{"id":28376,"date":"2016-05-30T23:30:30","date_gmt":"2016-05-30T20:30:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28376"},"modified":"2016-05-30T23:32:02","modified_gmt":"2016-05-30T20:32:02","slug":"hayad-lagumagacaabo-bil-kheyr-oo-tababar-usoo-gabangabeysey-haween-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/hayad-lagumagacaabo-bil-kheyr-oo-tababar-usoo-gabangabeysey-haween-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;ad lagumagacaabo Bil-KHeyr oo tababar usoo gabangabeysey Haween Soomaaliyeed."},"content":{"rendered":"<p>Xarunta Degmadda Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qatay Xaflad lagu soo xirayay Tababar muddo Sagaal Bilood ah u socday\u00a075 Haween Soomaaliyeed ah, kuwaasoo baranayay Af-Soomaaliga, Xisaab iyo Kambiyuutar.<\/p>\n<p>Munaasabadda oo ay ka qayb-galeen maamulka degmooyinka gobolka Banaadir, ururka Haweenka Qaranka, Madaxda Hay\u2019adaha Samafalka, Waaliddiinta Ardaydii wax-la-barey, Ardeydi dhameystey waxbarashada iyo Marti-sharaf kale.<\/p>\n<p>Tababarkan ayaa waxaa fulisay xarunta kobcinta iyo horumarinta Haweenka ee Bil Khayr (Bil Khayr Women Empowerment Training Center), waxaana ugu horreyntii ka hadlay xafladda maamulaha xarunta Bil Khayr. Canab Maxamuud Maxamed oo ku dheeraatay qaabkii uu ku billowday tababarkan.<\/p>\n<p>\u201cMarkaan aragnay baahida dhinaca aqoon la&#8217;aanta ah [jahli] ee haysta Haweenkeenna ayaa Go\u2019aansannay Aniga iyo Gabdho kale oo Walaalahey ah oo Dalka Dibaddiisa ka yimid, in intii Awooddeenna ah aan wax barno haweenka Soomaaliyeed,\u201c ayay tiri Canab.<\/p>\n<p>Iyadoo sii hadlaysay ayay raacisay. \u201cWaxaan xarunta maanta ka qalin-jabinaya 75 Haween ah oo aan barney Af-Soomaaliga, Xisaabta &amp; Kambiyuutarka, 16 ka mid ah waxay barteen Kambiyuutar, 49 waxay barteen Af-Soomaaliga oo ay u wehlisay xisbaabta.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa ka hadlay xafladda guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Butuulo Sh. Axmed Gaballe oo u mahad-celisay intii tababarkaan isku soo duba-ridday, gaar ahaan Xarunta Bil Khayr, iyadoo Xustay in Ururka haweenka Qaranka ay aad ugu farxeen in wax la baro haween Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Degmadda\u00a0Wardhiigley ee Muqdisho Yaasiin Nuur Ciise\u00a0oo isna ka hadlay Xafladda, ayaa Wuxuu u Mahad-celiyay Xarunta Bil Khayr oo uu ku sheegay inay Qabatay hawl loo baahnaa oo xilligeedii lagu soo beegay; wuxuuna soo jeediyay in Tababaradan oo kale\u00a0\u00a0la kordhiyo\u00a0si Haweenka Soomaaliyeed ay ugu baxaan jahliga.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, 75-kii Haweenka ahaa ee dhameystay Tababbarka ayaa lagu Guddoonsiiyay goobta Xafladda Shahaadooyin ka Marag-kacaya aqoontii la baray; iyadoo intii ay socotay munaasabadda qalin-jabinta ah\u00a0&#8211; Waxaa Xarunta Bil Khayr ay soo bandhigtay qaabkii wax loo baray Haweenka, waxaana isku soo dubaridday madaxa xiriirka ee xarunta.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28364\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco23-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28365\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xarunta Degmadda Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qatay Xaflad lagu soo xirayay Tababar muddo Sagaal Bilood ah u socday\u00a075 Haween Soomaaliyeed ah, kuwaasoo baranayay Af-Soomaaliga, Xisaab iyo Kambiyuutar. Munaasabadda oo ay ka qayb-galeen maamulka degmooyinka gobolka Banaadir, ururka Haweenka Qaranka, Madaxda Hay\u2019adaha Samafalka, Waaliddiinta Ardaydii wax-la-barey, Ardeydi dhameystey waxbarashada iyo Marti-sharaf kale. Tababarkan ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28378,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28376","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28376","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28376"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28376\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28377,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28376\/revisions\/28377"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28378"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28376"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28376"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28376"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}