{"id":28619,"date":"2016-06-10T23:23:45","date_gmt":"2016-06-10T20:23:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28619"},"modified":"2016-06-10T23:24:22","modified_gmt":"2016-06-10T20:24:22","slug":"xasan-sheekh-maxamuud-oo-booqdey-safaaradii-ay-soomaaliya-ku-laheyd-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/xasan-sheekh-maxamuud-oo-booqdey-safaaradii-ay-soomaaliya-ku-laheyd-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"Xasan Sheekh Maxamuud oo booqdey Safaaradii ay Soomaaliya ku laheyd dalka KENYA."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shalay ahayd kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado.<br \/>\nDanjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha, R\/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.<br \/>\nDhismaha safaaradda waxaa lagu wadaa dayactir, ayadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howl galiyo xaruntaan oo ah mid aad u ballaaran.<br \/>\nMadaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda iyo qunsuliyadda oo ku dhex taalla.<br \/>\nMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u howl gelinta safaaraddan ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku bixiyeen waqti badan.<br \/>\nSidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dacwaddii dib loogu soo celiyay.<br \/>\n\u201cDhammaan dadkii iyo sharci-yaqaannadii ka qeyb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay safaaraddan waan u mahad celinayaa.Safaaraddani waa hanti Soomaaliyeed; dhammaan hantida Soomaaliyeed ee maqan dib ayaa loo soo celinayaa\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan.<br \/>\nDanjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in safaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka Kenya dhawaan dib loo howl gelin doono.<br \/>\nSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo xaruntii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo nin ganacsade ah si khaldan markii hore looga iibiyay.<br \/>\nMaxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Soomaaliya u xukuntay xaruntaan sanado ka hor.<\/p>\n<p>Warsom2011@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shalay ahayd kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha, R\/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28574,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28619","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28619","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28619"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28619\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28620,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28619\/revisions\/28620"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28574"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28619"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28619"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28619"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}