ndastuurka cusub ee Jamhuriyadda<br \/>\nSomaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-<br \/>\ntaaga dalka.<\/p>\n<p>Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in<br \/>\njiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland<br \/>\naanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo<br \/>\ndhalanteed, balse ay tahay mid ka<br \/>\nturjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo<br \/>\ngo\u2019aanka shacbigani qaatay.<\/p>\n<p>Sidaa darteed, waxaa mudan in la<br \/>\nixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo<br \/>\nrabitaanka Shacbiga Somaliland.\u201d<\/p>\n<p>Gabogabaddii waxa uu hadalkiisa sii<br \/>\nraaciyey \u201c Waxaan leeyahay marnaba u<br \/>\ndulqaadan mayno cid kasta oo fad-qalale<br \/>\niyo fara-gelin ku samaysa ciidayada iyo<br \/>\ncalankayaga. Xaqa aayo ka tashiga iyo<br \/>\nxuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo<br \/>\ndalkayga, iyo Xuduudaha<br \/>\nJamhuuriyadda Somaliland dhammaan<br \/>\nwaa lama taabtaan aan lagu xad gudbi<br \/>\nkarin.\u201d<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayey Wada-hadallada<br \/>\nSomaliland Iyo Soomaaliya, waxa uu<br \/>\nyidhi \u201c Xukuumadda aan madaxda ka<br \/>\nahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka<br \/>\niyo sii wadista wada hadallada<br \/>\nSomaliland iyo Soomaaliya. Haddaba, si<br \/>\nlooga gun gaadho wada hadallada labada<br \/>\ndal u dhexeeya natiijo wax ku ool ah,<br \/>\nwaxaan ku baaqayaa in gogosha la<br \/>\nballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay<br \/>\ngoob joog ka noqdaan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxaannu soo<br \/>\ndhaweynaynaa dedaallada Beesha<br \/>\nCaalamku ugu jirto sidii Soomaaliya<br \/>\nnabad loogu soo dabbaali lahaa, isla<br \/>\nmarkaana dawlad adag loogu dhisi lahaa<br \/>\ndabayaaqada sannadka 2016-ka.<br \/>\nHasa-yeeshee, waxaannu dunida u<br \/>\ncaddaynaynaa in Somaliland tahay dal<br \/>\nmadax-bannaan oo aan ka mid ahayn<br \/>\nmaamul goboleedyada ku midoobay<br \/>\nNidaamka Federaalka.<\/p>\n<p>Mar labaad, waxaan ku celinayaa<br \/>\nJamhuuriyadda Somaliland ma meteli<br \/>\nkaraan shakhsiyaad danaystayaal ah oo<br \/>\nMuqdisho laga cugtay. Waa maag iyo<br \/>\nmeel ka dhac qaawan in magaca<br \/>\nqarankayaga loo cimaamado cid aan<br \/>\nshacbiweynaha Somaliland dooran, ama<br \/>\naanay ceelalyo u diran.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynuhu baaq nabadeed u diray<br \/>\nbeelaha walaalaha ah ee dirirtu ku<br \/>\ndhexmartay deegaanka Dharkeengeeye<br \/>\nee gobolka Sool, isagoo usoo jeediyey<br \/>\ninay nabadda ilaaliyaan, wax walba ku<br \/>\ndhamaystaan wada xaajood.<\/p>\n<p>Inkastoo xalay laga xusay<br \/>\nmadaxtooyadda, haseyeeshee<br \/>\nmunaasibadda 26 june ayaan loo<br \/>\nweyneen sida 18 May, waxaana kaliya la<br \/>\nfasaxaa uun shaqaalaha, waxaana<br \/>\nmunaasibadda kowaad laga dhigay 18<br \/>\nMay oo ah maalintii Somaliland ka go\u2019da<br \/>\nSoomaaliya.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflada balaadhan oo loogu dabaal degayo sanad guurada 56aad ee ka soo wareegtay markii calankii ugu horeeyey la saaray dhul soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada. Munaasibad loogu dabaal degayey sanad guuradda 56aad ee ka soo wareegtay markii goboladda waqooyi ama Somaliland xornimadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28934","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28934","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28934"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28934\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28935,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28934\/revisions\/28935"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28934"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28934"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28934"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}