{"id":28320,"date":"2016-05-28T23:02:23","date_gmt":"2016-05-28T20:02:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28320"},"modified":"2016-05-28T23:19:53","modified_gmt":"2016-05-28T20:19:53","slug":"maalinta-axadda-oo-berri-ah-ayaa-la-filayaa-in-shirka-madasha-doorashada2016ka-uu-muqdisho-ka-furmo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/maalinta-axadda-oo-berri-ah-ayaa-la-filayaa-in-shirka-madasha-doorashada2016ka-uu-muqdisho-ka-furmo\/","title":{"rendered":"Maalinta Axadda oo maanta ah ayaa la filayaa in shirka Madasha Doorashada2016ka uu Muqdisho ka furmo."},"content":{"rendered":"<p>Maalinta Berri ah oo Taariikhdu ay tahay 29-ka May 2016, ayaa Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay isugu imaanayaan Mas\u2019uuliyiinta DF Somalia iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Dalka, kaasoo looga hadli doono\u00a0hanaanka doorashada 2016-ka, Maqaamka Muqdisho iyo Arrimo kale oo muhiim ah.<\/p>\n<p>Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa inta uu socdo ayaa lagu dar-dar-gelin doonaa qaabka ay doorashooyinku u dhacayaan Sannadkan, sidoo kalena ay madaxdu ka hadli doonaan sidii loo dhaqan-gelin lahaa go\u2019aankii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud uu ku meel-mariyay heshiiska Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo Sannadkan.<\/p>\n<p>Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray Madaxweynayaasha Puntland, C\/weli Maxamed Cali Gaas iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ka Qayb-galaya Kulankaan, iyadoo ay Horay Muqdisho ugu Sugnaayeen Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Galmudug, C\/kariin Xuseen Guuleed.<\/p>\n<p>\u201cKulanka Madasha, Waxaa looga hadli doonaa; sidii Jadwal loogu Dejin lahaa Doorashada Dalka ka dhici doonta, Maqaamka ay Muqdisho yeelanayso iyo Sidii loo dhisi lahaa Guddi Doorasho oo Federaal ah,\u201d ayuu yiri mas\u2019uul ku dhaw kulankan oo u Warramayay HOL.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Mas\u2019uulka ayaa intaas raaciyay inay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu si wadajir ah isugu Raaci doonaan Go\u2019aankii Madaxweynaha Somalia uu Dhawaan ku Meel-mariyay Hannaanka doorashooyinka dalka, kaddib markii baarlamaanku uu ku guul-darreystay inuu Ansixiyo.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Shirkaan oo Qorshihiisu ahaa in lagu qabto Magaalada Garoowe ayaa loo soo wareejiyay Muqdisho, iyadoo aan la Faah-faahin Sababta loogu soo Wareejiyay Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Kulankan Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka, ayaa Waxaa Sidoo kale lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan Wakiillo ka socda Beesha Calaamka, iyadoo la filayo in marka lasoo Gunaanado laga soo saari War-murtiyeed ku aaddan Qodobbadii looga hadlay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Daba-yaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, ayaa lagu wadaa inay Dalka ka dhacdo doorasho lagu soo xulayo labada Aqal ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yelanayso, kuwaasoo iyaguna soo dooran doona Madaxweynaha Cusub ee Dalka.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28281\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28282\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28283\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maalinta Berri ah oo Taariikhdu ay tahay 29-ka May 2016, ayaa Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay isugu imaanayaan Mas\u2019uuliyiinta DF Somalia iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Dalka, kaasoo looga hadli doono\u00a0hanaanka doorashada 2016-ka, Maqaamka Muqdisho iyo Arrimo kale oo muhiim ah. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa inta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28322,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28320","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28320","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28320"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28320\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28325,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28320\/revisions\/28325"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28322"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28320"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28320"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28320"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}