{"id":28632,"date":"2016-06-11T17:40:54","date_gmt":"2016-06-11T14:40:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28632"},"modified":"2016-06-11T17:43:35","modified_gmt":"2016-06-11T14:43:35","slug":"hayadda-qaxootiga-unhcr-iyo-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-wada-hadley-xaalada-qaxootiga-dhadhaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/hayadda-qaxootiga-unhcr-iyo-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-wada-hadley-xaalada-qaxootiga-dhadhaab\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;adda Qaxootiga UNHCR iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ka wada hadley xaalada qaxootiga Dhadhaab."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho Maanta kula kulmay Madaxa Hay\u2019adda u Qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga ee UNHCR, Mr Filippo Grandi.<br \/>\nMadaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda Barakaca-yaasha iyo tahriibka.<\/p>\n<p>Wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugala hadlay Wafdiga UNHCR Qaabka ugu habboon ee Dib Waddanka loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo socdaalkii uu dhowaan ku tegay Kenya ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u mahad-celinayaa Laanta QM ee Qaxootiga ee UNHCR Shaqada Wanaagsan ee Dhinaca Taakuleynta Qoxootiga Soomaaliyeed. Waxaan UNHCR iyo Beesha Caalamka ka Codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan dib u soo celinta Qoxootiga ku nool Waddamada dariska, Taakuleynta barakaceyaasha iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ka imanaya Yemen,\u2019\u2019 ayuu Hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Mr. Filippo Grandi ayaa Sheegay in UNCHR ay ka Go\u2019an tahay inay Kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku sugan xeryaha iyo kuwa dalka ku soo laabanaya, iyo weliba in laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya, Waxay ka mid tahay Dalalka Muhimadda Koowaad u leh UNHCR. Xiriirka labada dhinac Waa mid muddo dheer soo socday. 70-aadkii Somalia Waxay Marti-gelisay kumannaan Qoxooti ah oo ka kala yimid dalalka dariska ah. Barnaamijka dib u soo celinta Qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku dhaqan Waa mid dan u ah labada dhinac, balse waxaa muhiim ah in qaxootiga loo sameeyo adeegyo ka wanaagsan kuwa ay ku haystaan xeryaha qaxootiga,\u201d ayuu yiri Mr. Filippo Grandi.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C\/salaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, C\/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], Wasiirka Amniga Qaranka, C\/risaaq Cumar Maxamed iyo Mas\u2019uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday.<\/p>\n<p>Warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho Maanta kula kulmay Madaxa Hay\u2019adda u Qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga ee UNHCR, Mr Filippo Grandi. Madaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen, qaxootiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28252,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28632","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28632","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28632"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28632\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28633,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28632\/revisions\/28633"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28252"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28632"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28632"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28632"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}