{"id":28407,"date":"2016-06-01T01:33:37","date_gmt":"2016-05-31T22:33:37","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28407"},"modified":"2016-06-01T01:37:44","modified_gmt":"2016-05-31T22:37:44","slug":"tuulo-ku-taal-xuduuda-kenyaoo-ayal-shabaab-gudaha-ugaleen-kadibna-dab-qabadsiiyeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/06\/tuulo-ku-taal-xuduuda-kenyaoo-ayal-shabaab-gudaha-ugaleen-kadibna-dab-qabadsiiyeen\/","title":{"rendered":"Tuulo ku taal xuduuda Kenya oo ay AL-shabaab gudaha ugaleen kadibna dab qabadsiiyeen."},"content":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen Kenya, kuwaasoo saxaafadda Kenya ay sheegtay inay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.<\/p>\n<p>Xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay gubeen tuulada Surgoow oo ku dhaw soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, waxaana tirade xoogagan lagu sheegay illaa 50-dagaal-yahan oo ku hubeysan qoryo kala duwan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wajeer, Maxamed Sheekh ayaa Wakaaladda AP u xaqiijiyay in xoogaggan ka tirsan Al-shabaab ay gudaha Kenya galeen; ayna ka geysteen dhibaatooyin kala duwan.<\/p>\n<p>Ciidamada Booliiska Kenya ayaa ka digay Weeraro ay ka Geystaan Gudaha Kenya, iyadoo la sheegay inay koox-koox isku qaybiyeen xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, si ay u fuliyaan weeraro qorsheysan.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Sirdoonka Kenya ayaa Laamaha amniga ku wargeliyay inay ka feejig-naadaan weerarro ay geystaan kooxahan hubeysan, waxaana laga digay weeraro dhaca inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin ciidammo ka tirsan xoogaggooda ee la sheegay inay gudaha u galeen Kenya, iyadoo la xusuusto in kooxdani ay horay uga geystay Kenya Weerarro khasaare badan dhaliyay.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28364\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28365\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen Kenya, kuwaasoo saxaafadda Kenya ay sheegtay inay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya. Xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay gubeen tuulada Surgoow oo ku dhaw soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, waxaana tirade xoogagan lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28409,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28407","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28407","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28407"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28407\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28411,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28407\/revisions\/28411"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28409"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28407"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28407"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28407"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}