{"id":28700,"date":"2016-06-16T22:45:12","date_gmt":"2016-06-16T19:45:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28700"},"modified":"2016-06-17T02:36:07","modified_gmt":"2016-06-16T23:36:07","slug":"banki-moon-oo-kenya-ku-booriyey-in-ay-xushmeyso-heshiiskii-dib-u-celinta-qaxootiga-soomaalida-ee-dhadhaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/banki-moon-oo-kenya-ku-booriyey-in-ay-xushmeyso-heshiiskii-dib-u-celinta-qaxootiga-soomaalida-ee-dhadhaab\/","title":{"rendered":""},"content":{"rendered":"<p>Xoghayaha Guud ee Qaramada<br \/>\nMidoobay, Mudane Ban Ki Moon iyo<br \/>\nMadaxweynaha dalka Kenya Uhuru<br \/>\nKenyatta ayaa kawada hadlay<br \/>\nXiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka<br \/>\nKenya, iyadoo Ki-moon uu ku boorriyay<br \/>\nXukuumadda Kenya inay xurmeyso<br \/>\nheshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u<br \/>\ncelinta qoxootiga ku nool xeryaha<br \/>\nDhadhaab, ayna la shaqeyso Dowladda<br \/>\nSoomaaliya yo QM.<\/p>\n<p>Kulanka Ki-Moon iyo Uhuru Kenyatta oo<br \/>\nshalay ka dhacay Magaalada Brussels ee<br \/>\nxarunta Dalka Belgium, ayaa Waxay QM<br \/>\nku ammaantay Kenya muddaddii dheeer<br \/>\nee ay Qoxootiga Soomaaliyeed ku haysay<br \/>\nXeryaha Dhadhaab.<\/p>\n<p>\u201cXukuumada Kenya waa inay kala<br \/>\nshaqeyso dowladda Somalia iyo QM,<br \/>\nheshiiskii saddex-geesoodka ahaa &#8211; ee<br \/>\ndib u celint Qoxootiga, kaas oo lagu<br \/>\nSaxiixay Nairobi Sannadkii 2013-kii,\u201d<br \/>\nayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM oo ka<br \/>\nhadlayay kulanka uu la qaatay Kenyatta.<br \/>\nSidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay<br \/>\nin Qoxootiga Soomaaliya ee Dib loogu<br \/>\ncelinayo Dalkooda ay noqdaan kuwo<br \/>\niskood u doortay, Balse aanay dhicin in<br \/>\nRuux aan doonayn in la celiyo lagu<br \/>\nqasbo in lagu celiyo.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Ki-Moon ayaa balan-<br \/>\nqaaday in QM ay sii wadeyso kaalmada<br \/>\nbani\u2019aadanimo, kuwa hurumarineed iyo<br \/>\ntan Amaan ee ay la garab-taagan tahay<br \/>\nXukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.<br \/>\nKenyatta iyo Ban Ki-Moon, ayaa Isku-<br \/>\ndhaafsaday Kulankooda Aragtiyadooda<br \/>\nku Aaddan Amaanka iyo nabadgelyada<br \/>\ngobolka, iyo caqabadaha kala duwan ee<br \/>\nuu gobolku Wajahayo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Mas&#8217;uuliyiinta Kenya<br \/>\nayaa waxay sheegtay in dhammaadka<br \/>\nsannadkan ay si rasmi ah u xirayso<br \/>\nxeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya<br \/>\noo ah kuwa ugu weyn caalamka oo ay ku<br \/>\nnool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ku<br \/>\ndhaw Nus-malyuun Qof.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane Ban Ki Moon iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, iyadoo Ki-moon uu ku boorriyay Xukuumadda Kenya inay xurmeyso heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u celinta qoxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab, ayna la shaqeyso Dowladda Soomaaliya yo QM. Kulanka Ki-Moon iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28252,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28700","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28700","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28700"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28700\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28709,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28700\/revisions\/28709"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28252"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28700"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28700"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28700"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}