{"id":28541,"date":"2016-06-05T01:53:34","date_gmt":"2016-06-04T22:53:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28541"},"modified":"2016-06-05T01:56:29","modified_gmt":"2016-06-04T22:56:29","slug":"wasiiradda-waxbarashada-soomaaliya-oo-la-kulantey-jaaliyada-soomaaliyeed-ee-minnesota","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/wasiiradda-waxbarashada-soomaaliya-oo-la-kulantey-jaaliyada-soomaaliyeed-ee-minnesota\/","title":{"rendered":"Wasiiradda waxbarashada soomaaliya oo la kulantey jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota."},"content":{"rendered":"<p>Wasiiradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Somalia, Khadra Bashiir Cali oo Maalmahaan Safar ku Mareysay Mareykanka, ayaa la kullantay Jaalaiyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Mataanaha ah ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Kulankan oo ahaa mid soo dhaweyn ah isla markaana ay ku kala Warqaadanayeen Wasiirka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa waxaa ka Qayb galay Mas\u2019uuliyiin ka kala socday Bulshada Qaybaheeda kala duwan iyo xubno caanka ah Minnesota.<\/p>\n<p>Dr. Khadra Bashiir, oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay tahay kobcinta iyo Adkeynta Xasilloonida dalka, hase ahaatee ka Wasaarad ahaaan ay iyagu ka shaqeynayaan Horumarinta iyo sare u Qaadidda Waxbarashada guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cHaddaan nahay bahda Waxbarashada ma naqaan Qabyaalad iyo Goboleysi waxaan ka shaqeynaa in ardey walba oo Soomaalliyeed fursad loo siiyo inay Wax-bartaan, sidaasi darteedna saddex laamood ayaanu sameynay oo kala ah helitaanka fursad Waxbarasho, oo tayo leh, isla markaana loo siman yahay si aanu u gaarno hadafka aan leennahay oo ah in arday walba fursad u helo inuu Waxbarto,\u201d ayay Wasiiradu tiri.<br \/>\nSidoo kale, Wasirradda ayaa u mahad-celisay Wasiirradii ka horeeyay oo billaabay ololaha in arday badan ay Aadaan Dugsiyada, laakiinse is arrinkaas loo hir-geliyo ay Xoogga saareen sare u Qaadidda dhismayaasha Iskuulaadka oo ay Wasaarradu hir-gelisay mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo iskuullo farabadan si sare loogu qaado kobcinta iyo horumarinta tayada Waxbarashada Dalka.<\/p>\n<p>Waxay intaasi raacisay in wasaaradda waxbarashadu ay kala shaqeysay deeq bixiyayaasha in laga hirgeliyo dhismayaal iskuul inta badan maamulada dalka iyadoo sheegtay in dhismayaal xarumo waxbarasho ay ka socdaan dalka oo dhan Somaliland ilaa Jubbaland si dar-dar loo geliyo xarumaha waxbarsahada dalka.<\/p>\n<p>Wasiiradda ayaa intaas raacisay in wasaaraddu ay muhiimad aad u balaaran ku bixineyso xoojinta, ilaalinta iyo kobcinta Afka Soomaaliga oo ay haddana\u00a0 ay dadaal dheer u galleen sidii loo mideyn lahaa shahaadooyinka xarumaha waxbarashada<\/p>\n<p>\u201cSidaad ka warqabtiin wasaaraddeenu waxay ku dadaashay sidii aan u mideyn lahayn shahaadooyinka, haatan sidaad la socotaan waxa dalka looga fariistay imtixaanka guud ee dugsiyada sare iyadoo wasaaraddy sheegtay in imtixaankaas ay ka qeyb galleen 19-kun oo arday kuwaasoo ku kala sugan inta badan degmooyinka iyo gobolada Soomaaliya\u201d<\/p>\n<p>Cabdi Warsame oo ah mudanaha laga soo doorto degmada 6-aad ee Minneapolis ayaa si weyn u bogaadiyay dadkii soo qaban -qaabiyay kullanka, waxa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo dhaweeyo wasiiradda waxbarashada DF Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cSi aan u weyneyno una muujino muhiimadda ay leedahay waxbarashada,\u00a0anigoo magaca iyo maamulka Minneapolis ku hadlaya, Waxaan jeclahay inaan soo dhaweeyo Wasiiradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya, Khadra Bashiir Cal\u201d sidaas waxa goobta ka sheegay Cabdi Warsame.<\/p>\n<p>Wuxuuna intaas ku daray, inay Muhiim tahay in laga Shaqeeyo Horumarinta iyo Kobcinta aqoonta si loo helno umad Soomaaliyeed oo leh karti iyo hufnaan ka Madaxbanaan aqoon-darro, jahli iyo qabyaalad saameysa umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan.<\/p>\n<p>Macallin Siciid Saalax Axmed, ayaa isna bogaadiyay, soona dhaweeyay wasiirada, isagoo hoosta ka xariiqey inuu aad u xasuusanayo hawsha burburtay iyo baaxadda masuuliyadda sugeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya isagoona tilmaamay sida uu u qiiroonayo markay kusoo dhacdo hawshii Wasaaradda halkay maraysay. Macalinku wuxuu aad ugu sii dheeraday Muhiimadda Waxbarashada iyo ilaalinta Af-Soomaaliga.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Maalinimadii Khamiista, Waxay booqatay Iskuulka International Education Center kaas ay soo kormeertay fasaladda wuu ka kooban yahay schoolkaas waxaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay maamulka schoolkaas .<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28542\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-150x150.jpg\" alt=\"tabarak234\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/tabarak234-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28543\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco21-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28544\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiiradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Somalia, Khadra Bashiir Cali oo Maalmahaan Safar ku Mareysay Mareykanka, ayaa la kullantay Jaalaiyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka Mataanaha ah ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka. Kulankan oo ahaa mid soo dhaweyn ah isla markaana ay ku kala Warqaadanayeen Wasiirka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28546,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28541","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28541","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28541"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28541\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28545,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28541\/revisions\/28545"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28546"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28541"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28541"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28541"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}