{"id":28479,"date":"2016-06-02T22:16:16","date_gmt":"2016-06-02T19:16:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28479"},"modified":"2016-06-02T22:17:40","modified_gmt":"2016-06-02T19:17:40","slug":"wasiiro-kormeer-ku-tagey-hotel-ambassador-oo-shaley-weerar-lagu-qaadey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/wasiiro-kormeer-ku-tagey-hotel-ambassador-oo-shaley-weerar-lagu-qaadey\/","title":{"rendered":"Wasiiro kormeer ku tagey Hotel Ambassador oo shaley weerar lagu qaadey."},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo Weerarkii lagu Qaaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho uu qaatay waqti badan, khasaare badana uu geystay ayaa waxaa maanta booqday Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ay ka mid ahaayeen; wasiirada amniga iyo Warfaafinta, Taliyaha Hay\u2019adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale.<\/p>\n<p>Taliyaha Hay\u2019ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C\/raxmaan Tuuryare &#8211; ayaa sheegay in ciidanka NISA ay Toogteen sadexdii qof ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay Ciidanku u diyaarsan yihiin inay ka hor-tagaan qorshayaasha Al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay inay badbaadiyeen illaa 50-ruux oo ka mid ahaa dadkii hoteelka degenaa ayna kooxihii weerarka soo qaaday dilkeen afar qof oo hoteelka degenaa oo ay ka mid ahaayeen; laba Xildhibaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo isna kula hadlay Warbaahinta gudaha hoteelka kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay yareeyeen khasaaraha maadaama ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C\/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la-dagaalanka cadowga umuadda Soomaaliyeed oo mar walba ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Khasaarihii ka dhashay Weerarkan ayaa Wuxuu hadda marayaa in ka badan 18-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay gaarayaan in ka badan 50-ruux, iyadoo Burbur xooggan uu soo gaaray hoteelka iyo dhismayaasha ku dhaw oo dhan.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28458\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/beco2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28459\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28460\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/ttara-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo Weerarkii lagu Qaaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho uu qaatay waqti badan, khasaare badana uu geystay ayaa waxaa maanta booqday Mas\u2019uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ay ka mid ahaayeen; wasiirada amniga iyo Warfaafinta, Taliyaha Hay\u2019adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale. Taliyaha Hay\u2019ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C\/raxmaan Tuuryare &#8211; ayaa sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28481,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28479","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28479","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28479"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28479\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28480,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28479\/revisions\/28480"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28481"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28479"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28479"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28479"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}