{"id":28345,"date":"2016-05-29T19:45:03","date_gmt":"2016-05-29T16:45:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28345"},"modified":"2016-05-29T19:46:29","modified_gmt":"2016-05-29T16:46:29","slug":"hayadda-qaxootiga-unhcr-oo-sheegtey-in-kumanaan-million-halis-ugu-jiraan-in-ay-waddooyinka-ku-noolaadaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/hayadda-qaxootiga-unhcr-oo-sheegtey-in-kumanaan-million-halis-ugu-jiraan-in-ay-waddooyinka-ku-noolaadaan\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;adda Qaxootiga UNHCR oo sheegtey in kumanaan Million halis ugu jiraan in ay waddooyinka ku noolaadaan."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay asbuucii lasoo dhaafay in ay u baahan tahay nus bilyan\u00a0 doolar si ay dadka ku barakacsan daafaha caalamka ay ugu dhisto guryo ku filan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay ayay sheegtay in malaayiin qaxooti ah ay dhammaan daafaha caalamka ku heystaan daruufo adag isla markaana ay halis ugu jiraan inay kunoolaadaan dariiqyada maadama heyadaha gargaarka ee aan dawliga ahayn (NGOs) aysan heyn qarash \u00a0ku filan oo guryo loogu dhiso dadkaa tabaaleysan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">UNHCR ayaa arintaa walaac ka muujisay isla markaana ugu baaqday masuuliyiinta dhaqalaaha sida gaarka ah loo leeyahay (<i>the private sector) <\/i>inay dhibaatadaa wax ka qabashadeeda gacan ka geystaan.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Aydoo bilaabeysay olole loogu magac daray &#8216;<i>Nobody Left Outside<\/i>&#8216;, oo la macno ah &#8216;Qofna Waa Inaan Dibada Loogaga Tagin&#8217; \u00a0ayaa UNHCR sheegtay in la&#8217;aanta taageero caalami ah oo dheeraad ah darteed malaayiin qof oo kasoo cararaaya dagaalo iyo gabboodfalo ay ku heysato la&#8217;aanta guryo ku filan dalalka Lebanon, Mexico iyo Tanzania.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8216;Hadii aan loo helin meelo ay ka cunaan cunno bed qabta, meelo ay seexdaan oo wanaagsan, meelo ay wax ka bartaan oo wanaagsan, meeloo habboon oo ay alaabadooda dhigtaan iyo meelo khusuusiyaadkooda u wacan, cawaaqib xumo ayaa ku habsan kareysa caafimaadkooda iyo daryeelkooda\u201d. Sidaa ayay UNHCR ku sheegtay bayaan ay dhawaan soo saartay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Colaado sida colaada ka aloosan Suuriya oo 5 sano jirsatay ayaa ayagu sii huriyay qulqulatooyinka caalamka ayadoo ay haatan daafaha caalamka ku barakacsan yihiin qiyaas ahaan dad dhan 60 milyan kuwaasoo guryahoodii ka soo cararay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kudhawaad 20 milyan oo qof ayaa ka gudbay xaduudaha caalamiga ah kuwaasoo dalal shisheeye iminka qaxooti ku ah.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Ololehaas UNHCR-tu bilowday ayaa waxaa ujeedkiisu yahay hadii aan la marin habaabin in diirada lagu saaro sidii looga soo uruurin lahaa qarash masuuliyiinta dhaqalaaha sida gaarka ah loo leeyahay (<i>the private sector) <\/i>si loogu dhiso guryo ugu yaraan 2 milyan oo qaxooti ah wixii loo gaaro 2018 ama guryaha ay daggan yihiin xaaladooda loogu horumariyo.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Qarashka loo baahan yahay ayaa dhan $728 milyan sanadkaan oo qura, laakiin UNHCR waxay shaaca ka qaaday inay un iminka heyso $158 milyan oo qura.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u201cGuryuhu waa asaaska nolosha iyo soo kabashada qaxootiga waana in loo garawsado inay yihiin xaq baniaadmi oo aan wada xaajood laga gali karin,\u201d sidaa ayaa waxaa bayaankaa ku sheegay madaxa arimaha qaxootiga ee QM, Filippo Grandi.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28281\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28282\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28283\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay asbuucii lasoo dhaafay in ay u baahan tahay nus bilyan\u00a0 doolar si ay dadka ku barakacsan daafaha caalamka ay ugu dhisto guryo ku filan. Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay ayay sheegtay in malaayiin qaxooti ah ay dhammaan daafaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28347,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28345","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28345","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28345"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28345\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28346,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28345\/revisions\/28346"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28347"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28345"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28345"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28345"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}