{"id":28884,"date":"2016-06-24T06:54:25","date_gmt":"2016-06-24T03:54:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28884"},"modified":"2016-06-24T06:56:31","modified_gmt":"2016-06-24T03:56:31","slug":"dawladda-dalka-ugandha-oo-sheegtey-in-ciidamadeeda-soomaaliya-jooga-ay-la-baxeyso-sanadka-2017ka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/dawladda-dalka-ugandha-oo-sheegtey-in-ciidamadeeda-soomaaliya-jooga-ay-la-baxeyso-sanadka-2017ka\/","title":{"rendered":"Dawladda dalka Ugandha oo sheegtey in ciidamadeeda Soomaaliya jooga ay la baxeyso sanadka 2017ka"},"content":{"rendered":"<p>Xukuumadda Uganda oo ah tan<br \/>\nciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl-<br \/>\ngalka Midowga Afrika ee AMISOM ay<br \/>\nkaga sugan yihiin Somalia, ayaa<br \/>\nshaacisay maanta inay ciidamadeeda la<br \/>\nbaxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka.<br \/>\nUganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu<br \/>\nhorreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah<br \/>\nu soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii,<br \/>\niyadoo sanado kaddib ay kusoo biireen<br \/>\nCiidammo kale oo Afirkaan ah, kuwaas<br \/>\noo qaatay magaca AMISOM, si ay ula<br \/>\ndagaalamaan Al-shabaab oo isku<br \/>\ndayaysay inay xukunka ka tuurto<br \/>\nDowladdii Somalia.<br \/>\nCiidanka Midowga Afrika ee Somalia ku<br \/>\nsugan [AMISOM] oo ay Tiradoodu ka<br \/>\nbadan tahay 22,000 Askari, ayaa 6,200<br \/>\noo Askari oo ka mid ahi ka Socdaan<br \/>\ndalka Uganda, halka inta kalena &#8211; ay ka<br \/>\nkala socdaan Dalalka; Burundi, Jabuuti,<br \/>\nKenya iyo Itoobiya.<br \/>\n&#8220;Waxaanu qorsheynaynaa inaanu<br \/>\nciidamadeenna kala baxno Somalia laga<br \/>\nbillaabo bisha December ee Sannadka<br \/>\n2017-ka,&#8221; ayuu yiri Taliyaha Millateriga<br \/>\nDalka Uganda, Jen. Katumba Wamala oo<br \/>\nMaanta War-fidiyeenka kula hadlayay<br \/>\nmagaalada Kampala ee Xarunta<br \/>\nWaddanka Uganda.<br \/>\nJen. Wamala ayaa intaas ku daray.<br \/>\n&#8220;Go&#8217;aankaan waa mid ay Uganda si toos<br \/>\nah u qaadatay, waxaana ku war-gelinnay<br \/>\nxubnaha gacanta siinayay ciidanka<br \/>\nMidowga Afrika ee Somalia ku sugan.&#8221;<br \/>\nHadalka Taliyaha Ciidamada Difaaca<br \/>\nUganda, ayaa kusoo beegmaya iyadoo<br \/>\nAfhayeenka Millateriga Uganda, Col.<br \/>\nPaddy Ankunda uu bishii lasoo dhaafay<br \/>\nsheegay in dib u eegis lagu Sameynayo<br \/>\nku lug-lahaanshahooda Hawl-galka<br \/>\nAMISOM ee Soomaaliya.<br \/>\nInkastoo Jen. Katumba Wamala uusan<br \/>\nsheegin sababaha ay Ciidamadooda ay<br \/>\nuga saarayaan Somalia, ayaa Haddana<br \/>\nwuxuu yiri. &#8220;waxaan la joogaa xilligii ay<br \/>\nCiidamadeennu dib ugu soo laaban<br \/>\nlahaayeen waddankooda.&#8221;<br \/>\nSidoo kale, Go&#8217;aanka Uganda ay ku<br \/>\ndhawaaqday inay ciidamadeeda Somalia<br \/>\nuga saarayso, ayaa kusoo beegmaya<br \/>\niyadoo ururka Midowga Yurub ay<br \/>\nshaaciyeen inay qayb ka mid ah<br \/>\ndhaqaalihii ay siin jireen AMISOM iyo<br \/>\niyadoo Golaha Ammaanka ee QM ay<br \/>\ndhawaan kordhiyeen Xilliga hawlgalka<br \/>\nAMISOM ee Soomaaliya.<br \/>\nMidowga Yurub, ayaa Bishii Jannaayo ee<br \/>\nSannadkaan, waxay ku dhawaaqday in<br \/>\nay lacagihii ay siiso AMISOM ka jarayso<br \/>\n20%, kaddib markii uu ururku dalalka<br \/>\nay ciidamadan ka socdaan ku eedeeyay<br \/>\nin qaarkood aysan ciidamadooda<br \/>\nSoomaaliya ka hawl-galaya siin<br \/>\nmushaaraadkooda oo dhameystiran.<br \/>\nDhanka kale, Dowladda Kenya ayaa<br \/>\ngo&#8217;aanka Midowga Yurub kaddib, waxay<br \/>\nku goodisay in ay kala baxayso Somalia<br \/>\n3,700 oo Askari oo Somalia uga sugan,<br \/>\ngaar ahaan Gobollada Koonfurta ku<br \/>\nyaalla.<br \/>\nUgu dambeyntii, Xukuumadda Uganda<br \/>\nayaa waxay sidan oo kale ugu goodisay<br \/>\nSanadkii 2012-kii inay soo Ceshanayso<br \/>\nCiidankeeda Nabad-ilaalinta uga jooga<br \/>\nWaddamada Afrika, Kaddib markii QM<br \/>\nay ku eedeysay inay gacan siiso<br \/>\nxoogagga mucaaradka ah ee Waddanka<br \/>\nCongo oo ay daris yihiin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuumadda Uganda oo ah tan ciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl- galka Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin Somalia, ayaa shaacisay maanta inay ciidamadeeda la baxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka. Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii, iyadoo sanado kaddib ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28662,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28884","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28884","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28884"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28884\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28885,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28884\/revisions\/28885"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28662"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28884"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28884"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28884"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}