{"id":28836,"date":"2016-06-22T00:03:15","date_gmt":"2016-06-21T21:03:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28836"},"modified":"2016-06-22T00:33:37","modified_gmt":"2016-06-21T21:33:37","slug":"xisbiga-wadajir-kana-mid-ah-isbaheysiga-xisbiyada-siyaasadda-oo-ku-dhawaaqey-musharaxooda-mweyne-ee-2016ka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/xisbiga-wadajir-kana-mid-ah-isbaheysiga-xisbiyada-siyaasadda-oo-ku-dhawaaqey-musharaxooda-mweyne-ee-2016ka\/","title":{"rendered":"Xisbiga Wadajir kana mid ah Isbaheysiga xisbiyada siyaasadda oo ku dhawaaqey Musharaxooda M\/WEYNE ee 2016ka."},"content":{"rendered":"<p>C\/raxmaan C\/shakuur, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweyne ee tartanka doorasho ee sannadkan 2016-ka. isagoo uga dhawaaqay xaflad uu soo qabanqaabiyey Xisbiga Wadajir oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, dhallin-yaro, haween, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah madaxda xisbiyada oo lagu qabtay Hoteel Jazeera ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa isagna sheegay in Xisgiba uu go\u2019aan saday ka Qayb-galka Tartanka Madaxtinimo ee Somalia, isagoo xusay in Xisbigu uu soo sharraxday C\/raxmaan Cshakuur Warsame.<\/p>\n<p>Sidoo kale, C\/raxmaan C\/shakuur oo xilal kala duwan oo isagu jira heer wasiir, xildhibaan iyo la taliye madaxweyne dalka kasoo qabtay, isla markaana ahaa La-taliye Arrimaha Siyaasadda, Ergeyga gaarka ee Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya. Waa Siyaasi si wayn looga dhex yaqaan saaxada siyaasada Soomaaliya, gobolka iyo caalamka.<\/p>\n<p>Musharaxa wuxuu kaloo sheegay in Hiigsigii xukun-wanaag, aysan waxba ka hirgelin, isagoo sheegay in Xukunku yahay Halka Tiirarka Dawladnimo laga yagleelo sida, Dhismaha Ciidan Qaran oo ilaaliya Xuduudaha iyo dastuurka dalka, soo celiya xasiloonidii iyo amnigii qaran, dalka Alshabaab ka sifeeya kalana wareega masuuliyadda ciidanka AMISOM, isagoo sheegay in aan waxba laga qaban hay\u2019adihii laga maarmaan u ahaa soo celinta Sharciga iyo kala danbaynta, fulinta iyo meel-marinta Sharciga iyo ilaalinta Siyaasadada Gudaha, taasoo macnaheedu yahay u soo gacan gelinta Dowlada Awooda xukun, sida booliska, nabadsugida iyo ciidanka asluubta qaran.<\/p>\n<p>Dhismaha Hay\u2019adaha Maaliyadda iyo La-dagalaanka Musuq-maasuqa, ayuu sheegay in ay gundhig u yihiin xukun wanaag (Good governance), halka uu mudanuhu Tilmaamay in Ururinta Canshuurta iyo kordhinta Dakhliga Dawladda uu yahay tan keeni karta isku filnaansho iyo Madaxbannaani go\u2019aanka qaran, islamarkaana dhisi karta xiriirka muwaadinka iyo dawlada, horumarin karta adeega danta guud iyo kaabayaasha dhaqaale.<\/p>\n<p>&#8220;Dawlad aan dakhli lahayn, waxay la mid tahay baabuur aan shidaal lahayn,&#8221; ayuu yiri murashax C\/raxmaan C\/shakuur. isagoo intaas ku daray in Musuq-maasuqu yahay cudur ku baahay gabi ahaan oogada dowladnimo, isagoo xusay inay ugu daran tahay in hantidii Qaranka, iyadoon aan wax sharci ah ku dhisnayn la qaybsaday. Madaxweynuhu wuxuu isku khalday go\u2019aankiisa iyo sharciga ayuu yiri Mudane C\/shakuur . Musuqmuusuq astaan ayuu u noqday hogaanka haatan jira waxayna go\u2019aansadeen in ay mushkilad kastad lagu xaliyo laaluush.<\/p>\n<p>&#8220;Waxba iskaga sheegi mayno heerka uu marayo garsoorka Dalka,&#8221; ayuu mar kale yiri, wuxuuna xusay in Madaxweynuhu uu Afkiisa ka Qiray in ay Dowladdu ku fashilantay Wax ka qabashada Garsoorka. Garsoorku waa tiirka dawladnimo waana halbeega cadaaladeed, cadliguna waaba Sababta kutubta loo soo dejiyey rushuna loo diray, mar haday Dowladdii qiratay inuu garsoorkeedii fashalintay.