{"id":28737,"date":"2016-06-17T22:51:37","date_gmt":"2016-06-17T19:51:37","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28737"},"modified":"2016-06-18T06:10:12","modified_gmt":"2016-06-18T03:10:12","slug":"28737","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/28737\/","title":{"rendered":"Cudurka kaduudiyaha iyo sida looga hortagi karo oo uu ka hadley prof.Duflle."},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo<br \/>\nDhawaanahaan uu Qaybo ka mid ah<br \/>\nSomalia oo ay ku jirto Muqdisho uu ka<br \/>\njiray cudur loo yaqaanno Kaduudiye oo<br \/>\naad u Qandho badan, ayaa waxaa ka<br \/>\nhadlay Qaabka looga hor-tego iyo habka<br \/>\nloo daweeyo, Prof. Cismaan Maxamuud<br \/>\nDufle oo ka mid ah dhakhaatiirta<br \/>\nSoomaaliyeed, Macallinna ka ah<br \/>\nkulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda<br \/>\nBanaadir.<\/p>\n<p>Dhakhtarka ayaa si faahfaahsan uga<br \/>\nhadlay taariikhda cudurkan, siyaabaha<br \/>\nloo kala qaado, habka looga Hor-tago iyo<br \/>\nweliba daweyntiisa, isagoo tallooyin<br \/>\nmuhiim ah oo cudurkan ku saabsan u<br \/>\njeediyey bulshada Soomaaliyeed.<br \/>\n\u201cCudurka Kaduudiyaha ama loo yaqaano<br \/>\n(Chikungunya Fever) waa cudur<br \/>\nAdduunyada oo dhan ka jira &#8211; oo Safmar<br \/>\nyeesha (Outbreak), Wuxuu ku badan<br \/>\nyahay Waddamada Afrika ee Saxaraha<br \/>\nka hooseeya, Koonfur-bari Aisa, Latin<br \/>\nAmerika, deegaanada Badweynta<br \/>\nHindiya ku teedsan iyo baasifikada,\u201d<br \/>\nayuu yiri Prof. Dufle.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu intaa Ku daray in<br \/>\nmarkii u horeysay lagu arkay cudurkan<br \/>\nDalalka Bariga Afrika Sannadihii 1952<br \/>\n&#8211;1953, Wuxuuna sheegay in magaca<br \/>\ncudurkaan ee (Chikungunya) uu<br \/>\nMacnihiisu yahay (Qallooc u socod) &#8211;<br \/>\nTaasoo Tilmaameysa buu yiri bukaanka<br \/>\nxaaladda markaas uu ku sugan yahay.<\/p>\n<p>Markii ugu horreysay cudurka<br \/>\nkaduudiyaha ayuu xusay Prof. Dufle, in<br \/>\nlagu arkay Somalia sanadkii 2005<br \/>\nwuxuuna tilmaamay in Cudurkan ay<br \/>\nisku eg-yihiin Cudurka (Dengue Fever)<br \/>\noo aad ugu dhow calaamooyinkiisa.<\/p>\n<p>\u201cFayruska dhaliya Cudurkaan in uu<br \/>\nyahay Chikungunya, Waxaa lagu<br \/>\ncaddeeyay dad qabay Waqtigaas 2005 oo<br \/>\ndhiig-baaris ay ka qaadday Hay\u2019adda<br \/>\nWHO, Sidoo kale Dhallinyaro ka timid<br \/>\nwaqtigaas Mareykanka kaddibna ku<br \/>\nlaabatay ayaa markii ay baartay xarunta<br \/>\nCDC ee Atlanta waxaa laga helay<br \/>\nFayruska Chikungunya\u201d ayuu yiri<br \/>\ndhaqtarka.<\/p>\n<p>Prof. Dufle ayaa intaas ku daray, in<br \/>\ncudurkaan ay kala Gudbiso Nooc ka mid<br \/>\nah Kaneecada oo loo yaqaanno (Aedes<br \/>\naegypti) ka dib marka ay qaniinto qof<br \/>\nqaba cudurkii ama Fayruskii iyadoo u<br \/>\ngudbisa qof fiyow ayuu yiri Prof. Dufle,<br \/>\nisagoo xusay in xilliga uu Fayrusku galo<br \/>\ndhiigga illaa ay ka soo baxayaan<br \/>\nCalaamadihiisa ay qaadaneyso muddo u<br \/>\ndhexeysa Saddex illaa toddoba<br \/>\nmaalmood ah.<\/p>\n<p>Calaamadaha cudurkan waxaa ugu<br \/>\nhoreeya qandho aad u xooggan oo illaa<br \/>\niyo 40 heer kulkeedu gaari karo, Xubno<br \/>\nxanuun, Dhabar xanuun, Madax xanuun,<br \/>\nmurqo xanuun, barar kala goysyada ah,<br \/>\nqanjiro barar, nabaro yaryar oo jirka oo<br \/>\ndhan ka soo yaaca (Rash) cuntada oo<br \/>\nqofka qaadi kari waayo, daal badan,<br \/>\nmararka qaar labbo-labbo iyo matag<br \/>\nayaa la socda\u201d ayuu yiri Prof. Dufle.<\/p>\n<p>Calaamadahan ayuu sheegay dhaqtarku<br \/>\niney xooggoodu jiri karaan 3 illaa 7<br \/>\nmaalmood, intaa ka dibna waxaa uu<br \/>\nxusay in bukaanku ka soo bogsanayo<br \/>\ncudurka Waxaa dhici karta ayuu yiri in<br \/>\ndadka qaar, gaar ahaan kuwa da\u2019da ah<br \/>\nin xanuunkii iyo bararkii kala goysyada<br \/>\nay sii jiri karaan muddo usbuuc illaa<br \/>\nlaba usbuuc ah ama ka sii badan isagoo<br \/>\ntilmaamay in cudurkan uusan inta<br \/>\nbadan aheyn dilaa balse uu qofka dhowr<br \/>\nmaalmood howlgab ka dhigo.