{"id":2846,"date":"2011-08-29T09:47:51","date_gmt":"2011-08-29T09:47:51","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=2846"},"modified":"2011-08-29T09:47:51","modified_gmt":"2011-08-29T09:47:51","slug":"wafdi-ka-socda-dalka-spain-oo-soo-gaaray-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2011\/08\/wafdi-ka-socda-dalka-spain-oo-soo-gaaray-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Wafdi Ka Socda Dalka Spain Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)<\/strong><\/p>\n<p><strong>Cabdiwahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif)<\/strong> Ku-simaha Ra\u2019iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga\u00a0\u00a0 ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay <strong>Mrs. Soraya Rodrigas <\/strong>Oo Ah Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay\u2019adda cuntada adduunka ee <strong>WFP <\/strong>Loo Soo Gaabiyo.<\/p>\n<p>Sii Hayaha Ama Ku Simaha\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan sida abaaraha, horumarinta hay\u2019addaha dowladda Federaalka iyo weliba sidii caawiyeyaasha caalamku ay si toos ah dhaqaalaha u siin lahaayeen dowladda Soomaaliyeed Oo Iyada Iminka Dowladaha Caalamka Si Gurmad ah Ugu Soo Deeqaya Mucaawinadaha<\/p>\n<p>Spain waxay haatan mashruuc ay ku dhiseyso Isbitaal ka wadaa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana rabnaa inaan mashaariic kuwaasi la mid ah ka fulino magaalada Muqdisho si ay u soo noqdaan adeegyadii bulshada\u201d ayay Sheegtay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain oo shir albaabadu u xiran yihiin la qaadaneysay kusimaha Ra\u2019iisul Wasaaraha iyadoo dhanka kalena tilmaantay in muhiimada koowaad ay tahay in la dhiirigeliyo hay\u2019addaha dowladda si loo helo amni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo Magaalada Muqdisho Oo Ay Dowlada Gacan Ku Haynteeda U Dhameestirneen.<\/p>\n<p><strong>Cabdiwahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif)<\/strong> oo gabagabadii kulankooda kadib la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya danaha Soomaaliya gaar ahaana abaaraha iyo horumarinta hay\u2019addaha dowladda, isagoo xusay in dowladda Spain ay balan qaaday sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhis lagu sameeyo dalka, gaar ahaana adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaaladii Sanadahaan Dambe Ka Soconayay Dalka Soomaaliya .<\/p>\n<p>waxay balan qaaday Wasiirada in dowladdeeda ay qeyb ka qaadan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada gaar ahaana goobihii Isbitaalada iyo waxbarashada\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha oo tilmaamay in dowladda Spain ay qeyb ka tahay dowladdaha saaxiibka dhow la ah Dowlada TFG-da.<\/p>\n<p><strong>(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom) Cabdiwahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif) Ku-simaha Ra\u2019iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga\u00a0\u00a0 ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mrs. Soraya Rodrigas Oo Ah Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay\u2019adda cuntada adduunka ee WFP Loo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-2846","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2846","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2846"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2846\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2849,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2846\/revisions\/2849"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2846"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2846"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2846"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}