{"id":28485,"date":"2016-06-02T22:42:03","date_gmt":"2016-06-02T19:42:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28485"},"modified":"2016-06-02T22:43:11","modified_gmt":"2016-06-02T19:43:11","slug":"xoghayaha-arrima-debedda-britain-iyo-mwynaha-soomaaliya-oo-muqdisho-ku-kulmeymaxey-kawada-hadleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/xoghayaha-arrima-debedda-britain-iyo-mwynaha-soomaaliya-oo-muqdisho-ku-kulmeymaxey-kawada-hadleen\/","title":{"rendered":"Xoghayaha arrimaha debedda Britain iyo M\/wynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku kulmey\/maxey kawada hadleen?."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Britain, Philip Hammond oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh ayaa Wafdiga Britain uga warramay xaaladda Dalka, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dib-u-dhiska Ciidanka iyo Taageerada Dowladda Britain ee Somalia.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalka Britain Philip Hammond ayaa ugu horreyn Madaxweynaha uga Tacsiyeeyay Geerida Shacabkii ku Geeriyooday Weerarkii Muqdisho, Wuxuuna soo dhaweeyay horumarka ay Somalia ku tallaabsaneyso ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda, La-dagaallanka Argagixisada iyo Dib-u-soo-nooleynta Hay\u2019adaha Dowliga.<\/p>\n<p>Wafdiga ka socday dalka Birtain iyo Mas&#8217;uuliyiinta Somalia, ayaa waxay ka Wada-hadleen is-kaashiga Amniga, Xoojinta Barnaamijka Dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, Taageerada Barnaamijka isku-dhafka ciidamada, iyo Wada-shaqeynta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Wasiirka u Xaqiijiyay Wafdiga in Dalka Somalia ay ka go\u2019an tahay inay Sannadkaan Doorasho qabato, taasoo dhici doonta Wakhtiga loogu Talo-galay ee ah Bisha Ogoosto ee Sannadkan 2016-ka. Wuxuuuna Madaxweynaha ka codsaday Hammmond in uu Salaan iyo Mahad-naq ka Gaarsiiyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.<\/p>\n<p>Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo Gaba-gabeeeyay in Britain iyo Xukuumadda Cameron ay ka go\u2019an tahay Taageerada Soomaaliya ee Dhinacyada Horumarka, Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Amniga iyo Wax walba oo gacan ka Geysanaya in mar kale Somalia ay Cagaheeda dib-isu-taagto.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Kulanka Waxaa Goob-joog ka ahaa; Ra\u2019iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C\/rashiid Cali Sharma\u2019arke iyo Mas\u2019uuliyiin ka Tirsan Xukuumadaha Somalia iyo Britain.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28458\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28459\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28460\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Britain, Philip Hammond oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa Wafdiga Britain uga warramay xaaladda Dalka, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dib-u-dhiska Ciidanka iyo Taageerada Dowladda Britain ee Somalia. Sidoo kale, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28487,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28485","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28485","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28485"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28485\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28488,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28485\/revisions\/28488"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28487"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28485"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28485"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28485"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}