<\/p>\n<p>Prof. Cismaan Dufle ayaa xusay in<br \/>\nCudurka Chikungunya ama kaduudiyaha<br \/>\nwax ka hortag tallaal ah uusan laheyn,<br \/>\nbalse ka hortagga ugu wanagsan uu<br \/>\nyahay in la iska ilaaliyo qaniinyada<br \/>\nkaneecada cudurka ama Fayruska iskugu<br \/>\ngudbisa dadka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa loo baahan yahay in dabeyl<br \/>\nbadan lagu furo guriga iyadoo<br \/>\ndariishada loo furayo ama marwaxada<br \/>\ndabeysha ama qaboojiyaha (AC-ga) si<br \/>\nguriga gudihiisa looga fogeeyo<br \/>\nkaneecada Waxaa kaloo loo isticmaali<br \/>\nkaraa sunta kaneecada sida DEET, iwm,<br \/>\nwaxaa muhiim ah in goobaha biyo-<br \/>\nfadhiisadka leh sida balliyada iyo<br \/>\nbarkadaha ee kaneecadu ka dhalato ama<br \/>\nqashin qubyada la nadiifiyo laguna<br \/>\nshubo sunta dileysa ukumaha kaneecada.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo muhim ah in bulshada<br \/>\ndeegaanka hawshaas u kacdo si looga<br \/>\nhortago in cudurkii saf mar joogto ah u<br \/>\nyeesho\u201d ayuu intaa ku daray Dhaqtarka<br \/>\noo xusay in loo baahan yahay in la xirto<br \/>\ndhar lugaha iyo gacmahaba daboola si<br \/>\nlooga gaashaanto qaniinyada kaneecada.<\/p>\n<p>\u201cDaawada cudurkan waa nasasho, biyo<br \/>\nbadan oo la cabo iyo kaniiniga qandho-<br \/>\njebiyaha oo la cuno marka qandho xoog<br \/>\nbadan ay jirto, Waxaan bulshada u<br \/>\nsheegayaa dadka cudurada kala duwan<br \/>\nqaba sida dhiig-karka, sokorta, kelya-<br \/>\nxanuunka, beer-xanuunka, ama<br \/>\ncudurada feeraha sida TB-da iwm<br \/>\ninaysan joojin daawada ay qaataan<br \/>\nhaddii uu kaduudiye haleelo sidoodana<br \/>\nu sii wataan, sidoo kale qofkii xanuun la<br \/>\nsoo darso daawada cudurka markaas<br \/>\nhayana loo qoray waa inuu qaataa; taas<br \/>\nwaxaan ugu gol leeyahay inaan caddeeyo<br \/>\nin uusan jirin fikirka waayahan soo<br \/>\nkordhay ee bulshada qaarkood aamineen<br \/>\noo ah in wax dawo aan la qaadan karin,<br \/>\nmar kale arintaas waa fikir<\/p>\n<p>xaqiiqdana ka fog isla markaana<br \/>\nbulshadeena aan ka wacyigelineyno\u201d<br \/>\nayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey<br \/>\nProf. Cismaan Maxamuud Dufle oo<br \/>\ndhinaca kale xildhibaan gudoomiye ka<br \/>\nah guddiga adeega bulshada ee<br \/>\nbaarlamanka Somalia.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, hadalka Prof. Dufle ayaa<br \/>\nku soo aadaya xili dad fara badan oo ku<br \/>\ndhaqan Muqdisho iyo Gobollada<br \/>\nWaddanka Qaarkood ay la ildaran yihiin<br \/>\ncudurkan kaduudiyaha loo bixiyey oo<br \/>\nSomalidu aysan wax badan ka<br \/>\nfahamsaneyn, waxaana cudurkan uu<br \/>\nmaalin walba soo ritaa dad fara badan.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-28543\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28544\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo Dhawaanahaan uu Qaybo ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho uu ka jiray cudur loo yaqaanno Kaduudiye oo aad u Qandho badan, ayaa waxaa ka hadlay Qaabka looga hor-tego iyo habka loo daweeyo, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Macallinna ka ah kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir. Dhakhtarka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28510,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28737","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28737","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28737"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28737\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28747,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28737\/revisions\/28747"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28510"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28737"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28737"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28737"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}