{"id":28299,"date":"2016-05-28T21:24:58","date_gmt":"2016-05-28T18:24:58","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=28299"},"modified":"2016-05-28T21:27:27","modified_gmt":"2016-05-28T18:27:27","slug":"magaalada-muqdisho-oo-lagu-maxkamadeyndoono-ajaanib-dalka-sharci-daro-ku-joogey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/05\/magaalada-muqdisho-oo-lagu-maxkamadeyndoono-ajaanib-dalka-sharci-daro-ku-joogey\/","title":{"rendered":"Magaalada Muqdisho oo lagu maxkamadeyndoono Ajaanib dalka sharci daro ku joogey."},"content":{"rendered":"<p>Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta Shaacisay, in la Maxkamadeyn doono dad Ajaanib ah oo Waddanka ku joogay si sharci-darro ah, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Hay&#8217;adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur &#8211; ayaa Sheegay in Sharciga la hor-keenayo Ajaanibtaan Sharci-darrada kusoo galay Soomaaliya, kuna joogay.<\/p>\n<p>\u201cRuux walba oo sharciga ku xad-gudba, ajaanib ha ahaado ama muwaadin sharciga ayaa la hor-geynayaa. Way jiraa dad Ajaanib ah waddankan sharci-darro ku jooga oo lasoo qabtay, horayna waa u dhacday in Maxkamad la soo taago ajaanib sharci-darro uga shaqeysanayay dalka oo aan sharci u haysan, kuwaanna Waa la soo Taagayaa,\u201d ayuu yiri Dr. Xaashi Cilmi Nuur.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in aysan hayn xilligan tiro rasmi ah oo ku saabsan ajaanibta la hayo ee sharci-darrada ku joogta Waddanka, laakiin ay ka sugayaan inay u soo gudbiyaan hay\u2019adaha ay wada-shaqeyntu ka dhexeyso.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in uu hoos u dhac weyn ku yimid Dacwooyinkii la Xiriiray Dhulalka la isku haysto oo ahaa kuwo Muddooyinkii ugu dambeeyay Maxkamaddu qaadi jirtay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Hadalka Dr. Xaashi Cilmi Nuur &#8211; ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya &#8211; ay horay u sheegtay inay jiraan Dad Ajaanib ah oo dalka ka shaqeysata, kuwaasoo aan haysan Sharci ay Waddanka ku joogaan, kaddib markii ay ka dhaceen sharciyadii ay kusoo galeen.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Sannadkii 2015-ka, ayay ahayd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay Ganaax iyo Musaafurin ku xukuntay shaqaale Ajaanib ah oo u dhashay Kenya, kuwaasoo shaqooyin aanay ruqsad u haysan ka hayay Muqdisho.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28281\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg\" alt=\"beco2\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/beco22-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-28282\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg\" alt=\"salaam bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/salaam-bank2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-28283\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg\" alt=\"ttara\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/ttara2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta Shaacisay, in la Maxkamadeyn doono dad Ajaanib ah oo Waddanka ku joogay si sharci-darro ah, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Hay&#8217;adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur &#8211; ayaa Sheegay in Sharciga la hor-keenayo Ajaanibtaan Sharci-darrada kusoo galay Soomaaliya, kuna joogay. \u201cRuux [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":28301,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-28299","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28299","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=28299"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28299\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":28300,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/28299\/revisions\/28300"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/28301"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=28299"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=28299"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=28299"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}