<\/p>\n<p>Waajibaadkii Dastuuriha ahaa oo ay ugu Muhiimsanaayeen Dib u eegista Dastuurka dalka, Diyaarinta Doorashooyin Qof iyo Cod ah, dhismaha dawlad goboleedyadd ayuu musharaxu sheegay in Datuurkii iyadoon xaraf dib looga eegin uu Baarlamaanku &#8211; Dib ugu dhigay Baarlamaanka Cusub, waxaana lagu fashilmay dhismaha Maamul-goboleedka Hiiraan &#038; Shabeellada Dhexe, Maqaamka Muqdishana lama caddeyn.<\/p>\n<p>Musharaxa oo soo badhigay qorshihiisa siyaasadeed ayaa xusay inuu xooga saarayo dib u heshiisiinta daah furka dood qaran oo laga yeesho qadiyadaha dadku isku maan dhaafsanyahay &#8211; iyadoon cidna la tuhmin ama la eedeyn, doodahaas oo ay ugu muhiimsan yihiin qaabdhismeedka dawladeed iyo hoos u dejinta maamulka, baahinta iyo qaybinta awoodda xukun dalka, dakhliga iyo khayraadka dalka oo la waafajiyo cadaaladda.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan Shacabka soo Hor-dhigi doonaa Caqabadaha nagu Hor-gudban, innagoo Bidhaamin doonna mar walba tabarta lagu guuri karo, waxaana xusayaa uu sharciyadda iyo aqoonsiga ka raadinayo Wax-qabadka dadkiisa iyo horumarinta danta waddanka, ayna ka go\u2019an tahay soo celinta haybadii qaranimo taasoo ah dhismaha ciidan muunad qaran leh. Maleeshiyo beeleedyo ma noqon karaan ciidan qaran. Soomaalidu waa ku filan tahay inay Al-shabaab iska celiyaan waxaana caddeyn u ah Puntland iyo Gal-mudug iyo Ahlusunna oo kasii horreysay. Waxaana taas ka dhicin dhismaha booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta oo Laf-dhabar u ah Ilaalinta Ammaanka, soo celinta Sharciga iyo kala dambeynta iyo La-dagaalanka Argagexisada,&#8221; ayuu yiirr C\/shakuur.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Wuxuu xusay in dalku uu u baahan yahay in deg-deg wax looga qabto Musuq-maasuqa ku baahayna sida keli ah ee wax looga qaban karaa ay tahay dhismaha Guddi Soomaaliya iyo Khubaro Caalami ah ay ku jiraan, kuwaasoo awood u leh baarista eedeymo walba.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/tabarak2341.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/tabarak2341-150x150.jpg\" alt=\"tabarak234\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28526\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/tabarak2341-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2015\/04\/tabarak2341-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-28543\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28544\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>C\/raxmaan C\/shakuur, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweyne ee tartanka doorasho ee sannadkan 2016-ka. isagoo uga dhawaaqay xaflad uu soo qabanqaabiyey Xisbiga Wadajir oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, dhallin-yaro, haween, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah madaxda xisbiyada oo lagu qabtay Hoteel Jazeera ee Muqdisho. Guddoomiyaha Xisbiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28851,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28836","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28836","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28836"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28836\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28837,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28836\/revisions\/28837"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28851"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28836"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28836"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28836"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}